Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan aan caadi ahayn la qaatay Guddiga Amniga Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16612710123827985.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku saabsan xaaladda amni ee dalka.

Shirka Guddiga Amniga Qaranka oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda Lataliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ay kaga qeyb galeen dhanka khadka, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan weerarkii hotel Xayaat, u diyaar-garoowga Shirka Golaha Amniga Qaranka iyo qorshaha xasilinta dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa mar kale ku celiyay in dowladiisu ay bilowday u diyaargarowga dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo sidii ay ula wareegi lahayd deeggaanada ku jira gacantooda.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay taageero ku siiyaan dagaalka Al-shabaab oo dhowr jeer hore dowladdiisu shaacisay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan aan caadi ahayn la qaatay Guddiga Amniga Qaranka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this