Sign in to follow this  
General Duke

Abdiqasin recognises Puntland and Somaliland after 4 years

Recommended Posts

Bannaanbaxyo isdaba joog ah Muqdihso ka dhacay, C/qaasim Salaad Xasan oo mid ka mid ah ka qayb galay .

 

By A.D. Elmi. Posted to the web 18-02-2004, 14:17:57

 

Muqdisho:- C/qaasim Salaad Xasan oo shalay ka qayb galayay bannaanbax ay soo abaabuleen qaar ka mid ah haweenka gobolka Banaadir iyo dawladda KMG ah oo halkaas ka hadlayay ayaa taabtay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin heshiiska Nayroobi iyo waliba xiisadaha colaadeed ee haatan ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag.

 

Waxaannu si toos ah iyo si dadbanba ula hadalnay madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, mudane C/laahi Yuusuf iyo madaxweynaha gobollada Waqooyi ee la magac baxay Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin , waxayna naga ballan qaadeen inaysan wax dagaal ah samayn doonin” sidaana waxaa yiri C/qaasim Salaad Xasan oo markii u horreysay ay tahay ee la maqlo isagoo ugu yeeraya ragga ka kala taliya Puntland iyo Somaliland madaxweynayaal.

 

Madaxweyne C/qaasim waxa uu ammaan u soo jeediyay haweenka gobolka Banaadir waxa uu dhinaca kalena xusay in waqtigan ay magaalada Muqdisho ka nabad fiican tahay sidii hore, “Waa halkan halka la keenayo dawladda Soomaaliyeed ee dhalan doonta” ayuu mar kale yiri C/qaasim oo intaa ku daray in nabadda Muqdisho wax badan laga qabtay iyadoo ay iskaashadeen ciidamada dawladda KMG ah, kuwa madaniga iyo waxgaradka xaafaddaha.

 

C/qaasim oo ka hadlayay shirka Kenya, ayaa waxa uu ka muujiyay rajo wanaagsan, isagoo sheegay kuwa diidani inay yihiin qolo ibliisku uu taban taabiyay, isla markaana aan loo hakan doonin ee xoog lagu maquunin doono ciddii heshiiskaas diidda, sida uu hadalka u dhigay.

 

Dhinaca kale maanta ayaa isu soo bax ballaarani ka dhacayaa garoonka kubadda Cagta ee Studium Muqdisho, kaas oo lagu rajo weynyahay inay imaan doonaan dad aad u fara badan, waxaana soo qaban qaabiyay dhaqaaqa nabadda oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ah, kaas oo isna lagu ayidayo shirka Kenya.

 

A.D.Elmi.

Puntlandpost, Muqdisho, Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
LANDER   

madaxweynaha gobollada Waqooyi ee la magac baxay Somaliland

Is it just me or is he reluctantly uttering these words? All you have to do is pay close attention to the wording of this phrase to know this is not serious. His word means nothing to Somalilanders, remind me who this man is and exactly what population he represents beyond the two blocks in mugadisho?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this