Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xildhibaan sheegtay in mushaarkii laga jartay loona hanjabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii cakirmeysa xaaladda maamul ee ka jirta Koonfur Galbeed Soomaaliya, wixii ka dambeeyey markii hoggaanka dalka looga guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo taabici uu u ahaa hoggaamiyaha maamulkaas.

Xildhibaan Axlaan Cumar oo maanta warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa sheegtay in mushaarkii laga jartay, sidoo kalena loo hanjabay.

Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in loogu hanjabay in xasaanadda xildhibaanimo laga qaadi doono, hadii aysan joojin hadallada uu dhibsanayo hoggaamiyaha maamulkaas.

Waxay intaas ku sii dartay in si gooni ah loo baacsado xildhibaanada iyo qof kasta oo isku daya inuu ka hadlo dhibaatada amni ee ka jirta deegaanada maamulkaas.

Xildhibaan Axlaan waxay codsatay in Koonfur Galbeed la badbaadiyo oo loo sameeyo hoggaan ka saari kara go’doona ay dhowr iyo tobanka sano ku jirto.

Hoos ka daawo

https://fb.watch/e2Sw88sInu/

The post Daawo: Xildhibaan sheegtay in mushaarkii laga jartay loona hanjabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this