Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Beyle oo loo haysto kiis musuq oo la xiriira dad ay qaraabo yihiin + Caddeymo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa loo haystaa kiis musuq-maasuq oo xasaasi ah oo la xiriira dad uu shaqaaleeyey oo meelo badan ka qaato mushahar.

Sida ku cad, dokumentiyo ay heshay Caasimada Online, xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa ogaaday in Beyle uu si sharci darro ah u qortay shaqaale wasaarado kale ka qaata mushahar, kuwaasi oo uu ka qeyb-geliyey mashruucyo kale.

Xafiiska Hanti-dhowrka oo dhawaan u yeeray Bayle, ayaa waxa uu wasiirku ku gacan sayray yeeristaas, oo waxyaabihii loo haystay ay kamid ahaayeen in shaqsiyaad ay qaraabo yihiin ay sifo sharci darro ah ku qaatan mushaaharaad iyo gunnooyin joogto ah oo meelo kala duwan kasoo gala.

Xubnahan ayaa dowladda bil kasta ka qaadanayey lacago tobanaan kun oo dollar ah, oo dhowr meel kasoo galayey, lacagtaas oo xitaa wasiirada iyo guddoonka baarlamanka aysan qaadan.

Baarista uu sameeyay Hanti-dhowrka oo lasoo gaarsiiyay Caasimada Online ayaa waxa lagu ogaaday in saddexda shaqsi ee kala ah; Liibaan Aadan Obsiye, Nuur Cali Cumar iyo Cabdullaahi Xuseen Nuur uu Wasiir Bayle u codsaday inay si ereg ah ula shaqeeyaan, ayaga oo ah shaqaale rasmi ah oo ka qoran Wasaaradda Arrimaha Dibedda, taasi oo siineysa mushaharaad dhowr ilo ah.

Khaladka uu baarista ku ogaaday Hanti-dhowrka ayaa waxa kamid ah in saddexda shaqsi ay haysan ogolaasho heshiis Ereg oo waafaqsan sharciga shaqaalaha rayidka ay mushaar, gunno iyo kharashaad hotel ka wada-qaadanayeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Mashaariic hoos taga Wasaarada Maaliyada oo ay maal-galiyaan Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika.

“Waa in Liban, Nuur iyo Cabdullaahi ay dib u celiyaan dhamaan lacagihii ay ka heleen Mashaariicda ay maal-galiyaan Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika. Sidoo kalana waa in Wasaaradda Maaliyadda ay heshiis waafaqsan Sharciga Shaqaalah Rayidka Qoddobkiisa 41-aad ay la gashaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda haddii ay Wasaaradda Maaliyaddu doonayso in ay howlihii loo ergaday shaqsiyaadkani usii wataan, kana helaan lacagahooda mashaariicda hoostaga Wasaarada Maaliyada ama Miisaaniyadda Wasaarada,” ayaa lagu yiri talo soo-jeedin uu soo saaray Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Sidoo kale Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa ka dalbaday Wasaaradda Maaliyadda inay dhowrto shuruucda maamulka Maaliyada iyo kala baxsanaanta waajibaadka shaqo ayna si deg-deg ah u joojiso qabashada Payment Voucher (F3) ee uu idman Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Shaqaalahan ayaa sida la ogaaday qaraabo la ah Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle, waxayna wasaaradiisu ka bixin jirtay kharashaadka Hotel-ka, iyada oo siin jirtay gunooyin iyo lacago kale oo sharci darro ah, ayaga oo ka diiwaan-gashan yihiin Wasaarad kale.

Bayle ayaa wajahaya kiisas musuq-maasuq intii uu joogay Wasaaradda, ayada oo dhawaana ay dood adag ka dhalatay xisaab-xirkii miisaaniyadii afarta sano ee dowladdii hore, taasi oo loo xil-saaray guddi baaris ku sameeya.

Hoos ka aqriso dokumentiyada kiiska baarista oo ay heshay Caasimada Online
Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-01.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-02.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-03.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-04.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-05.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-06.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-07.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-08.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-09.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-10.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-11.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-12.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-13.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-14.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-15.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-16.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-17.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-18.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-19.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-20.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-21.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-22.jpg?resi Soo-Gudbin-Warbixin-Khaas-ah-23.jpg?resi

The post Xog: Beyle oo loo haysto kiis musuq oo la xiriira dad ay qaraabo yihiin + Caddeymo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this