Sign in to follow this  
Haddad

BAAQ MUHIM AH

Recommended Posts

Haddad   

Bannaanbax lagu cambaareynaayo Qashinka Hubka Nuklearka oo lagu daadinaayo badda Sooomaaliya

 

April 5, 2005


Sida dhamaan, qaranka sharafta leh, aad la socotaan, shalay Xarunta Qaramada Midoobay, New York, waxaa ka bilawday shirweyne – 2 Maajo ilaa 27 Maajo 2005 – oo looga hadlaayo sidii loo hakin lahaa, loo dhimi lahaa ama loo baa’bin lahaa Hubka Nuklearka.

 

Sidaaas darteed, waxay ila tahay in dhamaan Soomaalida, meel kasto ay joogaan, bannaan bax, lagu cambareenaayo qashinka iyo sunta hubka nuklearka ah oo lagu daadiyey, welina lagu daadinaayo badda Soomaaliya ama Indian Ocean. Dhibaatada maanta Soomaaliya hortaal, ee mustaqbalka ummadda iyo bi’adeeda hadidaayo, kama yara, haddii ay ka darneen, Bombooyinkii lagu baabi’iyey Hiroshima iyo Nakasaki ee dalka Japan dagaalki II ee adduunka oo 60 sano kaddib, carruurta dhalanayso weli dhibaato ku haayo.

 

Waxaan soo jeedinaya in Sooomaalida ku nool qaaradda Amerikada Waqooye, US iyo Kanada gaar ahaan, inay ka mudaaharaan Xarunta Qaramada Midoobay horteeda haddii ay suurto gal u tahay, haddii kalena meelaha ay joogaa inay isla maalin soo wada bannaan baxaan. Sidoo kale Soomaalida ku nool qaaradaha kale, iyo ummadda ku nool dalka Soomaaliya gudahiisa, iyagana halkoodii ka sameeyaan mudaaharaadyo, si loo muujiyo dembiga laga galaayo shacabka Soomaaliya oo aan wax awood ah u lahayn inay ka hor tagaan dhibaatada qaswhinka nuklearka.

 

Madaama uu shirka socon doono wax ku dhow hal bil, waxaan soo jeedin lahaa in bannaan baxaas la sameeyo taariikhda markay tahay Bisha Maajo 17, 2005 oo ku beegan maalin Talaado.

 

Waa muhim, waa arrin nolol ama geeri ah. Haddii aan maanta laga hor-tagin sumeynta baddeenna, bi’adeenna iyo ciideyna, waxaa dembi lama ilaabaan aan ka galeynaa dadka hadda joogo, caruurteenna iyo caruurtooda iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

 

Ku soo biiriya banana baxa qofka kasta oo taageera ummadda Soomaaliyeed.

 

Aan ka siiyo dalka aan jecelnahay, hal maalin noolasheenna.

 

Wa Billaahi At Towfiiq.

 

 

Mohamed Osman Omar,

 

Mosman65@yahoo.com

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haddad   

Now, this is what I believe is a worthwhile call to protest. The effects of nuclear waste on the environment and people will last for decades and generations to come. Unfortunately, Somalis in the West are more apt to express fake nationalism and protest for nonsensical issues. I will be surprised if Mohamed Osman Omar's kind of protest ever takes place.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa baaq iyo talo wanaagsan runtii. Kolleyba anigu intii awoodeyda ah waxaan isku dayeyaa inaan farriintan u sii gudbiyo Soomaalida aan nasiibka u yeelan inay akhristaan Insha Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haddad   

Originally posted by Abwaan:

Kolleyba anigu intii awoodeyda ah waxaan isku dayeyaa inaan farriintan u sii gudbiyo Soomaalida aan nasiibka u yeelan inay akhristaan Insha Allaah.

That's the spirit!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this