Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beenisay in doorashooyin ay ka qabaneyso 12 degmo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Puntland ayaa sheegay in been abuur ay tahay wararka sheegaya in xukuumadda madaxweyne Deni, dooneyso in doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland ay qabaneyso lagu koobayo 12 degmo.

Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, ayaa sheegay in Puntland aysan ku koobeynin doorashooyinka qof iyo codka ah 12 degmo.

Cabdiweli Mire Xirsi, ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay mas’uul ka tahay barnaamijka doorashooyinka Puntland.

Wasiirka ayaa afka ku dhuftay in Madaxweynaha Puntland iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland ay isku khilaafeen arrimaha doorashooyinka, xilli wasiirkii hore ee maaliyadda Xasan Abgaal uu sheegay in Deni uu wado qorsha uu doorashada uga qabanayo 12 degmo, lagana tegayo degmooyinka kale.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this