Sign in to follow this  
Deeq A.

Hal Qof Oo ku Geeriyooday Roob Dabaylo wata Oo Ka Da’ay Bariga Magaalada Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle ha naxariistee hal qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen roobab dabaylo watay oo shalay ka da’ay Magaaladda Boorama iyo qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada.

Roobabkaas ayaa geesta kale khasaare gaadhsiiyey ceelasha biyaha ee shirkada Shaaba ee ku yaala dooxa camuud iyo dugsiyo waxbarasho oo dhawr ah.

Dhinaca kale waxa ay roobabkan dabaylaha wataa waxyeelo u gaysteen dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanka camuud, kuwaas kaga le’deen tiro badan oo xoolo ah, waxaana kormeer ay xaalada ugu kuurgalayaan deegaankaasi ku tagay maamulka gobolka awdal iyo masuuliyiinta shirkada Shaaba, iyagoo tacsi u diray dadkii ay Saameeyeen Roobabkaas.

FB_IMG_1660655872937.jpg FB_IMG_1660655869880.jpg FB_IMG_1660655866654.jpg FB_IMG_1660655862011.jpg FB_IMG_1660655859187.jpg FB_IMG_1660655848361.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this