Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu danbeeyey ee ka soo kordhay Guddidii dhexdhexaadinta Xukumada Muuse Biixi & Xisbiyada Mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii ugu danbeeyey ee ka soo kordhay Guddidii dhexdhexaadinta Xukumada Muuse Biixi & Xisbiyada Mucaaradka

ergo.jpg

Gudidii dhexdhexaadinta ka dhex wadey xukuumada Muuse Bixi iyo mucaaridka ayaa hogaan iska dhex doortey .
Ka dib markii guddidu hogaankaas dooratey shalay ayaa wararku sheegayaan in arintaasi aaney raali galin dhinac ka mid ah labadii dhinac ee ay guddidu dhex dhexaadinta ka dhex wadey
Guddida ayaa hogaan u doortey .
1. Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi – waxaa loo doortey gudoomiye waxaana uu ka soo jeeda bariga Magaalada Burco .
2. Garaad Jaamac Garaad Cali – waxaa loo doortey Gudoomiye ku xigeen waxaana uu ka soo jeeda gobalka Sool .
3. Suldaan Dhawal – waxaa loo doortey afhayeen waxaana uu ka soo jeeda Gobalka Awdal .
Guddida ayaa la sheegay in isla garteen in 3 qof ee hogaanka u noqon doona aan lagu darin xubno ka soo jeeda beelaha Musharax Cirro iyo Madaxweyne Muuse Biixi si kalsoonidu u sii xoogeysto .
Hada waxaa si kadis ah hakad ugu yimid shaqadii guddida dhex dhexaadintu ay oo ay rabeen inay si rasmi ah u bilaaban mar hadii ay hogaan iska dhex doorteen .
Waxaa la filayaa inay guddidu la kulmi doonto Mucaaridka , isla markaana go,aankii ugu danbeeyey halkaas ugu gudbin doonto .
Dhanka kale waxaa suurto gal in Guddidu warbaahinta la hadasho hadii ay hakad kaas lagu war galiyey ay ku sii jiraan .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this