Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo miisaaniyadda ka jartay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16612926269127438.jpg?resize=396%

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa laga jaray miisaaniyaddii dastuuriga ahayd ee ku lahaa dowladda, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiye Siciid Cabdi Muumin.

Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland waxa uu miisaaniyad ka jaridda ku macneeyay mid lagu curyaaminayo shaqada xafiiska, wuxuuna xadgudubkaas dusha ka saaray Madaxweyne Deni iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Wuxuu sheegay in ay cabashada arrintan horay ugu gudbiyeen cid walba oo qusayso, hadda jawaab kama dambays ah ka sugayaan Baarlamaanka Puntland.

Xafiiska Difaacaha ayaa qabta howlo ay ka mid yihiin baarista cabashooyinka muwaadiniinta, taageerida dadka lagu sameeyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo soo saarista warbixin sanadeed la xiriirta xaaladda xaquuqda aadanaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo miisaaniyadda ka jartay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this