Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh iyo William Ruto oo khadka taleefanka ku wada hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   
20220816_160602.jpg?resize=720%2C439&ssl

Madaxweynaha Dowada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Samoei Ruto ayaa ugu hambalyeeyey isaga iyo Ku-Xigeenkiisa Rigathi Gachagua, guusha ay ka gaareen doorashooyinka dalkaas.

Madaxweyne Xasan ayaa ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqonaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweynaha dooran ee Kenya William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, waxa uuna tilmaamay ixtiraamka iyo qaddarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee dalka Kenya in ay ku guuleystaan ka miro-dhalinta hiigsiga shacabkooda ee dhanka horumarka, door muuqdana ay ka qaataan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga heer gobol.

PUNTLAND POST

The post Xasan Sheekh iyo William Ruto oo khadka taleefanka ku wada hadlay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this