Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Gadiidka Dawlada Ka Mamnuucday Degmooyinka Gacan-libaax, Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge Iyo Wallaaca Shaqaalaha Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Warar xog oggaal ah ayaa Wargeyska Waaberi u xaqiijiyey in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay gaadiidka Dawladda ka joojisay inay taggeen afar degmo oo ka mid ah Magaalada Hargeysa,taas oo la sheegay inay ku amartay tallaabadan inay fulliyaan dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’adda kale ee Dawladdu.

Illo wareed-yo rasmi ah ayaa noo sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay go’aamisay in aan gaadiidka Dawladdu aanay teggin qaar kamid ah Degmooyinka Magaalada Hargeysa, gaar ahaana degmooyinka Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, Maxamed Mooge iyo Degmada Axmed Macalin Haarruun, waxaana la sheegay in shaqaalaha Dawladda ee deggan degmooyinka lagu war-geliyey inay soo raacaan gaadiidka taggaasida ee dhaweeyaha,halka qaar kalena la farray inay soo raacaan gaadiidka dad-weynaha,waxaana xusid muddan in qarashka gaadiidka ay bixinayso Xukuumaddu.

Sidoo kale xoggaha uu Wargeyska Waaberi helayo ayaa xaqiijiyey in maanta uu dhaqan-galay go’aankaas,isla markaana ay fulliyeen Wasaaraddo ay kamid tahay wasaaradda Warfaafintu,taas oo shaqaalaha degmooyinkaas ay maanta shaqada wasaaradda ku yimadeen Gaadiidka dhaweeyaha iyo kuwa dad weynaha-ba .

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xukuumadda Madaxweyne Biixi. Balse arrintan ayaa lala xidhiidhinayaa saska iyo sal-babakha ay Xukuumaddu ka qaaday mudaharaadkii badbaado Qaran ee shalay ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Dhanka kale, illo wareedyadda aanu xogtan ka helnay ayaa sheegay in Xukuumaddu ay go’aamisay in aan Gaadiidka Dawladdu teggi karrin Degmooyinkaa illaa inta ay xaaladdu deggayso.

Wargeyska Waaberi Media

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this