Sign in to follow this  
Positive

Citiqaadka iyo awoodiisa/ The power of belief

Recommended Posts

Positive   

Nin baa ka shakiyey in uu baranbaro liqay kadib markuu caano cabay. Waxkasta ayuu sameeyey oo ay ku jirto inuu iska mantajiyo laakiin baranbaradii way ka soo noqon way calooshiisa. Xanuun shaki ku salaysan ayaa ninkii ku dhacay. Marba markii ka dambaysay waa sii itaal dareeyey ilaa uu hawlgabay ugu dambayntiina awr guradiis lagu qaaday marka la guurayo.

 

Saddex sano iyo dheeraad markay arrintu sidaas ahayd ayaa maalin maalmaha ka mid ah ninkii xanuunsayey oo ardaa jiifa waxa u yimi nin safar ah. Markay iswaraysteen ayaa ninkii safarka ahaa yiri "Aniga ayaa dawadiisa aqaan xanuunka ee ha la ii keeno caano geel oo dhay lis ah iyo caleenta geedka jaleelada".

 

Makhrib markay noqotay ayaa ninkii safarka ahaa dab shiday oo digsi loo keenay ku kariyey caleentii geedka. Markay hal cabaar ah kartay ayuu biyihii oo uu ka miiray caleentii intuu ku daray caanihii dhayda ahaa cabsiiyey ninkii xanuunsanayey. Mantag iyo shuuban ayuu la sare istaagay ninkii. Markuu in badan mantagay ayuu ninkii safarka ahaa ku yiri ninkii xanuunsanayey " halkan bal eeg; waxaan aad mantagtay waa maxay?" Ninkii xanuunsanayey baa eegay mise waa baranbaro ku dhex jirta mantaggii. Markaas ayuu weydiiyey " oo ma anigaa baranbarada mantagay?" Ninkii kale ayaa ugu jawaabay " haa".

 

Maalintaas ayaa xanuunkii ugu dambaysay ninkii.

 

Laakiin ninka markii horeba citiqaadkiisa ah inuu bahal liqay ayaa xanuunka u keenay markii dambe citiqaadkiisa ayaa caafimaadka u keenay waayo bahal uu liqay iyo mid uu mantagay toona ma jirin.

 

Xikmadda sheekada: Citiqaadku waa feker awood u leh inuu qofka meesha ugu saraysa ama meesha ugu hoosaysa geeyo iyadoo ku xiran waxa uu citiqaadsan yahay. Xitaa cuduro aan la dawayn karin, wax aan la qaban karin ama/iyo abaalmarin aan la heli karin ayaa citiqaadku wax ka tari karaa!

 

Toosiye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this