Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay xisaadda siyaasadeed ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220812_200416855.jpg?resi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa diray baaq la xiriira xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku baaqay in wadahadal iyo is-afgarad lagu dhammeeyo wax walba oo tabasho ah. Wuxuuna qoraal ku yiri “Waxaan ka xumahay rabshadaha iyo qalalaasaha ka socday labadi maalin ee u dambaysay qaar kamid ah Magaalooyinka Somaliland. Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Somaliland in ay ogadaan wixii nabad lagu waayo colaad iyo qalalaaso laguma helo karo… Waxaan idiin ku baaqayaa inaad wada hadal iyo is-afgarad ku dhamaysaan wax walba oo tabasha ah ee jirta”.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay rabshadihii dhacay, wuxuuna qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ugu baaqay in ay kala dhex galaan dhinacyada siyasaadda isku haya, xalna u raadiyaan tabashooyinka jira si aysan u dhicin mar kale in shacabka uu dhib soo gaaro.

Ugu dambayn wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u taahay ka qeyb qaadashada xalka dhibaato walba oo soo food Somaliland.

20220812_195927.jpg?resize=720%2C937&ssl

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay xisaadda siyaasadeed ee Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this