Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16572038242252214.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku maqnaa dalka Turkiga, ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo, wuxuuna xusuusiyey xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaan qoys oo Soomaali ah, ayna mudan yihiin farxadda ciidda in ay la qeybsadaan dadkooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhammaan shacabka ku booriyay in ay maalmaha Cidda badiyaan ducada iyo Alle bariga, istaakuleynta iyo ka warqabka dadka danyarta ah, taas oo ka mid ah acmaasha ugu khayr badan.

PUNTLAND POST

The post Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this