Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Guurtida Somaliland Oo Muddo Laba Sanno Ah U Kordhiyay Madaxweyne Biixi Iyaguna 5 Sanno Kordhistay

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo kordhin horleh u sameeyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib kulan xasaasi ah oo ay maanta ku yeesheen xarunta Golaha Guurtida.

Golaha ayaa laba sanno oo dheeraad ah ugu daray madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, kadib codeyn gacan taag ah oo ka dhacday xarunta golaha Guurtida Somaliland.

Sidoo kale Golaha Guurtida Somaliland ayaa iyaguna ku darsaday muddo xileedkooda 5 sanno oo dheeraad ah, waxaana golahan uu yahay kii u horreeyey, mana jiro isbeddel lagu sameeyey tan iyo markii la dhisay, waxaana markastaa loo kordhiyaa muddada xil heynta,

Kulankan oo aad isha loogu hayey ayaa markii hore loo diiday wariyeyaasha, balse dood dheer kadib ayaa loo ogolaaday, waxaana lagu dhowaaqay muddo korodhsiga.

Lama oga sida ay noqon doonto fal-celina xisbiyada mucaaradka oo si weyn uga soo horjeeday muddo korodhsigan, kuwaas oo horey dibad-baxyo uga dhigay Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this