Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasuuq Iyo Falal Argagax Leh Oo Mar Kale Ka Dhacay Gudaha Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Axmaarada ayaa sheegaysa in dad boqolaal kor u dhaafaya mar kale lagu xasuuqay gudaha degaanka Oromiya gaar ahaan galbeedka gobolka Wallaga oo ah goob ay deggan yihiin qowmiyadda Axmaarada.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhiniciisa xasuuqan ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Oromiya ee OLA, isagoo xusay in wixii xasuuqa gaystay ay ahaayeen firxadkii Jabhadda Oromada ee OLA kuwaas oo ka baxsanayay Ciidamada Itoobiya waa siduu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Raysal wasaare Abiy waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee haatan dagaalka kula jira Jabhadda Xoreynta Oromiya OLA aanay ka hadhi doonin Jabhadda illaa ay dalka ka nadiifiyaan oo la cidhibtiro waxa uu ku tilmaamay Argagaxisada Shane oo uu ula jeedo Jabhaddan OLA.

Xasuuqan dambe ee ka dhacay gobolka Wallaga ee degaanka Oromiya oo ay dowladdu kaliya sheegtay in dad lagu xasuuqay halkaa, ma sheegin dowladdu tirada rasmiga ah ee la xasuuqay balse Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo Ururada Axmaarada ee mucaaradka ah ayaa sheegay in tidhi boqolaal kor u dhaafaysa oo shacab ah lagu xasuuqay tuulooyin hoos yimaadda gobolka Wallaga ee degaanka Oromiya halkaas oo ay deggan yihiin dad ka soojeeda qawmiyadda Axmaarada.

Toddobaado ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale dad Axmaaro ah lagu xasuuqay galbeedka degaanka Oromiya, iyadoo ay kasii horreysay xasuuq kale oo dad Oromo ah loogu gaystay degaanka Axmaarada, kaas oo lagu eedeeyay inay gaysteen xubno kamid ah Booliska gaarka ah ee degaanka Axmaarada iyo qaar kamid ah maleeshiyaadka ka dhaqdhaqaaqa degaanka Axmaarada ee FANO.

Isku dhacyada qowmiyadaha iyo xasuuqyada ayaa noqday kuwo kusoo noqnoqda gudaha Itoobiya, kuwaas oo ayna dowladdu wali xal rasmi ah ka gaadhin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this