Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar badan oo caawa ku geeriyootay shil ka dhacay degmada Balcad (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ciidan badan ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay afaafka hore ee magaaladaas.

Inta la xaqiijiyey 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka militeriga Soomaaliya ayaa geeriyootay kadib markii uu la rogmaday gaari nooca Cabdi Bilaha ah.

8-askari oo kale ayaa ku dhaawacmay shilkaas gaari, waxayna ciidankaan ka baxeen Muqdisho, iyagoo ku sii dhowaa Balcad markii uu la rogmaday gaarigu.

Agaasimaha hey’adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa habeenkii 3-aad ku sugan degmada Balcad, halkaas oo deegaan uu ka dhigtay.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay tilmaameysaa in Mahad Salaad uu halkaas ka hogaaminayo dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada Shabeelooyinka.

The post Askar badan oo caawa ku geeriyootay shil ka dhacay degmada Balcad (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this