Sign in to follow this  
Akash

Silaanyo iyo Ina taani oo ah ninka lagu Tuhunsan yahay Dilkii Gabilay, Vs Ina Xudhuun

Recommended Posts

Akash   

Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland Nuux Taani ayaa la sheegayaa in uu wado qorshe uu doonayo in xilka lagaga qaado Taliyaha ciidanka Xeebaha Awdal/Salal Gen.Maxamed Xudhuun, taliye Nuux Taani wuxuu rabaa in uu sabab uga dhigo xil ka qaadista Xudhuun dhacdada dablayda soo gashay Somaliland, Dhacdadan oo la odhan karo wuu ka warqabay taliye Taani, maadaama xidhiidh wada shaqayneed ka dhaxeeyay dawlada Ethoipia wakhtigii Xukuumada Rayaale, imikana la sheegayo in dawlada Ethoipia soo wargelisay balse uu dhegaha ka furaystay Nuux.

 

Si kastaba ha ahaatee Taliye Nuux wuxuu mudaba ku hayay ciidanka xeebaha ee uu maamulo xudhuun cunoqabatayn dhinaca saadka iyo sahayda ah, sidoo kale waxaa soo baxaya in Nuux taani wato qorshe uu rabo in uu sarkaal beeshiisa ah ku bedelo xudhuun, taas oo la sheegayo in uu ka leeyahay dano fog, isla markaana xeeladahaas oo kale uu xariif ku yahay Taliyuhu, balse nasiib daro M/weyne Axmed Siilaanyo ayaa ka reebay in uu ka mid noqdo gudida baadhista dhacdadan dablayda ee uu magacaabay, ka reebista gudada ayaa ku noqotay weji gabax Nuux Taani iyo qorshihiisa.

 

M/weyne Axmed Siilaanyo ayaa isagu ah nin ka feejigan in la khiyaameeyo sidii M/weyne Rayaale ku dhici jirtay, lamana filayo in looga faaiidaysto magac beel nacayb, waxa kale oo loo baahan yahay in M/weyne Siilaanyo ka taxadiro fashilaad kaga timaada ciidamada oo laga horkeeno sababo dhaqaalaha xaqa ay u leeyihiin lagaga xakamaynayo. cid kasta oo ku lug yeelatana waxaa loo baahan yahay in M/weyne Siilaanyo talaabo cad ka qaado si shacabku u arkaan.

 

P.S. Nuux Taani oo shacabka galbeedku ku tuhansan yihiin inuu ka qaatay qaby libaax dilkii loo gaystay afarta qof ee shicibka aan hubaysnayn ahaa ee wadada Hargeysa iyo Borame lagu xasuuqay 2009 july 11; Hadaba hadii Nuux Taani faraha kala bixi waayo xasarada ayaa shacabku sheegayaan in Somaliland uu dhaxalsiin doonto cawaaqib xumo.

 

Source: Awdalpress

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this