Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Madaxii Xarunta Codbixinta Doorashooyinka Kenya oo Booliisku Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida maanta oo Talaado ah ay shaaciyeen warbaahinta dalka Kenya waxaa la helay Meydka madaxii xarunta cod bixinta doorashadii ka dhacayday dalkaas, kaas oo laweysnaa maalmihii lasoo dhaafay, arrintaan  ayaa ka dambeysay kadib markii qoyskiisa muddo ay ku dadaalayeen sidii loo heli lahaa, maadaama la waayay Axaddii, xilli ay tirintu socotay.

Daniel Mbolu Musyoka ayaa waxaa Meydkiisa laga helay dhulka Keymaha ah ee xaduudda dalka Tanzania uu la leeyahay Kenya, sida uu sheegay taliyaha Booliiska. Fiidnimadii Isniinta ciidanka ayaa waxaa lagu wargaliyay in la helay meydka nin dhexdhexaad ah, kaas oo laga helay ismaamulka hoostaga Kaiako South, oo ka tirsan Kenya, kuna taalla xadka.

Taliyaha ayaa sheegay in aqoonsatay gabar walaashiis ah, macluumaadka ayaa waxaa ay sheegayaan in meydka ay heleen dad xoolo dhaqato ah, kuwaas oo degan dhulka Keymaha ah ee xadka labada dal, dowladda iyo laamaha Booliiska wali war kama soo saarin dilka loo geystay madaxii xarunta cod bixinta doorashooyinka Kenya oo lagu waayay Nairobi.

Guddiga doorashooyinka Kenya oo Shalay ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa sheegay in madaxweynaha dalkaas loo doortay madaxweyne ku-xigeenka dalkaas William Samoei Ruto, kaas 54.9%, codad ah kaga guuleystay Railo Odinga, oo helay dhankiisa 48% codadkii ay dhiibteen shacabka dalkaas ee lagu soo doortay madaxweynaha.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this