Sign in to follow this  
Gabbal

Caabudwaaq: Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Dilkii Arxandarada

Recommended Posts

Gabbal   

Cimaamad.jpg

 

Axmedaadan.jpg

 

kitaab.jpg

 

 

Caabudwaaq: Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Dilkii Arxandarada Ahaa Ee Maleeyshida Maxkamaduhu U Gaysteen Dhaawac Ay Ku Qabteen Buaale.

Oct 31,2006

by Caabudwaaq-Gedo-NN

 

Magaalada Caabdudwaaq ayaa waxaa maanta ka dhacay mudarahaad looga soo horjeedo maleeshiyo beeleedka maxkamadaha Kismaayo oo gacanta ku haya inta badan gobolada koonfurta ee Soomaaliya. Mudahaaraadkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaar ka mid qaybaha bulshada ku dhaqan degmooyin Caabudwaaq, Balanballe, Dhabad Iyo Bangeelle ee Gobolka Galgaduud.

 

Mudaharaadkaan ayaa waxaa uu ka dhashay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha ******** oo ka tirsan maxkamadaha Kismaayo ay dileen dhaawac ka mid ahaa ciidamaddii uu hogaaminayay Col: Barre Aadan Shire oo uu dagaal ku dhex maray deegaanka Bu’aalle iyaga iyo kuwa maxkamadaha.

 

Dhacdadii dhaaawaca la laayay ee ay dileen qaar ka mid ah maleeshiyadda Maxkamadaha ayaa noqotay arin ay si weyn ay uga caroodeen ugana ka ceen dhamaan meel kasta oo ku nool yihiin dadka ku abtirsada Beesha ****.

 

Sabtidii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii ay maleeshiyaadka Maxkamaduhu dileen 5 nin oo ka mid ahayd dhaawacyadii ciidamaddii uu hogaaminayay Barre Hiiraale. Nimankaan dhaawaca ahaa ayaa maleeshiyaadku maxkamaduhu ku hayeen Bu’aalle asbuuc. waxaase dil fajicisa ah loogeystay maalintii sabtida oo ay dileen istaafka ninka lagu magacaabo Axmed Madoobe.

 

Dhacadadaan dhibaatada badan ayaa dhinaca maxkamaduhu ay qirteen inay gaysteen maleeshiyo beeleed ayaga ka tirsan ay geysteen falkaasi, waxaase wali aan jirin wax ay ka qabteen dadkii geystay dhibaatada foosha xumayd ee ka dhacday deegaanka Buaalle, waxaa kacsan xaalada deegaanaada ay degan tahay Beesha **** oo si weyn uga shakiyay arrinta maxkamaduhu ay

salka ku hayso qabiil.

 

Mudaharaadkii ka dhacay maanta magaaladda Caabudwaaq ayaa waxaa ay gubeen mudaharaadayaalku cimaamada gaduudka ah ee lagu yaqaan Maxkamadaha, waxaa sidoo kale ay kor u qaadayeen Kitaabka Alle iyo Calanka Qaranka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Banaanbax ka dhan ah falkii lagu laayay dhaawacyada Barre Hiiraale

 

 

Caabudwaaq 31, Oct.06 ( Sh.M.Network) Banaanbax looga soo horjeedo dilkii loo geeystay qaar ka mid ah maleeshiyooyinka Col. Barre Hiiraale ee ku dhaawacmay dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Bu'aale ee gobolka J/dhexe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

 

Banaanbaxaan oo lagu gubay Cimaamadaha baro baraha leh ee ay wataan inta badan ciidamada Maxkamadaha islaamka ayaa dadkii ka soo qeybgalay waxa ay socod dheer ku mareen wadooyinka magaalada Caabudwaaq, iyagoo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah maxkamadaha islaamka Somalia.

 

Col. ***** Dheere oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay dibadbaxaan ayaa waxa uu eedeyn dusha kaga tuuray Maxkamadaha islaamka oo ku eedeeyay in ay ka baaqsadeen is-hortaagida falkii lagu dilay maleeshiyooyinka dhaawcayada ay ka soo gaareen dagaalkii Bu'aale ku dhex maray taageerayaasha Col. barre Hiiraale iyo maxkamadaha islaamka.

 

Sheekh Ibraahim Shukri (Abu Zeynab ) oo afhayeen u ah golaha maxkamadaha islaamka Somalia ayaa isagu horey waxa uu u qirey eedeymaha loo soo jeedinayo Maxkamadaha islaamka ee ku aadan dilka maleeshiyooyinkii dhaawacyada qabay, waxaana uu sheegay in falkaasi ay u qabteen labo nin oo loo tirinayo in ay yihiin kuwii geeystay.

 

Hay'addaha xuquuqda Aadanaha ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi.

 

Dilka maleeshiyadaan u soo raacday Barre Hiiraale dagaalo ay la galaan Maxkamadaha islaamka oo markaasi ay suurto gal tahay in iyana la dilo ama ay wax dilaan ayaa hadda waxa ay u muuqataa mid dhaawac siyaasadeed u geysaneysa sumcadaha Maxkamadaha ka dib markii taageerayaasha Col. barre Hiiraale inta badan deegaanada ay ku dhaqan yihiin ay ka abaabuleen dibadbaxyo arimahaasi ka dhan ah.

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

What is Camiils ?sxb ii macnee ba waraada abtiyaashay iska daaya .....horn its Qabiil thing.....i'm sure whoever kill qabiilkay kasoo jeedaan baa loo dilay......its un islamic

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Juje:

loool..!

Widaayo maxay cimamada ugubeen bal?

It's the Caabudwaaq temperament ( :D ) although certainly my discomfort was alleviated due to the raised Kitaab maashaalah!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Originally posted by xox ogaal:

[QB] What is Camiils ? {QUOTE]

 

xox ogaal welcome to SOl. I do not have time on this now.. I have to go.. But soon Inshaa Allaah i will be back to station and take up this with you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this