Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo balan-qaad muhiim u ah u sameeyey Soomaalida ku nool Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga, isaga oo la wadaagay dadaalka Dowladda Soomaaliya ay galineyso xoojinta xiriirka Labada dal.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada. 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay xubnaha jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalkan, sidoo kale waxa ay la wadaageen caqabadaha iyo duruufaha ay qabaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal-ku-joogga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadaha jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga uu kala hadli doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyadoo diblumaasiyiinta Labada dal ay iska kaashanayaan sidii ay u horumarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda, waxa uuna ku adkeeyey in ay si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaan.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali Heshiis ah, dunidana Heshiis la ah,”ayaa lagu yiri qoraalka.
291683128_419259416911870_55906505529766 292224947_419258866911925_48253316491349 292129424_419258846911927_12457869189760 292080472_419258863578592_68550708206853 Xasan-.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 292148150_419258790245266_32779554759645 292081373_419258703578608_65411837181528 292085936_419258910245254_60335612877942 291950091_419258983578580_36001367833290 291946478_419259110245234_18974623063666 292244689_419258823578596_26277381238536 Xasan-Sheekh-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl 291977205_419259156911896_71925797243929 292135097_419259043578574_35295155663169 292084756_419259153578563_75764080573810 Xasan-Sheekh-1-1.jpeg?resize=696%2C464&s 292029453_419259246911887_68853149374646 292191938_419259323578546_89757764128693 292021951_419259573578521_77398647576721 292080918_419259336911878_57313693872031 292157761_419258646911947_15413660577472 292168636_419259540245191_18315775784549 292006971_419259466911865_31651863614304 292067366_419258626911949_77668623930679 291962595_419258686911943_63524856621163

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo balan-qaad muhiim u ah u sameeyey Soomaalida ku nool Turkiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this