Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Dhaariyay Masuuliyiin uu Dhawaan Golaha Wakiiladdu Ansixiyay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Dhaariyay Masuuliyiin uu Dhawaan Golaha Wakiiladdu Ansixiyay.

2-2-300x179.jpg
17/10/2022-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyay masuuliyiin iskugu jira, Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno, Guddoomiyayaal iyo Guddoomiye Ku-xigeeno Hay’adaha Madaxa bannaan ah, kuwaasi oo 04/10/2022-uu Golaha Wakiiladdu siiyay codka kalsoonida ah.
Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa masuuliyiinta u hambalyeeyay masuuliyada culus ee loo igmaday, waxaanu Alle uga baryay in uu ku garab -galo masuuliyadaasi. Intaasi kadib waxa uu Guddoomiyuhu si wadar ah ugu dhaariyay dhaarta Dastuurku jideeyay, iyagoo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, si wada jir ah gacanta u saaray, kuna dhaartay in ay Diinta, Dalka iyo Dadkaba daacad u ahaan doonaan isla markaana si cadaalad iyo sinnaan ah ugu adeegi doonaan inta ay xilka hayaan.
Masuuliyiinta la dhaariyay ayaa iskugu jiray Wasiiro, Wasiir Ku-xigeeno, Guddoomiyayaal iyo Guddoomiye Ku-xigeeno Hay’adaha madaxa bannaan ah, waxaanay kala ahaayeen:-
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Mudane, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Dr. Axmed Aadan Buuxane, wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Mudane Cabdimajiid Ibraahim Muumin, Wasiir-ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Siciid Xasan Habbane, Wasiir-ku-xigeenka Wsaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Maxamuud Jaamac Warfaa, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeynta, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada, Mudane Mukhtaar Maxamed Cali iyo ku-xigeenkiisa, Mudane, Xamse Cabdi Ibraahim, Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane Guuleed Muuse Galaal iyo Guddoomiye-ku-xigeenkiisa, Mudane Maxamed Xuseen Axmed.
Wa bilaahi tawfiiq

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this