Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay qorshe cusub oo uu ka damacsan yahay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shaaca ka qaaday qorshe doorashooyin ay dhowaan uga dhici doonaan gobolka Gedo oo muddo ay ka taagneyd xiisad siyaasadeed.

Axmed Madoobe oo ka hadlay furitaanka kalfadhigga Golaha Wakiilada Jubaland ayaa sheegay in dhawaan halkaas laga billaabi doono dhismaha golayaasha deegaanka si shacabka ay helaan matalaad ku dhisan rabitaankooda.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in la fulin doono dhamaan mashaariicdii hakadka ku jirtay mudadii dowladdii Farmaajo ay qalalaasaha ka waday gobolka, isaga oo dadka gobolkaas ugu baaqay midnimo iyo wadajir.

Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray in dhawaan lasoo gaba gabayn doono mashariicda hadda socota, oo ay kamid yihiin dhismaha jidadka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah, kuwo cusubna la billaabi doono. 

“Golayaasha deegaanka waa la dadajin doonaa, waxaana la socda mashaariic waa weyn oo wax ka beddalaya nolosha bulshada,” ayuu yiri Axmed Madoobe. 

Waxa uu ka codsaday xildhibaanada inay ansixiyaan labo degmo oo lagu soo kordhiyay Jubaland kuwaas oo kala ah Buurdhuubo oo ka tirsan gobolka Gedo iyo Dhoobleey oo ka tirsan Jubada Hoose.

Ugu danbayntii madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha wakiilada sida ay ugu dhabar adaygeen xaalada guud ee ka jirtay Jubaland sanadahii lasoo dhaafay, taasi oo tusaale u ah sida ay shacabkooda ula qaybsanayaan duruufaha jiray.

Gobolka Gedo ayaa shanti sano ee lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa xiisad u dhaxeysay madaxweyne Farmaajo oo gobolka kasoo jeeda iyo Axmed Madoobe, taasi oo la degtay horumarkii gobolka. 

The post Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay qorshe cusub oo uu ka damacsan yahay Gedo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this