Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda oo Turkiga Uga Qeyb Galay Shir Ku Saabsan Deyn Cafinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda maaliyadda XFS Dr; Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaga qeyb galay shirka dhamaystirka deyn-cafinta ee Soomaaliya iyo Hay’adaha dhaqaalaha caalamka oo ay hoggaan u tahay IMF.

“Waxa aan shirka muddada uu socdo ku lafa-guridoonnaa dib-u-habeynta maaliyadda, iyo shaqooyinka muhiim ka u ah Horumarinta dhaqaalaha dalka oo ay ka mid tahay kobcinta dakhliga gudaha, ayuu yiri wasiir  Dr; Cilmi Maxamed.

Wasiirka maaliyadda  ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay ka go’an tahay ka guul-gaaridda horumarinta maaliyadda dalka oo ku dhisan mustaqbalka wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed, kadib markii uusoo idlaaday shirka uu ka qeyb galay.

Shirka ayaa waxaa wasiirka ku wehlinayay wasiirkii hore ee wasaaradda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaas oo dhowaan ku wareejiyay xilka wasaaradda wasiirka cusub ee maaliyadda xukuumadda federalka Soomaaliya Dr; Cilmi Maxamed.

Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo soo bilowday xilligii dowladdii hore ayaa soo gaaray heer gabagabo ah, waxaana dowladda uu hoggaamiyo madaxwene Xasan Shiikh ay sheegtay in ay ka go’an tahay dhammeystirka Barnaamijkaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this