Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Mogadishu: Apostate puppets fight, kill and injure each other in Shangaani

Recommended Posts

Iska hor imaad Qasaaro dhaliyay oo Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG oo maanta ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir

 

Iska hor imaad Qasaaro dhaliyay islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Hal Askari ayaa geeryooday halka mid kalana uu ku dhaawacmay kadib israsaaseyn Ciidamada dowladda KMG ku dhaxmartay qeybo kamid ah degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Askariga geeryooday ayaa la sheegayaa in uu katirsanaa Ciidamada Badda ee dowladda KMG Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay toogteen Ciidamada Meletariga dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Shangaani iyagoona ka qaatay Qorigii uu watay askariga geeryooday.

Xiliga dilka loo geystay Askariga ka tirsan Ciidamada Badda ee dowladda KMG Soomaaliya kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidamada Badda ee dowladda KMG iyadoona ay halkaasi israsaaseyn ku dhaxmartay labadaasi Ciidan taasi oo sababtay dhaawac 1-askari oo katirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Taliyaha Saldhiga degmada Shangaani ee gobolka Banaadir C/fitaax Sabriye Xasan Canjeex ayaa waxa uu Shabelle u sheegay in maanta degmadiisa ay ka dhaceen iska hor imaad kooban oo u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya kaasi oo cabsi xoogan ku abuuray dadka ku dhaqan degmadaasi.

Sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay taliyuhu Iska hor imaadyada maalmihii ugu dambeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ku dhaxmarayay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee iska hor imaadkan maanta dhaxmaray Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa qeyb ka noqonaya iska hor imaadyo inta badan Ciidamada dowladda KMG ku dhaxmaro qeybo kamid ah degmooyinka ay maamusho dowladda KMG Soomaaliya, inkastoo Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ay iska hor imaadyada ceenkan oo kale ku micneeyaan isfaham daro soo kala dhaxgasha Ciidamada dhaxdooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this