Sign in to follow this  
Maaddeey

Wayaanaha Axmaarkii Jariyo Gaalka Wehel Moode (Heshiiska Jabhadda UWSLF Zenawi)

Recommended Posts

Maaddeey   

Wayaanaha Axmaarkii Jariyo, Gaalka Wehel Moode (Heshiiska Jabhadda UWSLF & Zenawi)

Friday, 09 April 2010

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Maxaa caawa xalay uga eg! Ma usoo joogteen sheekh Shariif iyo Janaqoow oo ah Mujaahidiin la dagaalaya dagaal oogayaal? Ma soo taagneydeen Sheekh C/Qaadir Cali Cumar iyo Indhacadde oo dagaaloogayaashii sida Muuse Suudi iyo Qanayare la dagaalaya? Ma soo joogteen in nimankaas oo dhami dhihi jireen dowladda C/hi Yuusuf waxaa wata Tigree iyo gaalo kale? Soow shaahid meynnu ahayn markii nimankaasi ka dhihi jireen bannaanbaxyadii lagu qabtay Tarabuunka 2006dii: waxaan la jihaadeynaa Tigree, Gaaloraac iyo gaalada kalaba! Ma ka dhabeeyeen ballaankaas?

 

 

 

Warkaas oo kale waxaan ka maqli jirnay Jabhadda Soomaali Galbeed. Sida nimankaas bey sheegi jireen inay ku jiraan Jihaad ay rabaan inay ku xoreeyaan Soomaali Galbeed! Jamhaddaasi si aan gabbasho lahayn bay u caayi jireen ONLF iyagoo leh: waa jamhad mabda' qabiil ku shaqeysa sidoo kalana xiriir la leh Maraykan iyo gaalo kale.

 

 

 

Qolyahan jabhadda Soomaali Galbeed uma jili karaan filimka sidii sheekh Shariif iyo Janaqoow u dhigeen markii Shariif inta Sanca kula kulmay saraakiil Itoobiya ka socotay dabadeedna tagay Jabuuti damcay inuu shacabka waalo oo mar kasta oo safiirka Itoobiya u jooga Jibuuti uu shirka soo galo waxaa shirka ka bixijiray Shariifka iyo Janaqoow! Dad badan oon la socon sheekada baa dhihi jiray: Shariifku waa waddani! Waxay oran jireen: bal isu fiiriya ninkaas iyo C/hi Yuusuf! Waxay dhihi jireen sheekh Shariif waa isu quuri waayey inuu meel la fariisto safiir Tigree ah! Ilaahoow adaa u maqan ummadda Soomaaliyeed.

 

 

 

War dadka "wadaadada" sheegta qiil-raadis badanaa! C/hi Yuusuf wuxuu oran jiray: baddaan wax ku darayaa halka sheekh Shariif iyo sheekhyada Jabhadda Soomaali Galbeed soo qaateen heshiiskii Xudeybiya! Horaan qoraal iyo waraysiba ugu sheegay inaan sheekh Shariif wixii lagu dhisay aysan shuqul ku lahayn Islaamka iyo Xudeybiya inkastoo dad culumo sheeganayey difaaceen. Haddana waa sidii oo kale oo jamhaddaasi waa magac dilaysaa heshiiskii Xudeybiya. Intaanan Xudeybiya ka hadlin baan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed dareensiiyo labo arrimood:

 

 

 

Haddii Mujaahidiinta Soomaaliyeed damcaan inta galaan dhulka Xabashidu naga heysato dabadeedna ka soo xoogaan gaadiid dagaal ama agab kale uma habboona markii la weydiiyo daliil arrintaas ku saabsan inay dhahaan: dagaalkii Badar! Waxaan saa u leeyahay fasirka ay wataan waa ka horreeyey Badar. Nabiga (SCW) iyo saxaabadu (RC) waxay aadeen awrtii Abuu Sufyaan waday. Waxayna daliishan karaa nasuus caama ah:

 

 

 

 

ذَلِكَ وَمَنْ عَاقَبَ بِمِثْلِ مَا عُوقِبَ بِهِ ثُمَّ بُغِيَ عَلَيْهِ لَيَنْصُرَنَّه 1615; اللَّهُ

 

 

 

فمن اعتدى عليكم فاعتدوا عليه بمثل ما اعتدى عليكم واتقوا الله واعلموا أن الله مع المتقين

 

 

 

Aayadahaas laftoodu waxay ku soo dageen baa mufasiriintu leedahay in gaalada lagula dagaali karo Xaramka ama bilaha xurmada leh hadday xadgudbaan. Laakiin cidna uma diidi karto inay qisaasta iyo wixii la mid ah loo daliishan karo. Waxaad mooddaa in dad badan is moodsiinayaan inaysan fahmin siduu dagaalkii Badar u dhacay. Dagaalka Badar Ilaah baa watay. Muslimiintu howl kalay u socdeen; Ilaahayna arrin kaluu rabay:

 

 

 

وإذ يعدكم الله إحدى الطائفتين أنها لكم وتودون أن غير ذات الشوكة تكون لكم ويريد الله أن يحق الحق بكلماته ويقطع دابر الكافرين

 

 

 

Dagaalkaas Ilaah baa watay rabayna inuu saas u dhaco oo xaqa iyo baadilka la kala saaro. Laakiin marka la fiiriyo sida nabiga (SCW) iyo saxaabadu (RC) isu soo abaabuleen waa inay af libaax galeen. Waxaa Madiina ku haray saxaabo badan maxaa yeelay looma socon dagaal weyn ee waxaa loo socday awr. Marka hogaamiye ciidan oon diyaarsanayn oon la imaan wixii tabartiis ah ma aadi karo Jihaad. Lama rabo inuu dhaho: nabiga (SCW) iyo saxaabaduba iyagoon diyaar ahayn bay jihaad iska galeen ee marka waa in muslimiintu iska duulaan iyagoon diyaar ahayn intii tabartooda! Taladii nabigu (SCW) soo jeediyey dagaalkii Uxud iyo siduu ciidama u habeeyey markii taladiisa la diiyey, dagaal ahaan waa ugu heer sarreysaa laakiin arrintii dagaalkii Badar loo aaday, Ilaah baa arrinta watee, qatar bay galeen saxaabadu oo waxaan xisaabta ugu jirin baa ku soo baxay.

 

 

 

Qofkii raba inuu Badar markhaati usoo qaato waa in uga yaraan Jihaad jiraa sida muslimiin tiro yar oo Ilaah guul siiyey. Laakiin uma habboonna in dagaalkii Badar daliil looga dhigo wax gaalo laga soo dhacay. Danta loo aaday awrtii Abuu Sufyaan watay waa ka horraysay dagaalka Badar. Dagaalku xisaabta kuma jirin ee Ilaahay baa saas damcay.

 

 

 

Saasoo kale heshiiska Xudeybiya ee sheekh Shariif iyo Jabhadda USWLF iska maxaabsaneyso waa saasoo kale. Sidaan hore u sheegay qofna ma oran muslim iyo gaalo heshiis ma dhigan karaan. Marka sidii dagaalkii Badar aan loogu daliishan karin qofkii raba inuu qof ka cadgoosto oo waliba adduunyo doon ah (awrtii) ayaan heshiis kasta oo muslimiin iyo gaalo dhexmara uusan shabbihin heshiiskii Xudeybiya. Horaan uga hadlay laakiin dhowr dhibcood baan taabanayaa.

 

 

 

Sidii dagaalkii Badar, Ilaah arrinta u watay ayaa sidoo kale nabigu riyo ku arkay isagoo cumreysanaya. Riyada nabiyaashu waa dhab. Fiiri aayadda:

 

 

لَقَدْ صَدَقَ اللَّهُ رَسُولَهُ الرُّؤْيَا بِالْحَقِّ لَتَدْخُلُنَّ الْمَسْجِدَ الْحَرَامَ إِنْ شَاءَ اللَّهُ آمِنِينَ مُحَلِّقِينَ رُءُوسَكُمْ وَمُقَصِّرِينَ لَا تَخَافُونَ فَعَلِمَ مَا لَمْ تَعْلَمُوا فَجَعَلَ مِنْ دُونِ ذَلِكَ فَتْحًا قَرِيبًا

 

 

 

Nabigu (SCW) dowlad buu ahaa.

Nabiga (SCW) iyo saxaabadu Cumro bay u socdeen ee dhul lagama heysan

Xudeybiya waa xaggee? Makkah agteeda. Xaggee jamhaddu joogtaa? Haddii Shabaab oo raba in ay Addis Ababa xoog ku qabsadaan la yiraahdo: war bal suga waxaa dhici karta inaan Addis Ababa dagaal la'aan galnee waa la fahmi lahaa laakiin nin dhulkaagii heysta baan Xudeybiya u soo qaadanayaa ma aha daliil.

Halka qodob oo saxaabada liqi waayeen waxaa dhici karta in meesha Waxyi ku jiray maxaa yeelay nabigu (SCW) wuxuu yiri: waxaa dhici karta in Ilaahay faraj furo. Weyna dhacday. Haddaan Waxyi jirin muxuu nabigu (SCW) hadyigii u qalay oo u xalaaloobay? Ma cibaadadaas oo kalaa dhici karta Waxyi la'aan?

 

 

Run ahaantii waan u garaabi lahaa haddii Jamhaddu dhahdo: Faroole iyo Riyaalaba waxaa xukuma Tigree. Waxaa labadaas gobol jooga culumo aan is leennahay waxna uma arkaan arrinta Zenawi. Marka inta wiilashayada lagu xirxiri lahaa labadaas gobol maan siday Zenawi u hoosjoogaan, annaguna u hoos tagnno waa wax la fahmi karo.

 

 

 

Sidoo kale haddii jamhaddu ahaan lahayd mid wadata magac qabiil sida ONLF, USC, SSDF, SNM, iyo kuwa kale wax bay ahaan lahayd laakiin jabhad sheegan jirtay inay xambaarsan tahay mabda' Islaam ah uma habboonna saas. Qolyaha wadaadada ah waxay kaga daran yihiin kooxahaas kale, markay khaldamaan, waxay keensanayaan daliil diini ah! Shariif horuu Xudeybiya u soo qaatay! Jamhaddaasna waa soo qaadatay! Marka dad badan oon ku jiro waa ka digeen inaan arrintii Shariif shuqul ku lahayn heshiiskii Xudeybiya. Ma ku khaldaneyn ka-digiddii Shariif? Shariifka iyo wadaadada xukuma Jamhaddaas labo arrimood waa uga liitaan reer Banu Israa'iil;

 

 

 

1- Reer Banuu Israa'iil markay Taaluut ku qabsadeen hogaanka ma caayin Jihaadka, qiil kalana ma raadsan ee toos bay u dhaheen iyagaa uga xaq badan Taaluut. Marka Shariifku markuu C/hi Yuusuf meesha ka qaaday hadduu dhihi lahaa annagaa uga xaq leh dhib ma lahaateen ee wuxuu yiri: C/hi Yuusuf waa gaalo-raac marka uma qalmo inuu Soomaali xukumo! Hadda Jamhaddani waxay Zenawi uga dheeraysay ONLF iyagoo ONLF ku sheegi jiray inay gaalo-raac yihiin! Marka hadday dhahaan waa ka diin badan yihiin ONLF waxbay ahaan lahayd:

 

 

 

أَنَّى يَكُونُ لَهُ الْمُلْكُ عَلَيْنَا وَنَحْنُ أَحَقُّ بِالْمُلْكِ مِنْهُ وَلَمْ يُؤْتَ سَعَةً مِنَ الْمَالِ

 

 

 

2- Reer Banuu Israa'iil markii la yiri jihaada oo gala qaryadii waxay nabi Muuse ku dhaheen: waxaa meesha jooga rag waaweyn marka adiga iyo Ilaahaagu dagaalama halkaas bay ku sugayaane halka wadaadada Soomaaliyeed ama kuwo kale markay daalaan ama baqaan waxay keensanayaan daliil sharci ah:

 

 

 

قالوا يا موسى إنا لن ندخلها ابدا ما داموا فيها فاذهب أنت و ربك فقاتلا إنا هاهنا قاعدون

 

 

 

Hadda iyo dan fiicnaan lahaydaa inay la tashadaan Mujaahidiinta Soomaaliya joogta iyo jamhadaha kale sida ONLF. Waxaan diiddanahay waa in la xagxagto Xudeybiya ee cidna ma diideyso in muslim iyo gaalo heshiis dhigan karaan. Sidoo kale cidna ma diideyso in Tigreega dhulkeennii dhacay oo intii soo hartay dhibka ku haya in laga soo dhici karo agab laakiin ma fiicna in dagaalkii Badar la soo qaato adoo nasuus caam ah heysta.

 

 

 

Marka in heshiisku riwaayad ka socota Zenawi yahay iyo in kale waxaa lagu ogaanayaa markii la arko ciidamo Tigree ah oo Kalabayr, Hiiraan ama meelo kale oo dhulka inta noo soo hartay ah yimid. Kollay Tigreegu si toos ah faraha ugama qaadayo Soomaaliya laakiin hadduu Zenawi daayo ciidamada uu Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo meelo kale soo gelinayo seddexdaas bilood ee Jabhadda USWLF sheegteen taasi waxay keenaysaa in xagga Zenawi wax iska badeleen. Haddii Zenawi naftiisa xakameeyo waxaa dhici karta in Shabaab iyo Xisbul Islaam iyo Zenawina wadahadlaan oo la yiraahdo: Zenawiyoow haddaad heshiis rabtid bal horta Koonfurta iyo Waqooyiga noo soo haray ha soo faragashan. Haddaad saas samaysid waan ka hadli karnaa wadahadal iyo isnabadgelin.

 

 

Aniga xaggeyga arrinta Zenawi weli ma bisla. Horay baa loo yiri:

 

 

 

Nin abeeso koriyoow adigaa u aayine

Axdi ma laha Xabashidu lagu aaminaaye

 

 

Marka haddii seddexdaas bilood Zenawi faraha kala baxo inta hadda Soomaaliya la dhaho waxaan filayaa in heshiiskaas arrintiisa la weyneyndoono laakiin belaayo waxay ka dhacday markii la arko Zenawi oo Kalabayrka iyo Balanballe taagan! Marka hadday Tigreegu mar kale soo galaan gobolladaas; meesha heshiis ma yaal maxaa yeelay sheekh Ibraahim-dheere waa ogyahay in Mujaahidiintu isku mid yihiin. Marka sheekh Ibraahimoow adaa heshiiskii Xudeybiyah lagaa kari waayey ee ka warran haddii Zenawi soo galo Hiiraan iyo Galgaduud? Ma sidii nabigu (SCW) u weeraray Qureysh markay Khuzaaco weerareen kaddibna Camri Binu Saalim Al-Khuzaaci Madiina tagay baad heshiiska ka baxaysaan? Mise heshiiska qeybtiisa aad rabto baad keliya isku dhejineysaa? Marka waa idiin nasiibdarro in Zenawi idiin ka faa'iideysto dhowrkaas bilood inuu helo fursad uu kula dagaalo Mujaahidiinta Soomaaliya joogta isagoon idinka idin ka baqayn. Waxayna Mujaahidiinta ku oran karaan:

 

 

 

Ninkii malabka weelka ugu shuba, dacar waraabsiiye

 

 

Marka sheekhoow marka inta Zenawi Suufiyada ku taageero Hiiraan iyo Galgaduud; adna aad ku heyso inaad heshiis ku jirto baan sidii Sayid Muxamed ku leeyahay:

 

 

 

wardi aan Ilaah lagu aqoon weyso ku abaade

intuu marada weyn soo huwado waliyo kuu sheegte

Wadaagaha Axmaarkii jariyo gaalka wehel moode

 

 

 

 

الله أكبر خربت جريعيل الله أكبر خربت جريعيل

 

 

 

إنا إذا نزلنا بساحة قوم فساء صباح المذرين

 

 

 

اللهم بارك على محمد وعلى آل محمد، كما باركت على آل ابراهيم إنك حميد مجيد

 

 

 

سبحانك اللهم وبحمدك أشهد أن لا إله إلا أنت أستغفرك وأتوب إليك.

 

A/Waxid Khaliif.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this