Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmada Diinsoor oo qarka u saaran inay gacanta u gasho Al-Shabaab (Wareysi)

Recommended Posts

Deeq A.   

Diinsoor (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa kaabiga ku heysa degmada Diinsoor ee gobolka Bay, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen masuuliyiin ku nool degmadaas.

Mid ka mid ah waxgaradka ku nool degmada Diinsoor oo u waramay Shabeelle TV ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo dul degeen magaalada, isla markaana aysan jirin awood buuxda oo hadda ka hor taagan inay Diinsoor qabsadaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in bilihii ugu dambeeyey ay ku sii adkeeyeen go’doon ay Diinsoor kala siman tahay magaalooyinka kale ee maamulka Koonfur Galbeed oo badankood go’doon ugu jira kooxda.

Saacadihii ugu dambeeyey ilaa laba caruur ah ayaa gaajo ugu geeriyootay Diinsoor, sida uu masuulkaasi u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale ninkaan oo magaciisa loo qariyey sababo ammaan wuxuu sheegay maalintii 160 qoys qiyaastii ay Diinsoor gudaha u soo galaan, kuwaas oo xoolahoodii ay abaartu ka dhameysay.

Wuxuu intaas ku sii daray in dadkii beeraleyda ahaa ay isugu darsoomeen duruufo ay ka mid yihiin abaar, go’doominta deegaanka ee Al-Shabaab iyo taakuleyn la’aan dhanka maamulka ah.

“Diinsoor cabsi badan ayaa ka jirta, afarta gees waxaa ka soo degay Al-Shabaab, inay la wareegaan ayey qarka u saaran yihiin, dadka deegaankuna waa u diyaar inay iska dhiciyaan, 1 KM waa nooga sokeeyaan,” ayuu yiri masuulkaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga

 

The post Degmada Diinsoor oo qarka u saaran inay gacanta u gasho Al-Shabaab (Wareysi) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this