Sign in to follow this  
Member-sol-

Warbixin: Bixitaanka Itoobiya, Fashilka DKMG ah, Rabitaanka Beesha Caalamka

Recommended Posts

Warbixin: Bixitaanka Itoobiya, Fashilka DKMG ah, & Rabitaanka Beesha Caalamka

By Somalimirror on 18 Oct, 2008 10:27 PM in Main, Warbixinnada

 

shabakadda Somalimirror Waxay idiin soo bandhigaysaa warbixin ku saabsan isbadaladii u danbeeyay ee ku soo kordhay xaaladda Soomaaliya iyo waxyaabaha la filayo in ay soo kordhaan xilliyada inagu soo aadan waxaanan macluumaadka ka soo kala aruuninay ilo kala duwan oo isugu jira Warbaahinta Caalamka iyo dad u dhuun duleela Siyaasadda Soomaaliya waxaana warbixintu si qoto dheer u falanqayn doontaa Bixitaanka ciidamada gumaysiga itoobiya, fashilka DKMG ah iyo rabitaanka waxa loo yaqaano beesha caalamka. warbixintiina waatan:-

 

 

Bidhaamaha jabka & bixitaanka Itoobiya

 

 

Waxaa baryihii danbe isa soo tarayay qaylo ka soo yeeraysa Madaxda sare Dalka Itoobiya taas oo ku wajahnayd Q.M, M.Afrika, Ururda kale ee Caalamiga ah iyo Madaxda Dawladda KMG ah ee taagta daran, waxaana nuxurka qayladaasu ahayd in uu soo gaba gaboobay dulqaadkii ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ugu sii nagaan lahaayeen Soomaaliya.

 

 

Meles Zenawi ayaa si weyn u dhaliilay dawrka kooban ee ay Beesha caalamku ka qaadanayso arrimaha Soomaaliya wuxuuna ka digay khatarta ka dhalan karta Soomaaliya haddii faraha laga laabto isla markaana aan lala soo gaarin Ciidamo ka socda Q.M.

 

 

Maalintii khamiista ee Taariikhdu ku aadanayd 16/10/08 ayuu Zenawi baarlamaanka Dalkiisa oo cabasho ka soo gudbiyay Joogitaanka ciidamadooda ee Soomaaliya waxaa uu u sheegay in go’aanka soo bixitaanka ciidamadoodu uu ku jiro gacantooda ayna ka soo bixi karaan xilligii ay doonaan wuxuuna intaa raaciyay in aysan ciidamdoodu ku sii daahi doonin Soomaaliya haddii aan xaalka wax iska badalin.

 

 

“ Ciidamadeena waan ka soo saaraynaa Soomaaliya lakin cadaalad maaha in aan dayacno M.Afrika iyo Beesha Caalamka kuwaas oo hawsha nagala wareegaya, marka waa in aan sugnaa ugu yaraan inta laga soo dhamays tirayo Ciidamada M.Afrika” ayuu barlamaanka dalkiisa ka hor yiri Meles Zenawi wuxuuna intaa raaciyay “ beesha caalamka waan u sharaxnay in hogaanka soomaalidu aysan diyaar u ahayn in ay qaataan Mas’uuliyadooda ku aadan Nabadda iyo Dib u heshiisiinta”.

 

 

“Haddii hogaanka Siyaasadda Soomaalidu ay muujiyaan inay diyaar u yihimiin Qaadashada Mas’uuliyadooda markaas ciidamadeenu way sii joogi karaan waqti dheeraad ah” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Meles Zenawi.

 

 

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa dhankiisa todobaadkii la soo dhaafay waxaa uu shaaca ka qaaday sida ay dawladiisu ugu jahwareersan taahay cidlada iyo garab la’aanta ku haysata Dagaalka Soomaaliya ee ay kula jiraan Xoogagga Islaamiyiinta.

 

 

Warkan ayuu Seyoum Mesfin ka hor aqriyay kulankii Q.M ee ka dhacay Magaalada New York wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in ay ciidamo nabad ilaalin ah la gaaraan Soomaaliya iyo in la xoojiyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

 

 

Afhayeeka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Wahide Belay ayaa waxaa uu yiri “ciidamada Itoobiya waxaa loo diray in ay noqdaan raca hore oo qura, dabadeedna ay si degdeg ah u soo laabtaan kadib marka ay ujeedooyinkooda xaqiijiyaan taasoo ahayd in ay xogagga islaamiyiinta ka saaraan Muqdisho. Waxaa naloo balan qaaday ciidamo Q.M iyo AMISOM in ay na badali doonaan ka gadaal markaan gaarno ahdaafta muhimka ah, taasina ma dhicin marka laga reebo xayn ciidamo ah oo ka socda M.Afrika. Itoobiya wali waxay sugaysaa Q.M in ay Ciidamo u soo dirto Soomaaliya ama in ay gacan siiso AMISOM si ay u gaaraan ujeedooyinkooda”.

 

 

Dhamaan xisbiyada mucaaradka ee dalka Itoobiya ayaa si weyn uga soo horjeestay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya waxayna bilaabeen cabashooyin ay ka samaynayaan go’aanka ay ciidamadoodu ku joogaan Soomaaliya.

 

 

Shir ay dhawaan isugu yimaadeen xisbiyada mucaaradka ah ee ku jira Baarlamaanka Itoobiya ayay waraaq ugu direen Meles Zinawi taas oo ay ku shegayaan in huritaanka Naf iyo Maalka ah ee ay Itoobiya samaynayso ay noqdeen wax aan loo adkaysan Karin.

 

 

Lidetu Ayalew oo gudoomiya u ah urur ay ku midoobeen axsaabta mucaaradka ah ee itoobiya ayaa yiri “ kudhawaad 2 sano oo aan ilaalada iyo daba kariixidda ku wadnay Dawladda Taagta daran ee soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii ay ciidamadeenu dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo, lagana dalban lahaa Hay’adaha Caalamiga ah ee Q.M iyo M.Afrika ay buuxin lahaayeen mas’uuliyadooda”.

 

 

“Waxaan huraynaa wax badan. Meeshana waan ku tacab beelnay, waxaan meesha ku waayaynaa in badan oo askarteena ka mid ah, markaad aragtid Warbaahinta caalamka Sumcadeenu kharat ayay ku jirtaa, waxaan noo furan oo kaliya hal fursad waana in aan soo gabagabaynaa joogitaankeena Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay in Q.M iyo M.Afrika ay ciyaari doonaan doorkooda, lakin hadda waxaa meesha ku dhiban waa Itoobiya oo kaliya” ayii yiri Lidetu Ayalew.

 

 

Hogaamiye kale oo ka tirsan axsaabta mucaaradka ee baarlamaanka ku jira oo lagu magacaabo Beyene Petros ayaa yiri “ waxaan isku daynay in dawladda u bandhigno kaambiyaalaha aan galnay 21-kii bilood ee ololaha Soomaaliya, marka laga eego dhinacyada khasaarooyinka nafeed iyo maal ee ina soo gaaray”.

 

 

“ Dawladdu waxay si mas’uuliyad darro ah u diiday in ay xisaabta ku darsato labadaas halisood ee ka dhashay gelitaanka ciidamda Itoobiya ee dalka Soomaaliya” wuxuuna intaa ku daray Beyene Petros “Baarlamaanka dalwalba wuxuu xaq u leeyahay in uu ogaado waxa mood iyo nool ka dhalanaya ku luglahaanshaha hawlgal noocan oo kale ah, lakin taas anaga waa nalaga indha saabay”.

 

 

Labadii sanadood ee aan ka soo gudubnay ciidamada Itoobiya waxay ku sugnaayeen Soomaaliya waxayna qayb ka noqdeen mushkiladda halkii ay xal keeni lahaayeen ayaga oo ku kacayay falal taageero u abuuraya Xoogagga Islaamiyiinta waxayna sii bulaaliyeen fikirkii Itoobiya nacaybka ahaa ee ay soomaalidu markii horeba qabtay.

 

 

Bulcha Demeksa oo ah ruug cadaa siyaasadeed oo siweyn looga yaqaano Itoobiya kana mid ah xubnaha mucaaradka ugu jira baarlamaanka ayaa yiri “ kala duwanaanshaha weyn ee xagga dhaqanka, Diinta, iyo Siyaasadda ee soojireenka ah ayaa waxay mustaxiil ka dhigeen in dadka Soomaaliyeed laga dhaadiciyo in Itoobiya ay doonayso in ay caawiso”. Bulcha Demeksa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri “ ma jiro qof Soomaali ah oo aaminsan in Itoobiya ay gacal u tahay. Dhamaantood waxay Itoobiya ka aaminsan yihiin cadaw si xoog ah ugu duulay dalkooda, wayna la dagaali doonaan Itoobiya inta ay baaqi yihiin. Waxay si kama danbays ah u go’aansadeen in ay nala dagaalamaan, haddana way dagaalamayaan, aragtidaydana ayaga ayay guushu raaci doontaa”.

 

 

Hogaamiye yaasha mucaaradka Itoobiya ayaa waxay xilliyadii danbe wadeen olole ay ku doonayaan in ay dawladooda ku dirqiyaan sidii ay ciidamadeeda ugala soo bixi lahayd dalka soomaaliya balse waxaa taas caqabad ku ah beesha caalamka oo Itoobiya ku haysa dalka Soomaaliya kana digaysa khatarta ka imaankarta haddii ay Itoobiyaanku ka huleelaan Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelanayso heshiiska lagu gaaray jabuuti ee dhex martay DKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u Xoraynta garabka Jabuuti heshiis kaas oo loo arko fursadda kali ah ee lagu badbaadin karo DKMG ah iyo Mashruuca caalamku kaleeyahay Soomaaliya.

 

 

Madaxda axzaabta mucaaradka Itoobiya oo uu kamidka yahay ninka lagu magacaabo Temesgen Zewde oo hogaamiya xisbiga dimoquraadiyadda iyo sinaanta ayaa waxaa uu yiri “ Nabadda ku meelgaarka ah waa dhaan dabangaale (saraab)” wuxuuna ku dooday in ay lagama maarmaan tahay in ciidamda itoobiya laga soocaymiyo Soomaaliya maadaama aysan Q.M diyaarba u ahayn in ay ciidamo u dirto dalkaas wuxuuna xaaladda Soomaaliya ku tilmaamay mid aan marna guul ku soo idlaanayn.

 

 

“Waxaan leeyahay gacmaha kalaabo arrintan aan faa’iidada lahayn si dhaqso ahna ciidamda uga soo saar soomaaliya, beesha caalamku uma soo jeedo in ay xaaladda Soomaaliya faraha lasoo galaan haddii ay jirtana waxay arrintaan ku dhaqaaqi lahaayeen 3-dii sano ee lasoo dhaafay, dadka oo idil waxay aaminsan yihiin in aan faa’iido ku qabno meesha waxaana goobta ku rafaadsan ciidamadii, waxaan filaynaa ma daahi doonto Ra’iisul wasaaruhuna wuxuu kafakarayaa qaabkii uu ciidamada uga soo bixin lahaa Soomaaliya, aniga fikradaydana waa in uu arrintaas ugu dhaqaaqaa sida ugu dhaqsaha badan, ayada oo aan la dhawrin tilaabada beesha caalamka” ayuu yiri Temesgen.

 

 

Haddii la’isku soo xooriyo hadallada ka soo baxaya Madaxda Itoobiya oo ay ku garawsanayaan dhibaatooyinka naf iyo maalba leh ee sida joogtad ah uga soo gaaraya Soomaaliya waxay astaan u yihiin in uu sii idlaanayo sabarka iyo adkaysiga Itoobiya ee dharbaaxooyinka kaga imaanaya Xoogagga Muqaawamada, balse taas mecnaheedu maaha in Itoobiya ay si fudud uga huleelayso ciida Soomaaliya maxaa yeelay waxay aaminsan yihiin in joogitaankooda Muqdisho uu difaac iyo ilaaloba u yahay caasimadooda Addis Ababa sidaas daraadeed qorshaha bixitaanka Ciidamada Itoobiya wuxuu ku xiran yahay marka ay Xaqiiqsadaan 3 arrimood midkood ama ay tabartoodu u runsheegto:

 

 

1. Waxa ugu weyn ee ay Itoobiyaanku goobayaan waa in Soomaaliya laga dhidbo dawlad waday u ah Itoobiya taas oo suulisa dhamaan astaamaha nacaybka iyo colaadda ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya kana tanaasusha dhulka ay Soomaaliyeed galbeed ee ay haysato Itoobiya isla markaana ilaalisa maslaxadda iyo danaha Itoobiya.

 

 

2. In la helo Ciidamo farabadan oo ka socda Q.M ama M.Afrika oo badala kuwa Itoobiya isla markaana meesha ka sii wada xaqiijinta ahdaafta ay ka wada leeyihiin dalalka isgaashaan buursaday ee Maraykanku odayga u yahay.

 

 

3. Haddii intaas la waayo Itoobiya iyo xulufadeedu waxay isku hawlayaan sidii Soomaaliya loo qayb qaybin lahaa loogana dhigi lahaa dawlad goboleedyo qaab qabiil ku dhisan isla markaana aan lahay wax awood ah, dhamaantoodna si dhaga nuglaan ah u qaata awaamirta Addis Ababa una kala xusul duuba raali gelinteeda, waxaana la odorosayaa in Maamul beeleed yadaas ay noqdaan ilaa 5 kala ah labada hadda dhisan ( Somaliland iyo Puntland) iyo inta soo hartay oo 3 maamul beeleed laga yagleelo kuwaas oo kala noqon doona, goboladda ( Banaadir, Shabeelooyinka, Hiiraan, iyo Galguduud) oo hal maamul beeleed loo sameeyo, ( Jubooyinka iyo Gedo) oo mid kaa la cayn ah laga dhiso, iyo Gobolada (Bay, iyo Bakool) oo ayana maamul kuwa hore la jaad ah laga hirgeliyo “Qaybi oo Xukun”. Waxaana warar xog ogaal ah ay tibaaxayaan in xilliyada inagu soo aadan ay maamul goboleedka Puntland shaacin doonaan gooni istaagooda gaar ahaan marka xilka laga qaado C/laahi Yuusuf.

 

 

4. Khiyaarka kaliya ee soo haraa waa in Itoobiyaanka iyo xulufadooda ay tabari u runsheegtaa oo xarig xarig u qaban waayaa ayna Soomaaliya ka baxdaa ayada oo jab iyo hoog qabsaday taasina waxay ku imaan kartaa in dhamaan ummadda Soomaaliyeed ay midoobaan gaar ahaan Xoogagga Islaamiyiinta ayna kulmiyaan Muruqooda, Maankooda iyo Maalkooda lana yimaadaan Istiraatiijiyad cad oo lagu saarayo gumaysiga is gaashanbuursaday iyo dejinta qaab maamuleedka lagu maraynayo marxaladda ka danbaysa Guusha.

 

 

Fashilka DKMG ah & Rabitaanka Beesha Caalamka

 

 

Dhamaan Q.M, M.Yurub, Dawladda Maraykanka, Contact Group, M.Afrika Urur goboleedka IGAD, Itoobiya iyo DKMG ah lafteeda ayaa waxay isku raceen in gabi ahaanba ay fashilantay DKMG ah isla markaana aan looga fadhiyin in ay wax horumar ah ku soo kordhiso xaaladda Soomaaliya waxayna Ururradaas iyo Dawladahaas isku waafaqeen in fursadda kaliya ee lagu badbaadin karo ujeedooyinka ay ka leeyihiin Soomaaliya ay tahay in la’isku milo DKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u xoraynta garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

 

Meles Zenawi oo ah saaxiibka ay ugu kalsoonida badan tahay DKMG ah ayaa waxaa uu dhaleecayn dusha uga tuuray Madaxda ugu saraysa Dawladda Gacan ku rimiska ah ee uu madaxweynaha u yahay C/laahi Yuusuf wuxuuna ku dhaliilay in ay Mas’uuliyadoodii gabeen ayna ku mashquulsan yihiin dano shaqsi ah.

 

 

Zenawi ayaa si gaar ah waxaa uu C/laahi Yuusuf ugu eedeeyay in uu Ragaad ku noqday hirgelinta Mashaariicda dib u heshiisiinta iyo tayaynta DKMG wuxuuna ku hanjabay in ciidamadiisu aysan u qoob xirnaan doonin fulinta dano hoose oo ay leeyihiin dad gaar ah.

 

 

Hadalka ka soo yeeray Meles Zenawi oo afka uu ku balaariyay in dawladda KMG ah ay curyaamiyeen madaxdeeda sare ayaa waxaa uu muujinayaa heerka uu gaarsiisan yahay rajada Meles ku qabo in ay cagaheeda isku taagto DKMG ah iyo sida uu khaatir uga joogo muran ka joogtada ah ee ka dhaxeeya Hay’adaha ay ka kooban tahay dawladaas.

 

 

Wasiiru-dowlaha amuuraha dibadda ee Itoobiya Takede Alamu ayaa isna sheegay in DKMG iyo masuuliyiinteedaba aysan laheyn awood ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya wuxuuna intaas ku daray in dhamaan Wadamada IGAD ay isla qireen in DKMG ah ay ku guul darraysatay wax kaqabashada Dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, waxayna Madaxda Urur Goboleedka IGAD isla go’aansadeen in dhamaan hay’adaha ay ka kooban tahay Dawladda Shir loogu qabto Magaalada Nairobi si loo qiimeeyo waxa u qabsoomay 4-tii sano ee ay jirtay Dawladdu loona soo bandhigo qorshe ay Madaxda IGAD ugu tala galeen marxaladaha inagu soo aadan.

 

 

 

 

26-ka bishan Octobar ee aan ku guda jirno ayaa waxaa loo ballansan yahay shir ay garwadeen ka tahay IGAD kaas oo Hay’adaha DKMG ah la’isugu gaynayo Magaalada Nairobi isla markaana la filayo in lagu soo bandhigo fashilka DKMG ah hay’adaheedu ay ku guul daraysteen wax ka qabashada Arrimaha ka taagan Soomaaliya sidaad darteen kaarka cas loogu taagi doono madaxda Sare ee Dawladda oo ay ka mid yihiin C/laahi Yuusuf iyo Aadan Madoobe sida ay Shabakadda Somalimirror u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

 

 

Shirkan ayaa lagu wadaa in casilaadda C/laahi Yuusuf ka dib Hogaanka qunyar socodka ah ee Isbahaysiga dib u xoraynta Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed loo sharaxi doono jagada uu banaynayo C/laahi Yuusuf ee Madaxweyne nimada, waa sida aan ka soo xiganay ilo lagu kalsoonaan karo.

 

 

Warkan ayaa waxaa uu dadka dib u xasuusinayaa hadal ay muddo sanad ka hor ah jeedisay haweeneeyda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika Janday Freysar oo ay ku sheegatay in hogaanka sare ee dawladda KMG ah ay haboon tahay in la badalo maadaama aysan la jaanqaadi Karin isbadallada ka dhacaya Dalka Soomaaliya isla markaana aysan karti buuxda u lahayn maaraynta Dalkaas ay dagaaladu soo daashadeen.

 

 

Hadalkaas waxaa sii xoojiyay war uu Meles Zenawi u sheegay jariidad ka soo baxda Dalka maraykanka ee Washington Post oo uu ku dhaliilay madaxweynaha isla markaana uu cadeedayay inay lagama maarman tahy in wax laga badalo haykalka Sare ee dawladda KMG ah si ay wax u qabsoomaan.

 

 

Waxaa kale oo ka mid ah jaanisyada ay sida weyn isha ugu hayaan quwadaha shisheeye ee ku lug leh loolanka Soomaaliya kala qaybsanka iyo midnimo la’aanta Xoogagga Islaamiyiinta oo guulo ka soo hooyay dhulka isla markaana ay sii kobcayso awoodooda Milatery taas oo ay uga faa’iidaysan karaan in ay ka ciideeyaan guusha u soo bidhaantay Dadka Soomaaliyeed ayaga oo isku hawlaya sidii ay iska hor imaad uga dhex dhalin lahaayeen Islaamiyiinta “Lafa gari ayaga ayaa la’isku jabiyaa”.

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Watch this space for updates on what's happening in nairobi, and the likely merger of ARS-D with the Transitionally defunct government.

 

 

---Aadan Madoobe oo Shirka Nairobi ku tilmaayey dib u sixida DKMG ah

By Somalimirror on 19 Oct, 2008 9:17 AM in Main, Wararka

 

Afhayeenka Baarlamaanka DKMG ah, Aadan Madoobe oo ku sugan Dalka Jabuti una waramey qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa ka warbixiyey ujeedka Rasmiga ah ee ka danbeeyay uga yeerotaankooda Magaalada Nairobi ee ururka IGAD.

 

 

 

 

U yeeritaanka dhamaan qeybaha kala duwan ee DKMG ah ee Dalka Keyna oo uu ku marti qaadey midowga IGAD, ayuu ku tilmaayey Aadan Madoobe mid looga gol leeyahey sixitaanka wixii ka khaldoomey DKMG ah intii ay jirtey sida uu hadalka u dhigey.

 

 

 

 

Waxa kale oo uu sheegay in ujeedooyinka laga leeyahey u yeeritaankooda uu ka mid yahey sidii loo dhameyn lahaa mad madowga yar ee ku kala dhex jira Har’adaha kala duwan ee DKMG ah.

 

 

 

 

Sidoo kale shirka Nairobi la isugu yeeray ayuu sheegay Aadan Madoobe ku tilmaamey mid dowlada KMG ah looga doonayo sidii ay u dhameys tiri laheyd una sii wadi laheyd shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtey Dalka Jabuti, kaas oo u dhaxeeyay Isbaheysiga Dibu Xoreynta, Garabka Jabuti ee Sheikh Shariif iyo DKMG ah.

 

 

 

 

Basle waxa uu Aadan Madoobe sheegay in aanu jirin qorshe amaba faah faahin intaa dhaafsan oo ay ka warhayaan oo looga gol leeyahey shirka Nairobi ka dhici doona 26 Bishan ee looga yeeray qeybaha kala duwan ee DKMG ah.

 

 

Marka loo eego hadalka Aadan Madoobe, kan dhanka midowga IGAD iyo Dadka kale ee ka ag dhow waxaa muuqata in aanu jirin xog-ogaal nimo weyn oo DKMG ah ka heyso barnaamijka Dowlaha Fagelitanka ku haya Soomaaliya ka damac san yihiin amaba ay iska indho tireyso waxa socda ee ku aadan masiirka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed---

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadaha Qaarkood iyo Qanyare oo Shirka Nayroobi Quuddareynaya

C/Waaxid C/hi Khaliif

 

London, UK

 

cabdulwaxid@hotmail.com

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

 

Maxaa sheekh Shariif ula dagaalayey Muuse Suudi iyo Maxamed-dheere? Maxaa Janaqoow uu Qanyare hubkiisii iyo Dayniile uga cayrsaday? Maxaa Cagoweyne uu hubkii Qeybdiid u qaatay? Maxaa C/Qaadir Cali Cumar ku maagayey Gacmo-dheere? Jawaab uma hayo aan ka ahayn iney rabeen iney bartaan sida xabbadda loo rido lana midnoqdaan dagaaloogayaasha oo kale. Laakiin waxaa la yaab leh markii shirkii Khartuum la tagay ayaa loo ogolaa in dowladda wax laga gasho. Sidoo kale ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheeganaya in mar ay Yemen tageen la yiri qaataa madaxweyne-ku-xigeen, ra’iisulwasaare ku-xigeen iyo guddoomiye baarlamaan-ku-xigeen. Fiicnaan lahaydaa haddey jago doon yihiin iney qaataan iyagoon dal, dad, duunyo iyo agabkii qaranka la burburin. Markaas Cali Cabdalla Saalax baa arritnaas ku baryayey laakiin waxay cadkii mid ka liita ka rabaan labo qof oo sideenoo kale madmadoow oo la soo dirsaday - Miss Fraser iyo Axamed Walad! Qanyaraha aan cinwaanka ku xusay isaga keliya kuma socdee waxaan ka wadaa dagaaloogayaasha marka waa uun ku hal qabsaday.

 

Lama yaabbani xukun-jacaylka iyo mabda’-xumada Soomaalida ee waxaa iga yaabbiyey haddeyba Cagaweyne iyo Qeybdiid heshiin karaan, haddii sheekh Shariif iyo Muuse Suudi meel iskugu imaan karaan sidoo kalana Janaqoow iyo Qanyarana miis wada fariisan karaan maxaa diiday in sheekh Xasan Daahir Aweyn iyo sheekh Shariif isa soo horfariistaan? Haddiiba shisheeyaha sida Kenya iyo Maraykan ay kuwa Jibuuti jooga la shirayaan oo la heshiiyeen maxay shacabka iyo Ash-Shabaab iskugu dirayaan? Ash-Shabaab markaan leeyahay waxaan ka wadaa Muqaawamada ka soo horjeeedda shirka Jibuuti.

 

Qolyaha Jibuuti waxaan ku leeyahay nimaan kuu furidoonin yuusan kuu rarin. Waxaa la-taliyayaal u ah qolo sheegata Islaax. Waxaan xasuusin lahaa iney akhriyaan buug yar oo uu qoray Maxamed Qudub oo ahaa Sayid Qudub walaalkiis. Yaa garan kara qof Islaax ah oo ka aqoon badan Maxamed Qudub? Ama ka badsha xarakada IkhwaanulMuslimiin? Buugaas magaciisa waxaa la dhahaa “As-Saxwatu Al-Islaamiyah”. Boggiisa 106-aad wuxuu sheekhu ku leeyahay:

 

Jamhadaha Islaamiga ah ee leh waxaan dhexgaleynaa nidaamyada siyaasadda ee cadowga ku ah Islaamka way ku khasaarayaan cayaartaas diblumaasiyadeed. Waa cadowga waxa wax kasbanaya! Ha ahaato in cadowgu uu nadiifiyo sumcaddiisa uu ku leeyahay shacabka marba hadday jamhaddii Islaamiga ahayd iscaawin ka dhaxeyso ama ay xulufo noqdeen amaba ay shirko ku yihiin amar ka mid ah amuuro. Ama in ay jamhaddu ka soo dhacdo indhaha shacabka ama ay meesha ka baxdo waxii jamhaddu kelida ku ahayd ama uga soocnayd cadowga waa intii aysan wax ku darsan oo ay dagaalka kula jireen oo aysan la qeybsaneyn siyaasadda Jaahiliyadda ee meesha taalay. Markaasna dadku u arkayey iney yihiin kooxda xaqa ku taagan kana saramaray kana sharaf badnaa kana weynaa hannaan-siyaasadeed kasoo haray oo ku dhisnaa nolol-adduunyo-doon sidoo kalana u kala tartamayey oo u kala yaacayey dhaldhalaalka nolosha. Iyadoon siyaasaddaas jaahiliga ah lagu ogeyn akhlaaq iyo iyadoo ka maran macnaha Islaamka iska daa ku hadaaqidda shicaarka Jaahiliga ah (sida hadda jira 4.5 ama Dimuqraadiyad) iyo iyagoo ka jeesasada xukunka Ilaahay. Ilaa hadda lama hayo kooxahaas ducfiga iska dhigay iney awoodeen iney wax ka keeneen dhexgalka ciyaartaas dublamaasiyadeed ee cadowgu dabbaray.

Inkastoo Mufakir Maxamed Qudub uu buuggaas qoray 1986 haddana waxaad isleedahay wuxuu ka qoray qolyaha Jibuuti iyo kuwa Soomaaliya jooga ee ku biiray cadowga Soomaaliyeed. Fiicnaan lahaydaa iney buuggaas isha mariyaan kuwaan horay u akhrin amaba iloobay inteysan Kenya ugu tagin Donald Kipkorir, waa wiilkii Kalinjiinka ahaa ee yiri waa in Soomaaliya la qeybiyaa! Riyadiisii waa u rumoobeysaa marba haddii kuwa Maxkamada sheeganayey ay Kenya kula balansanyihiin C/hi Yuusuf iyo dagaaloogayaashii iyadoo la rabo in lagu diro Muqaawamada kale. Hadday taasi dhacdo soow meesha ma soo galeyso waxa wiilkaas Kalanjiin sheegayo?

 

Waxaa la sheegaa in nin sheekh ah mar ku soo baxay macallin Qur’aan u akhirnaya wiil oo ku leh:

 

وإذ قال لقمان لابنه وهو يعظه يا بني لا تقصص رؤياك على إخوتك فيكيدو لك كيدا واكيد كيدا

 

 

Sheekhuu wuxuu macallinkii ku yiri: belaayo kugu dhacdaye wiilkii waxaad isu dhexgelisay aayadihiin! Macallinkii wuxuu yiri haa oo isaba aabbihiis baa bilaha mushaarkooda isku key dhexgesha marka yaanan anna lacag helin; wiilkuna sidoo kale yuusan Qur’aan baran! Nimankan macallimiinta u badan oo Jibuuti iyo cariga ordaya markey madax ahaayeen Jihaad bey ka hadli jireen waana tii qorigu garabka u surnaa marka markey fashilmeen oo la yiri naga taga bey rabaan iney shacabka khaldaan iyagoo leh Qanyare, Qeybdiid, Darwiish iyo C/hi Yuusuf baan wax la qabsaneynaa halka ay ka leeyihiin Muqaawamadu waa xag jir! Miyeysanse qajilin markii dib loo shido cajaladihii laga duubay markey baarqabbeynayeen? Marka waxaan shacabka weydiinayaa wax ay maleegeen Donald Kipkorir iyo wax ku caqli ah, Gabre, Miss Fraser, Axmed Walad, Maxkamadaha qaarkood, C/hi Yuusuf, dagaaloogayaasha oo dhan iyo maamulka Maraykanka miyeysan ahayn wax isku qasan? Mise waa barwaaqo noo soo socota?

 

Sidii Maxamed Qudub sheegay horay looma arag qolyo sidoodoo kale u hadla oo guul keena bal waxaa taariikdhu na bartay in sida sheekhu sheegay ay ku dambeyndoonaan in cadowguna magac helo; iyaguna dulli ku soo baxaan.

 

Mararka shirarka ay Miss Fraser iyo Axmed Walad horboodayaan ayna soo dhoweeyeen Aadan-madoowe, Qanyare iyo kuwa Maxkamada sheegta hala arko meeshuu ku dambeeyo. Mid baan hubaa oo ah in aan dagaaloogayaashii wixii la ogaa loo geystay aysan ku samreyn in sheekh Shariif, Cagaweyne, C/Qaadir Cali Cumar, iyo Janaqoow ay booskoodii fariistaan. Waa arrin aan loo fadhin. Sidoo kale Muqaawamada iyo shacabka Soomaaliyeedna ma yeelayo in Gabra iyo wiilal Kenya u dhashay noo soo dejiyaan sidii waddankeenna loo xukumi lahaa, shacabka Soomaaliyeedna la iskugu diri lahaa. Marka qofkii aaminsan in huwantaas oo lagu daray maamulka Maraykanka, Zenawi iyo cadowga kale keenayaan xal Soomaaliyeed waxaan ku leeyahay ma ahidin qoyahaan la hadlayo. Marka waxaan macallimiinta ku leeyahay hana qoninna shimbirtii dabka qaadday.

 

C/Waaxid C/hi Khaliif

 

London, UK

 

cabdulwaxid@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

---Sharifk ahmed oo afka ku balaadiyey in uu qaybgali doono shir dowlad sal balaaran la dhisayo---

 

--Shariif Sh Axmed oo sheegay in Shirka Jabuti guulo waaweyn laga gaarey

By Somalimirror on 21 Oct, 2008 2:17 PM in Main, Wararka

 

Gudoomiyaha Isbaheysiga Dibu Xoreynta Soomaaliya garabka Jabuuti, Sh. Shariif Sh. Axmed, oo u warramey Wakaaladda Wararka Saba ee Dalka Yaman ayaa sheegay in wada hadallada Dalka jabuuti ay marayaan meel wanaagsan, tallaabooyin muhiim ahna horey loo qaadey.

 

 

 

 

25 bishan October, ayuu sheegay Sh. Shariif in shirku dib u furmi doono, ayna ka soo qeyb geli doonaan dhammaan qeybihii uu shirku u dhaxeeyay ee DKMG ah iyo Isbaheysiga, waxaa sidoo kale oo goob joog ka noqonaya beesha caalamka oo uu hormuud ka yahey Xog-hayaha Q.M Soomaaliya ugu qaabilsan.

 

 

 

 

Sh. Shariif ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in kulankan ay ka soo baxaan qodobbo muhiim ah oo uu ka mid yahey qodobka ka hadlaya ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya,

 

iyo sidoo kale in la isla gaaro maamul dhameystiran oo waddanku yeesho kana shaqeeya soo celinta nabadgelyada iyo degenaanshaha guud.

 

 

 

 

Waxa kale oo uu sheegay in kulankan, xal loogu raadin doono Gacanka Cadmeed ee ay dhibaatada xooggani ka taagan tahay iyo sidoo kale kaalinta Beesha Caalamku ku yeelan doonto taakuleynta dadka dhibaateysan ee gudaha wadanka ku qaxey iyo fududeynta wadooyinkii dadkaas kaalmooyinka Caalamka lagu gaarsiin lahaa.

 

 

 

 

Sh shariif ayaa ugu danbeyn u mahad celiyay Madaxweynaha Dalka Yaman Cali C/La Saalax oo uu sheegay in uu kaalin weyn ka ciyaarey xal ka gaaridda arrinta Soomaaliya.

 

 

 

 

Hadalka Sh Shariif ayaa ku soo beegmaya iyada oo lagu wado in dhawaan Magaalada Nairobi uu ka furmo shir urur goboleedka IGAD isugu yeeray DKMG ah, basle la sheegay sidoo kale in Isbaheysiga Dibu Xoreynta garabka Jabuuti uu shirkan qeyb ka yahey oo awoodda la qeybsan doono DKMG ah.

 

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

All of us are a witness to the fact that the war has not let up since the beginning of the Djbouti agreement, rather sharif ahmed's unilateral decisions to merge with the TFG has caused the resistance to split into two.

 

The fundamental idea behind sharif ahmed's group is summarized in this paragraph, it's the same ideas espoused by the failed islamic organizations such as the ikhwans of egypt who have abandoned armed resistance, and have been reduced to aljazeera guests on nightly shows

 

 

Jamhadaha Islaamiga ah ee leh waxaan dhexgaleynaa nidaamyada siyaasadda ee cadowga ku ah Islaamka way ku khasaarayaan cayaartaas diblumaasiyadeed. Waa cadowga waxa wax kasbanaya! Ha ahaato in cadowgu uu nadiifiyo sumcaddiisa uu ku leeyahay shacabka marba hadday jamhaddii Islaamiga ahayd iscaawin ka dhaxeyso ama ay xulufo noqdeen amaba ay shirko ku yihiin amar ka mid ah amuuro. Ama in ay jamhaddu ka soo dhacdo indhaha shacabka ama ay meesha ka baxdo waxii jamhaddu kelida ku ahayd ama uga soocnayd cadowga waa intii aysan wax ku darsan oo ay dagaalka kula jireen oo aysan la qeybsaneyn siyaasadda Jaahiliyadda ee meesha taalay. Markaasna dadku u arkayey iney yihiin kooxda xaqa ku taagan kana saramaray kana sharaf badnaa kana weynaa hannaan-siyaasadeed kasoo haray oo ku dhisnaa nolol-adduunyo-doon sidoo kalana u kala tartamayey oo u kala yaacayey dhaldhalaalka nolosha. Iyadoon siyaasaddaas jaahiliga ah lagu ogeyn akhlaaq iyo iyadoo ka maran macnaha Islaamka iska daa ku hadaaqidda shicaarka Jaahiliga ah (sida hadda jira 4.5 ama Dimuqraadiyad) iyo iyagoo ka jeesasada xukunka Ilaahay. Ilaa hadda lama hayo kooxahaas ducfiga iska dhigay iney awoodeen iney wax ka keeneen dhexgalka ciyaartaas dublamaasiyadeed ee cadowgu dabbaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaamun Cala minatabcal hudaa

 

straight from the horses mouth, the "new" forthcoming "republic"

 

Xildhibaan sheegay in madaxda sare ee DFKS lagu badali doono shirka Kenya

 

--------------------------------------------------------------------------------

Cape-Town, S/Afrika (Calanka.com) 24-Oktober-08

--------------------------------------------------------------------------------

 

---Waxa isa soo taraya wararaka xoojinaya in shirka magaalada Nayroobi ee dowlada KMG ay ku jiraan ajandayaal lagu wiiqayo madaxda sare ee dowladda federalka Somaliyeed .

 

Xildibaan Ibraahim Xabeeb oo ka mid ah baarlamaanka Soomaalaiya ayaa ku sheegay shir jaraa`idka ee uu ku qabtay magaalada johannesburg ee dalka S/africa in shirka Nayroobi uu yahay mid madax sare dalka ka dhan ah .

 

"Hadii madaxda wax qaban weyday oo ay guul dareesteen waa in hogaan cusub la sameeyaa , Shirka Nayroobina waa mid lagu maja xaabinayo madaxda dalka ugu sareeysa", sidaa waxaa yiri Xildibaan Ibraahim Xabeeb .

 

Su`aal Calanka weydiisay oo aheyd in waxa ka jira wararka sheegaya ee isa spoo taraya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu qabanayo jakada Ra`isul wasaaranimo lana balaaraniyo xubnaha barlamaanka laguna soo darayo mucaaradka ayuu yiri.

 

"Hadii hogaan la badalo hogaan baa yimaada laakiin kuma dhahayo waa ninkaas , ma doonayo in aan waqtiga ka hor dhaco", ayuu yiri Xildibaankaani .

 

Waxa uu sheegay in waxa talaabadaas loo sameeynayo ay tahay ka dib markii hogaanka dalka marti u noqdeen fashil iyo hor mar la`aan .

 

Xildibaan Ibaraahim ayaa maalinta Isniinta ka qeyb galaya kulanka baarlamaanada Africa ee ka dhacaya dalka S/africa iyadoo xubno kale oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ay ka soo qeyb galayaan kulanka .

 

Shirka Jar`aaid ayuu dhanka kale ku soo hadal qaaday xaaladda Soomaalida S/africa waxa uuna tibaaxay in madaxda dalkaas kala hadleen loona balan qaaday in wax laga qabanayo xaaladda Soomaaliada ee S/africa .

 

Muqdisho mar uu ka hadlayay ayuu sheegay in kooxda Al-shabaab ay mas`uul ka tahay sida uu u yiri waxa ka ka dhacaya dalka maadaama ayuu yiri ay weerarada qaadaan marka ugu horeeysa meeshana kama uusan saarin ciidamada Itoobiya .

 

Waxaa sii xoogeysnaya in baarlamanka Soomaaliya uu u gurbaan tumanayo sidii shaarka looga dhigi laha hogaanka dalka ,waxaana xusid mudan in hogaanka ka war hayaan cayaarta ka dhaceeysa Nayroobi .

 

Cismaan Xasan Cali(Fantastic)

ossmanfantastic@hotmail.com

Calanka News Deck

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaano Maanta Baydhabo dhanka Nairobi uga dhoofey

By Somalimirror on 25 Oct, 2008 2:59 PM in Main, Wararka

 

 

Ku dhawaad 100 xubood oo ka mid ah Baarlamaanka KMG ah ee fadhigiisu yahey Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayaa Maanta u amba baxey dhanka Nairobi ee Dalka Keyna.

 

 

 

Labo Diyaaradood oo dhanka Nairobi ka yimid ayaa halkaa ka qaadey xubnahan Baarlamaanka ee u amba baxey Nairobi.

 

 

 

Xildhibaandan ayaa sida lagu wado waxa ay ka qeyb galayaan shirka dhawaan ka furmi doono Magaalada Nairobi ee ururka IGAD dhawaan isugu yeerary hay’adaha DKMG ah ka kooban tahey.

 

 

 

Sidoo kale beri waxa lagu wadaa in xubno kale oo ka mid ah isla Baarlamaanka DKMG ah ka amba baxaan Magaalada Baydhabo iyaga oo ku sii jeeda dhanka Nairobi, kuwaas oo uu hogaamin doono Afhayeenka labaad ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore.

 

 

 

Magaalada Baydbabo Maanta waxaa lagu arkayey Ciidamo badan oo dhaq dhaqaaqa kala duwan ee Magaalada hakad geliyay kuwaas oo ilaalo xoogan ka hayey Xubnahan Baarlamaanka ee dhanka Nairobi loo daad gureeyay.

 

 

 

Amba baxa xubnaha Baarlamaanka ee dhanka Nairobi ayaa ku soo aadaya iyada oo xaley Xoogaga Al-shabaab weerar duqeyn ah ku qaadeen Garoonka Baydhabo oo fariisin ciidan ku leeyihiin Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

---Guddiyada Siyaasadda & Amniga ee dhinacyada ku shiraya Jabuuti oo kulamo wada Qaatay

By Somalimirror on 25 Oct, 2008 10:28 PM in Main, Wararka

 

 

Wareegii 3 aad ee Shirka Jabuuti oo manta dib u furmay ayaa galabta ilaa caawa waxaa kulamo wada lahaa gudiyada Siyaasadda iyo Amniga ee dhinacyada shirku u dhaxeeyo ee DKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u xoraynta Garabka Jabuuti.

 

 

 

 

Guddiga amniga ee ay ku midaysan yihiin dhinacayada kulmaya ayaa la sheegay in ay galabta ilaa caawa wada lahaayeen kulamo albaabadu u xiran yihiin kuwaas oo aan la shaacin waxyaabaha lagu qadaa dhigayay, waxaana la sheegay in kulankaas uu soo gaba gaboobay wax yar ka hor isla markaana ay dib u ballameen maalinta barrito.

 

 

 

 

Sidoo kale waxaa dhiniciisa ka soconayay kulank ay wada qaadanayen gudiga isku dhafka ah ee Siyaasadda kuwaas oo la sheegay in ay ka wada xaajoonayeen dhisidda Dawlad ay ku dhan yihii dhinacyada DKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u xoraynta Waxaana la sheegay in ay isku waafaqeen inbadan oo ka mid ah qodobadii horyaalay.

 

 

 

 

C/raxman C/shakuur oo ah Madaxa Guddiga Siyaasadda ee matalaya Isbahaysiga Jabuuti ayaa mar uu ka hadlayay Shirka maanta ee Guddiga Siyaasadda waxaa uu yiri “ waxyaalaha ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay Guddiga Siyaasadda Xagiisa waxay ahaayeen, in shirka Jabuuti uu yahay Gundhigga dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Waxaa kale oo lagu heshiiyay in arrimaha Siyaasadda toos loo galo oo laga hadlo sidii loo dhisi lahaa Dawlad Midnimo Qaran oo Soomaaliyeed”.

 

 

 

 

Guddiyada Amniga iyo siyasadda ayaa dib kulankooda u sii amba qaadi doona Maalinta barrito ah waxayna dhinacyada Wada xaajoodku dhexmarayo iyo Q.M oo ay shirkan ka muujinayaan Rajo weyn in uu ku dhamaado isfahan ayna ka dhalato dawlad ay ku midaysan yihii labada dhinac ee Shiraya.

 

 

 

 

Beesha Caalamka ayaa waxay isku hawlaysaa in ay ka mira dhaliso Shirka jabuuti isla markaana ay awoodda Qaybsadaan dhinacyada DKMG ah iyo Isbahaysiga Jabuuti si loo Badbaadiyo DKMG ah oo ay Beesha caalamku isku raacday in ay ku fashilantay xaqiijinta Ujeedooyinkii loo Soo dhisay

Share this post


Link to post
Share on other sites

The likely pit-stop for Xiin's peace caravan, an unrealistic so-called peace agreement signed in Djbouti.

 

From every angle you look at it, the reality on the ground shows this agreement has no chance of being implemented.

 

We rather hope that the unmasking of the sharif's agenda to join the TFG, will unite the ranks of the forces on the ground.

 

waxaan insha allaah rajeynayaa in mujaahidiinta uu allaah ka dhigo kuwa quraanka lagu yiri innanaasa qadjamacuu lakum fakhshawhum fazaadahum iimaanan waqaaluu xasbunallaahu wanicmal wakiil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this