Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse iyo Safiirka Sucuudiga oo Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah.
Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya, taas oo xilligaan la daalo dhaceyso abaaro baahsan oo dhuftay dalka oo dad iyo duunyo saamaysay.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana sanadadii dambe aan wanaagsaneyn xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dhigeeda Sucuudiga.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this