Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Doorashada qof iyo cod waxay ku egtahay goleyaasha deegaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi ayaa caddeeyay waxa ay tahay doorashada qof iyo cod ee doonayso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni.

Wasiir Cabdweli Mire Xirsi oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in dowladdu doonayso doorashada qof iyo cod oo ku eg goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, balse aysan doonayn doorasho qof iyo cod ee baarlamaan.

Cabdiweli Mire Xirsi ayaa tilmaamay in siyaasiyiin dano gaar ah leh ay marin habaabinayaan doorashada qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka Puntland, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay mudda kororsi waddo dowladda Madaxweyne Deni.

Doorashada madaxweynaha soo socda ee Puntland ayuu wasiir Cabdiweli sheegay in ay sidii caadada ahayd ku dhacayso 8 January 2024.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Doorashada qof iyo cod waxay ku egtahay goleyaasha deegaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this