Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Raila Odinga oo ku gacan sayray natiijada doorashada Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Musharaxa looga guuleystay doorashada dalka Kenya Raila Odinga ayaa ku gacan sayray natiijada doorashada ee ay shalay ku dhowaaqeen guddiga doorashada madax-banaan. 

Odinga yaaa sheegay in ku dhowaaqista guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati ee ah inuu William Ruto ku guuleystay doorashada ay tahay “waxba kama jiraan.” 

Waxa uu intaas ku daray in Chebukati uusan ka awood badneyn xubnaha kale ee guddiga, kuwaasi oo afar ka mid ah ay diideen natiijada uu shaaciyey ayaga oo sheegay inaysan ku raacsaneyn.

“Waxa aan shalay argnay (Isniintii) waxay ahaayeen ceeb iyo xashmad darro cad oo lagu sameeyey dastuurka Kenya,” ayuu Raila ka yiri shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Nairobi.

Waxa uu wacda ku maray inuu adeegsan doono wax kasta oo sharci ah si uu uga loolamo natiijada.

Warkan waa deg deg…naga filo faah-faahin dhowaan Inshaa’Allah.

The post DEG DEG: Raila Odinga oo ku gacan sayray natiijada doorashada Kenya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this