Sign in to follow this  
Deeq A.

Youtube Channel ka ‘Ha Noolaato’, oo marar badan wax micno leh la ga sii daayo…M.Haaruun Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   
Youtube Channel ka ‘Ha Noolaato’, oo marar badan wax micno leh la ga sii daayo, ayuu Ayaanle Xuseen oo ka hawl galaa ka baahiyay waraysi uu ka qaaday nin sheegay in uu ka badbaaday dil-wadareed. Waa xasuuq dad rayid ah magaalada Burco loo gu geystay oo SNM ku baxay sida ninka badbaaday uu sheegay. Dhalin badan baa taas ka xanaaqday, oo u qabta, amma u qabtay in SNM ay ceeb-ka-saliim ahayd. Runtii dadka yaabaaya amma xanaaqaaya hadii la yidhaahdo SNM baa xadgudub samaysay, waa qaldanyihiin, waana laba kooxood uun. Waa dhalinyaro been loo sheegay, la gu anqariyay oo ku koray, iyo waayeel is yeelyeelaaya.
Anigu waxa aan ogaa 1991 kii markii Hargeysa iyo gobolada la soo galay, in dhibaatooyin badani dhaceen. Waxa jiray shakhsiyaad amaba kooxo iskood isu diray oo falal xunxun geystay. Ciidankii Koodbuur la odhan jiray, oo wadanka badidii ka dagaalamay, Berbera ilaa Saylac, niman badan oo ka tirsanaa baan marar badan la sheekaystay. Tusaale ahaan, magaalada Berbera maalintii la qabsaday, waxa ay ii sheegeen in baabuur shilke ahaa, uu dekedda dhinaceeda istaagay, oo si bahdeedh ah afartta dhuumood ee qoriga u gu furay dooni dad badan oo qaxaayay saarnaayeen, oo wax yar uun ka hor dekedda ka goosatay. Ilbidhiqsiyo gudahood baa doontii dab ku qabsaday oo ay ku tagtay badda sagxadeeda.
Is la ciidankaas Koodbuur niman ka tirsani waxa ay ii sheegeen, in rag lix amma todoba ah oo aan hubaysnayn ay ka heleen meel xeebta ah, oo nin iyaka ka mid ahaa oo Khadar-teetano la odhan jiray, haatan se geeriyooday, uu wadada dhinaceeda ku wada toogtay, mid mooyee intii kale na dhimatay. Markii Boorama la galay, baabuur kale oo ciidan oo qori weyni saaranyahay, ayaa dad qaxaaya oo baabuur siisow ah saran rasaas ku furay oo isaga iyo dadkii saarnaa ba gubay. Sidoo kale, niman ka mid ahaa ciidan 99 la odhan jiray, ayaa hal habeen oo magaalada ciidanku joogeen dad shicib ah ku laayay ama guryo/meherado baadhay. Falalka noocaas ah markii la ogaaday, Cabdilaahi-darawal oo ciidanka madax u ahaa ayaa amray in jabhadda dhamaanteed la ga saaro magaalada. Hadda intaasi waa intii aniga I soo gaadhay uun.
Dhinaca Bariga, nin haatan dhintay oo Libaaxo la odhan jiray, oo ka mid ahaa saraakiisha SNM, niman jabhad ah buu kaxaystay, dad rayid ah baanu ku laayay meelo ka la duwan. Waxyaabo sidaas ahi waa jireen, waana xadgudubyo xaqiiqo ah, laakiin runtu waxa ay tahay in aanay jirin xasuuqyo abaabulan oo SNM si qorshaysan ay u fulisay, oo maamul iyo ciidan ba la is la go’aamiyay, laakiin taasi ma khafiifinayso qaladaadkii dhacay, waanay dhaceen hubanti ahaan. Beeni maxay tar

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this