Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Salman Rushdie, qoraaga buugga “Aayadaha Shaydaanka” oo la tooreeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Salman Rushdie, Qoraaga British-ka ah ee qaar ka mid ah qoraalladiisa ay horseedeen inuu bartilmaaed dil u noqdo Iran islamarkaana dhuumasho ku noolaado, ayaa lagu weeraray masrax ku yaalla galbeedka New York oo uu hadal ka jeedinayey.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dad u kala cararaya inay caawiyaan Salman oo ku sugnaa Machadka Chautauqua.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qoraagan 75 jirka ah laga tooreeyey qoorta, balse ma aysan bixin faah-faahin. Waxaan sidoo kale weli caddeyn xaaladdiisa.

“Nin ayaa masraxa kusoo weeraray Rushdie. Rushdie wuxuu dhaawac ka gaaray qoorta, waxaana lagu qaaday helicopter oo lagu geeyey isbitaal. Xaaladdiisa weli ma cadda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay booliska.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka AP oo ku sugnaa goobta ayaa xaqiijiyey in ninka weeraray Salman Rushdie uu ugu yaraan 10 illaa 15 jeer mindiyeyeey ama feeray.

Salman Rushdie ayaa ku dhacay goobta, waxaana isbitaal loogua qaaday diyaarad helicopter ah.

Buug uu Salman Rushdie qoray 1988-kii oo uu ugu magac daray “Aayadaha Shaydaanka” ayaa horseeday fatwo dil ah oo uu soo saaray hoggaamiyihii hore ee kacaanka Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Buuggan ayaa sidoo kale Muslimiinta ay u arkeen inuu xushmad darro ku yahay nebi Muxamed NNKH.

Rushdie oo ku dhashay India, waalidkiisna ay ahaayeen Muslimiin aan diinta ku dhaqmin, islamarkaana isaga sheegay inuusan diin laheyn, ayaa dhuumasho ku noolaa kadib markii buugga uu soo baxay 1988-kii.

Si kastaba, wuxuu dhammaadkii sagaashamaadka billaabay inuu soo muuqdo kadib markii Iran ay sheegtay inaysan hadda kadib taageereyn in khaarijiyo.

AFP + AP + VOA

The post DEG DEG: Salman Rushdie, qoraaga buugga “Aayadaha Shaydaanka” oo la tooreeyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this