Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beenisay in 12 degmo lagu koobay doorashooyinka qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod lagu koobay 12 degmo oo keliya.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi ayaa sheegay in aysan waxba jirin wararka ku saabsan in 12 degmo laga qabanayo qof iyo cod.

Cabdiweli Mire ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay mas’uul ka tahay barnaamijkan islamarkaana aysan macquul ahayn in 12 degmo lagu koobo doorashooyinka.

Sidoo kale wuxu beeniyay in wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal iyo madaxweyne Siciid Deni isku khilaafeen arrintaas.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo beenisay in 12 degmo lagu koobay doorashooyinka qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this