Sign in to follow this  
Jabhad

Latest news from occupied Somalia

Recommended Posts

Jabhad   

Ciidamo Itoobiyaan ah kuwii badanaa oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho

Posted to the Web Feb 21, 02:00

 

Muqdisho (Aayaha.com) 21 Feb. 2007 - Ciidamada Cadowga Itoobiya oo ku hubeysan gawaarida dagaalka oo la sheegay in ay gaarayaan 68 ayaa la xaqiijiyey in ay kusoo jeedan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka yimaadeed qeybo ka mid ah gobolka Baay, wuxuuna dhaqaaqooda dhanka Muqdisho yimid kadib markii dhawaanahan xoogagga xaq u dirriku weeraro qorsheysan oo xooggan la beegsadeen fariisimaha ay ciidamada cadowgu ka sameysteen qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

Waxaa jira warar kala duwan oo sheegaya in ujeedada imaanshaha ciidamada cadowgu ay la xiriirto xasuuq baahsan oo ay cadowgu la damacsan yihiin Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadaan ayaa waxa ay ku biiirayaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo tiradoodu horay u gaareysay ugu yaraan 18,000 (sideed iyo toban kun).

 

Ciidamadaan cusub ee cadowga ee kusoo wajahan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay qeyb ka noqonayaan ciidamada cadowga ee labadii bilood ee lasoo dhaafay xasuuqa ka geysanayey magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada cadowga iyo maleeshiyaadka Kooxda Mbagathi ayaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay si arxan darro ah madaafiicda BM-ka xiliyada habeenkii ku garaacayey xaafadaha ay rayadku deggen yihiin ee magaalada Muqdisho.

 

Aayaha.com

Xafiiska Muqdsho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

BAYDHABO: Ciidammo Ethiopian ah oo gaaraya 4-kun oo Askari oo ku soo fool leh maanta Muqdisho

Posted to the Web Feb 21, 08:33

 

Baydhabo (PP) - Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas ay ka soo ruuqaansadeen in ku dhow 4-kun oo ciidammada Dowladda Ethipoian ah, kuwaasoo si aad ah u hubeysan.

 

 

 

Ciidammadaan Ethiopian-ka ah ayaa la xaqiijiyay inay ku soo jeedaan Magaalada Muqdisho, si ay qayb uga qaataan xasilinta Magaalada oo noqotay meel ay hareeyeen daryaanka madaafiicda waaweyn xilliyada habeenkii ah ka dhaca Muqdisho.

 

 

 

Sidoo kale ciidammadaan ayaa waxay gacan-siin doonaan sida la sheegay ciidammada dowladda oo lagu wado in dhawaan ay howgallo lagu sugayo ammaanka ka sameeyaan Magaalada Muqdisho oo ka takoorantay Magaalooyinka kale ee dalka, xagga ammaanka.

 

 

 

Xilliyada habeenkii ah ayaa waxaa batay in weerarro ay ku qaadaan kooxo aan la garanayn saldhigyada ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka ah ay ku leeyihiin daafaha Muqdisho, waxaana taasi ay keentay in lagu garaaco madaafiic xaafadaha dadka shacabka ay ku nool yihiin.

 

 

 

Ciidammadaan ayaa waxay ahaayeen kuwii dhawaan ka baxay Muqdisho, waxaana soo laabashadooda keenay sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku sugan Baydhabo ammaan darrada ku soo kordhaysa Muqdsiho iyo madaafiicda la isku weydaarsanayo gudaha Muqdisho.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Dawlada Uganda Oo Markale Dib U Dhigtay Ciidankii Ay Soomaaliya U Diri Lahayd

Email this Print this MOST POPULAR PDF version XML version TXT version

 

 

Shir jaraa’id ee manta lagu waday inuu qabto Madaxa ciidamada Daafaca ee dalka Uganda Gen. Aronda Nyakairima kagana dhawaaqo xiliga ay ciidankiisu Soomaaliya u baqooli doonaan ayaa

 

dib loo dhigay ilaa iyo mudo aan la cayimin. Sidoo kale wax fasiraad ah lagama bixin sababta keentay in dib loo dhigo shirkaas jaraa’id, laakiin waxaa loo tiirinayaa weeraradii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Dhinaca kale, dawlada Nayjeeriya ayaa iyadu sheegtay in 850 askari ay diyaar ka yihiin, laakiin ay Soomaaliya tegi doonaan bartamaha bisha Abriil ee fooda inagu soo haysa.

 

Burundi ayaa iyaduna sheegtay in Jimcaha soo socda ay saraakiil wadankeeda ka socda Muqdihso tegi doonaan si ay ugu kuurgalaan xaalada dhabta ah ee halkaas ka taagan.

 

Wadamada Afrikaan ayaa iyagu arrinkan ku qaybsan, iyagoo qaarkood ay u arkaan in hawlgalka Soomaaliya ay ka fuliyaan uu yahay hawl ay Maraykanka u qabanayaan, waxaan dawladahaas safka hore kaga jira K. afrika. Dawladaha Nayjeeriya iyo Gaana ayaa iyagu qaba in marka hore la bilaabo shir dibuheshiisiineed oo dhaxalgal ah si ciidanka Soomaaliya tegaya ay gacan uga helaan shacabka Soomaaliyeed ee aan loo arag ciidan kooxi keensatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this