Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Xiisadda Puntland oo xal laga gaaray iyo Deni oo dib usoo magacaabayo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasmada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xal buuxa laga gaaray xiisaddii u dhexeysay madaxtooyada Puntland iyo baarlamaanka maamulkaasi, taas oo ka dhalatay magacaabista xubnaha maxkamadda sare.

Kulamo kala duwan oo ay yeesheen labada dhinac ayaa ku soo dhammaaday is afgarad, waxaana heshiis looga gaaray xiisaddii taagneyd, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in madaxweyne Saciid Dani loo daayo magacaabista xilka guddoomiyaha maxkamadda sare, wuxuuna markii saddexaad u magacaabayaa Axmed Taaraan, sida ay shaaca ka qaadeen ilo wareedyo aad ugu dhow madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa lagu qanciyay inay kala qeybsadaan xubnaha kale ee maxkamadda sare, si meesha looga saaro khilaafka madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in maalmaha soo socda la soo saari doono wareegtada magacaabita xubnaha cusub ee maxkamadda sare, ayada oo kadib la horgeyn doono xubnaha golaha wakiilada Puntland oo markan la filayo inay siiyaan codka kalsoonida ah.

Baarlamaanka ayaa horey laba jeer u celiyey xubnaha maxkamadda sare ee uu soo magacaabay madaxweyne Deni, taas oo xiisad ka dhex abuurtay labada xafiis.

Saciid Deni ayaa muddo ku adkeysanayey inuu dhaqan-geliyo wareegtada uu soo saaray, si ay u shaqeeyaan xubnaha u soo magacaabay, balse baarlamaanka ayaa ku gacan-seeray arinaas walow haatan loo ogolaaday inuu dib u soo magacaabo gudoomiye Axmed Taaraan.

Si kastaba, xiisadadani ayaa si weyn u saameysay wada-shaqeynta xukuumadda iyo baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, taas oo hoos u dhacday, inkastoo haatan is faham buuxa yo heshiis laga gaaray mad-madwogii soo kala dhex-galay labada xafiis.

The post XOG: Xiisadda Puntland oo xal laga gaaray iyo Deni oo dib usoo magacaabayo.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this