Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo soo badbaadisay ajaanib ay sii daysay Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta magaalada Hobyo ee Galmudug ayaa laga soo xigtay in ay soo badbaadiyeen 20 qof oo u kala dhashay Pakistan iyo Iran oo sheegay inay ahaayeen kalluumaysato laga qabtay xeebaha Soomaaliya sida ay ku warrantay VOA-da.

Labaatanka qof oo dhammaantood rag ah ayaa u sheegay mas’uuliyiinta amniga inay horey u qabteen Al-Shabaab kadibna ay soo daayeen. Dadkan ayaa laga qabtay inta u dhaxaysa Hobyo iyo Xaradheere xalay.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay inay dadkan la kala socdeen laba doonyood, isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii loogu gacangelin lahaa waddamadii ay u kala dhasheen.

Hawlgalka lagu soo badbaadiyey dadkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow degaanka Ceel-Huur.

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo soo badbaadisay ajaanib ay sii daysay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this