Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Axmed Madoobe oo weeraray Farmaajo, kana hadlay arrimo kale oo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta furay kalfadhigga 4-aad ee baarlamaanka Jubbaland ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan madaxweynayaashii is bedalay ee Xasan Sheekh iyo Farmaajo.

Axmed Madoobe oo weeraray siyaasadii Farmaajo uu dalka ku hoggaaminayey ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka badbaaday nooc ‘kaligii talis ah oo aad u halis badan.’

Wuxuu sheegay in Jubbaland ay soo martay xaalad adag oo taliskii Farmaajo uu geliyey, isagoo baarlamaanka Soomaaliya uga mahad celiyey in aysan dib u dooran Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu Xasan Sheekh ku tilmaamay masuulkii ugu haboonaa ee hoggaanka dalka loo dooran lahaa, isagoo rajo badan ka muujiyey inuu ka dhabeyn karo hal-heyskiisa ah “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

“Dhibka ugu badan anaga ayuu nasoo gaaray shanti sano ee lasoo dhaafay, wuxuu dalku galay nidaam ah ‘hadaan sidaan la yeelin, waxaana idinku dhacaya’ maanta is bedal ayaa yimid, kumana qadi doono, marka waxaan codsaneynaa maadaama dhibaatadii ugu badneed ay nagu dhacday in si gaar ah naloo xasuusto,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo sii hadlayey wuxuu yiri, “Madaxweynaha cusub khibrad ayuu lahaa, wuxuu garanayaa waxa uu ka shaqeynayo, waan uga mahad celinayaa baarlamaanka dalka is bedalka ay dalka ugu hiiliyeen.”

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo rajo badan uu ka muujiyey in sanadaha dhow laga guuleysa doono, isagoo aad ugu mahad celiyey ciidamada qaranka iyo kuwa Jubbaland oo joogto ula dagaalama kooxdaas.

“Al-Shabaab waxay bulshada u dhex galeen sida ‘Suuska’ waxay odayaasha iyo ganacsatada ugu hanjabaan inay u sameeyaan waxay doonaan, Al-Shabaab waxay sameynayaa been abuur, xubnihii laga dilo waxay ku sheegaan shacab, waxayna soo diraan dhaqanka beelaha, arrintaasina nama qabato, ee halaga feejignaado,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay arrimaha abaaraha, isagoo codsaday in gurmad loo fidiyo dadka ay abaartu ku saameysay Jubbaland oo ka mid ah deegaanada ugu daran ee dadka iyo duunyada ay abaartu ku saameysay.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Axmed Madoobe oo weeraray Farmaajo, kana hadlay arrimo kale oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this