Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi iyo Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka oo Madda Kadib Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada kulanka kula qaatay hoggaanka xisbiyada Mucaaradka Somaliland.

Muuse Biixi, ayaa markii ugu horeysay kadib banaanbax ay xukuumaddiisa kaga soo horjeedaan xisbiyada Mucaaradka magaalada Hargeysa, kulan la qaatay siyaasiyiinta axsaabta mucaaradka.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Cabdiraxmaan Ciro musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADANI iyo qaar kamid ah hoggaanka labada xisbi mucaarad ee Somaliland.

Kulanka oo ay ka soo shaqeeyen ergooyin kala dhex galay labada dhinac, ayaa gogol xaar u ah xalinta khilaaf ka dhashay howlaha doorashada Somaliland.

Sikastaba xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa isku haya goorta la qabanayo doorashada Somaliland, xilli Muuse Biixi uu iska fogeeyay in uu doonayo muddo kororsi ay ku eedeeyn Mucaaradka.

somaliland.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this