Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha Puntland oo aan mudda saddex bilood ah wax mushahar ah qaadan

Recommended Posts

Deeq A.   

Shaqaalaha kala duwan ee dowladda Puntland ayaa ka cabanaya in aysan wax mushahar ah qaadan mudda saddex bilood ah.

Qaar kamid ah Shaqaalaha dowladda oo aan rabin in magacyadooda la xigto ayaa noo sheegay in aysan wax mushahar ah iyo xuquuq ah midna qaadan mudda saddex bilood ah.

Dhanka wasaaradda Maaliyadda Puntland oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino arrintaas weli kama jawaabin cabashada ku saabsan mushahar la’aanta ee ka imaanaysa shaqaalaha dowladda.

Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa sannadihii hore lagu amaanay in aysan ku baaqan wax mushahar iyo xuquuq shaqaale ah inkastoo muddooyinkii danbe cabashadaas jirtay.

PUNTLAND POST

The post Shaqaalaha Puntland oo aan mudda saddex bilood ah wax mushahar ah qaadan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this