Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Abiy oo Drone adeegsaday iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Mekelle (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay duqeyn cusub oo ka dhacday caasimadda gobolka Tigray maanta, waxaa sidaas sheegay isbitaalka ugu weyn magaalada.

“Waxaa dhacay weerar drone ah saaka qiyaastii 5:30 am. Nin 60 jir ahaa ayaa lagu dilay,” waxaa sidaas yiri Kibrom Gebreselassie oo ah sarkaal sare oo ka tirsan isbitalka Ayder Referral Hospital, oo isaga oo Mekelle jooga qoraal usoo diray wakaaladda wararka AFP.

“Meydka hal qof ayaa la keenay isbitaalka Ayder kadib weerar drone ah oo ka dhacay magaalada Mekelle, aagga Desta Hotel,” waxaa sidaas twitter-ka kusoo qoray isbitalka.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in 17 qof lagu dilay duqeymo ka dhacay gobolka Tigray tan iyo markii uu dagaalka dib u qarxay bil ka hor.

Dagaalka oo dib u billowday 24-kii August ayaa meesha ka saaray xabad-joojin jirtay illaa bishii March, wuxuuna meesha ka saaray in si nabdoon loo xaliyo dagaalka labada sano u dhaxeeya dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kooxda TPLF.

Mas’uuliyiinta Tigray ayaa bishan ku dhowaaqay inay diyaar u yihiin wadahadallo uu dhex-dhexaadiyo ururka Midowga Afrika, taasi oo meesha ka saartay caqabad muddo hortaagneyd wadaxaajoodka.

Si kastaba, dagaalka ayaa sii xoogeystay toddobaadyadii dhowaa, ayada oo duqeymo xooggan lala beegsaday gobolka, islamarkaana ciidamada dalka deriska ah ee Eritrea ay kasoo gudbeen xuduudda si ay ula dagaalaan TPLF.

Dagaalka ayaa muddada labada sano ku dhow ee uu socdo waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaana laga diiwan geliyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo ay gaysteen dhammaan dhinacyada.

Isniintii, baarayaasha QM ayaa ku eedeeyey dowladda Abiy suurta-galnimada dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada oo ka dhacay gobolka Tigray, oo ay ka mid tahay in gaajada loo adeegsaday hub dagaal, ayada oo gobolka oo ay ku nool yihiin lix milyan laga xanibay gargaarka.

Addis Ababa waa ay diiday warbixinta oo kasoo baxday Guddiga Khubarada Xuquuqda Aadanaha ee QM.

AFP + VOA

The post Ciidamada Abiy oo Drone adeegsaday iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka Tigray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this