Sign in to follow this  
Kamaavi

Prof.Gaandi oo ka Hadlay Shir ka Dhacay Nairobi

Recommended Posts

Kamaavi   

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ee DKMG Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa markii ugu horeysay saxaafada ka sheegay inay jiraan ciidamo taabacsan DKMG oo lagu taba baray dalka Kenya isla markaana diyaar u ah in Gobolada Jubooyinka ka xoreeyaan kooxaha ka soo horjeeda DKMG ee Somalia.

 

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ka hadlayey shir ay soo qaban qaabiyeen Gudida gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo shalay lagu qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in tababarkii loo soo xidhay qaar ka mid ah ciidamadii DKMG ee lagu taba barayey dalka Kenya halka qaar kalena ay weli ku guda jiraan tababarkii.

 

Dhanka kale wuxuu meesha ka saaray hadal baryahan dambe la isla dhexmarayey oo sheegayey in maamul cusub loo dhisi doono gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Wasiirka ayaa xaqiijiyay qoraal horay ugu soo baxay Warsidaha Dhanaan.com kaasoo sheegayey in maamulkii ugu dambeeyey ee Dowladii Cabdulaahi Yuusuf dib loo hawlgelin doono. Halkan ka akhri!

 

Wuxuu wasiirku sidoo kale sheegay in maamulkan uu si ku meel gaadh ah xilka usii hayn doono ilaa iyo inta laga xoreynaya Gobolada waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Si kastaba ha ahaatee hadlaka ka soo yeedhay Prof Gaandi ayaa ku soo beegmaya iyadoo isbuucyadii la soo dhaafay saxaafada caalamku iyo tan gudahaba ay aad u hadal hayeen weerar dhawr geesood ah oo DKMG ku qaadi doonto goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha ka soo horjeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Land land kan ayaaba i dhibay. Federalism just doesn't work for Somalis. But if it is the price for peace, then so be it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

actually, a fierce dispute has arisen over the deployment of these newly trained recruits.

Kenya wants to deploy them in an offensive against the Juba Regions in order to overthrow the Islamic Administration there.

However, Ethiopia is strongly opposed to this for fear that they will join the ONLF.

The latter therefore urge that they be deployed in Xamar.

Finally, the apostate puppets are divided, as usual.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Baaq, Taageero iyo Talo Ku Aaddan Shirkii Nairobi Ee Gobolada Jubooyinka

 

Published: 23 March 2010

 

Qurbajoogta jaaliyadda Jubooyinka ee waddanka North Amecrica, gaarahaan Minnesota waxey si qoto dheer uga fiir sadeen arrimaha amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya iyo midda Gobolada Jubbooyinka khaasatan. Sidaas darteed marka hore waxaan taageero weyn usoo jeedineynaa shirkii golaha guurtida ee Jubooyinka ay ku qabteen magaalada Nairobi, kaas oo ay ku ayideen nabadda dalka Soomaaliyeed iyo sugidda amaanka gobolada.

 

 

Anagoo ku hadlayna magaca qurbo joogta Jubooyinka ee North America waxaan taageer sanahay in la dhamaystiro nidaamka federalka ah ee dastuurka dawladda federalka ku meel gaarka ku cad, in xasilooni iyo kala dambayn lagu soo celiyo gobolada oo dhan, si simanna hawshaasi looga hirgaliyo gobolada oo dhan, khaasatan gobolada Jubooyinka.

 

Sidaas darted, anaga oo ku hadlayna magaca qurbo joogta Jubooyinka ee North America qaybta Minnesota waxa aanu war saxaafadeedkan ku taageerayaa hadalkii Sheekh Khaliif Guure, guddoomiyaha golaha guurtida, ee ahaa in, mar haddii ay adkaatey in Moqdisho la xasiliyo, la taageero in gobolada wax laga qabto isagoo sheegey in ciidamada lagu tababarayo Kenya loo diyaariyay in ay ka hawlgalaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Waxaan kale oo ku baaqaynaa in laga dig toonaado damaca gaarka ah iyo dabinada shisheeyaha wax walbana laga hormariyo nabad galyada, xasiloonida iyo walaanimada diinteenu ina farayso. Waxaa kale oo aan jaaliyaadka Jubaland ee qurbaha ku baahsan ugu baaqeynaa iney codkooda mideeyaan si loo gaadho midnimo iyo walaal nimo horseedda qaranimadii Soomaaliyeed.

 

Afhayeenka Qurbo Joogta Jubooyinka ee North America.

 

Shafeec Khaliif Qaasim

 

(651)332-3355

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this