Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Itoobiyaan Ah Oo Xalay Dil Ka Geystay Magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin ka soo jeeda Qowmiyada Oromada ee Itoobiya ayaa xalay magaalada Hargeysa ku dilay wiil dhalinyaro ahaa, kaasoo da’diisa lagu sheegay 22 jir ah.

Sida ay shaaciyeen booliska Somaliland, dilka waxa uu si gaar ah uga dhacay hoteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa hortiisa, iyadoo marxuumka dilkiisa loo adeegsaday Feedh iyo Jilib, sida boolisku sheegeen.

“Ciidanka Booliska JSL  ayaa caawa gacanta ku soo dhigay eedaysane Ifsa Axmed Shariif oo ku eedaysan ina uu dilay Aamiin Siciid Sidiiq oo 22 jir ah, eedaysanahan oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada ayaa ku eedaysan in uu ku dilay marxuumka feedh jilib uu ku dhuftay, dilkan ayaa ka dhacay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeisa hortiisa” ayaa lagu yidhi warka booliska ka soo baxay.

Ciidamadda amniga ayaa sheegay in ninkan Itoobiyaanka ah uu dilka kadib goobta isaga baxsaday, balse lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen laamaha ammaanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this