Sign in to follow this  
Mahdi

Nairobi:Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Nairobi

Recommended Posts

Mahdi   

Nairobi(AllPuntland)-Ra'iisal Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi oo xalay dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi ka dib safar labo maalmood qaatay oo uu ku tegey dalka Talyaaniga ayaa maanta waxa uu shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ku yaal xaafadda Hurlinghum ee magaalada Nairobi.

 

Ra'iisal wasaaraha ayaa wuxuu shirkiisaan jaraa'id ku saabsanaa arrin la xiriirta khayraadka dalka Soomaaliya bad iyo berriba ee ay shirkado shisheeye ka ganacsadaan iyagoo heshiisyo la gala maamullo ama shaqsiyaad gaar ah,taasoo uu Ra'iisal Wasaaruhu ku tilmaamay arrin xaaraam ah oo aan sharciga caalamiga ah waafaqsanayn.

 

Ra'iisal Wasaare Geeddi waxa uu shirkiisa jaraa'id ku sheegay inaan loo baahnayn in shirkad ay maamul ama cid gaar ah heshiis ganacsi oo la xiriira khayraadka dalka Soomaaliya la gasho iyadoo aan ogolaansho ka haysan DFKMG ah ee Soomaaliya,sida uu qorayo axdiga KMG ahi.

 

Ra'iisal Wasaaraha ayaa waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay shirkado shisheeye oo ka ganacsada khayraadka dhulka hoos taga dowlad goboleedka Puntland taasoo buu yiri aan ka wadahadalnay madaxweynaha Puntland Mudane Cadde Muuse mar aan isku aragnay Nairobi oo aniga iyo Madaxweynaha DFKMG ah Mudane Cabdullaahi Yuusuf aan kala hadalnay arrintaas ,annagoo isla garanay in la joojiyo heshiisyada gaarka ah inta sharci guud oo ku saabsan qaabka loo qaybsanayo khayraadka waddanka Soomaaliya la soo saarayo.

 

Ra'iisal Wasaaraha ayaa hadalkiisu u muuqdey inuu saluugsan yahay hirgelid la'aanta joojinta ka ganacsiga shirkadaha shisheeya ee Soomaaliya iyo sida aan maamulka Puntland uga soo dhalaalin kaalintii kaga aadanayd waxyaabihii ay maamulkaas iyo madaxda sare ee DFKMG ahi isla meel dhigeen isagoo uga digey shirkadaha ka ganacsada khayraadka Soomaaliya ee aan fasaxa ka haysan DFKMG ah in aakhirka maxkamad la soo taagi doono isagoo beesha caalamkana ka codsaday inay xukuumadda gacan ka siiyaan sidii loo xakamayn lahaa cid kasta oo si sharci darro ah uga ganacsata ama isku dayda inay heshiisyo gaar ah oo aan Dowladdu ogayn la gasho cid gaar ah.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

AllPuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this