Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo shatiyo siisay laba Banki oo caalami ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey codsiga shati ee laba banki oo laga kala leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga, kuwaas oo lagu kala magacaabo Banque Misr iyo Ziraat Katilim. 

Tallaabadan Bankiga uu maanta qaaday ayaa timid ayada oo Caasimada Online ay shalay xog gaar ah ku sheegtay in Bankiga uu sidaas qorsheynayo, kadib markii arrimo siyaasadeed ay horey codsiyada ugu diiday dowladdii Farmaajo. 

Guddiga Bankiga Dhexe ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in labada Banki ay mareen hanaan qoto dheer oo socday bilo oo lagu eegayey codsigooda. 

“Guddiga Bankiga Dhexe wuxuu go’aamiyey in labada Banki ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee shityada, waxanaa la ansixiyey codsiyadooda. Labada Banki waxay hadda laamo ka furan karaan kana howlgali karaan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed ayaa yiri “Kadib habraac ballaaran waxaan ku faraxsanahay in guddiga uu ansxiyey codsiga shatiyo ee Ziraat Katilim Bank iyo Banque Misr.” 

Bankiga Dhexe ayaa sheegay in labadan Banki ay yihiin kuwa xooggan oo qiimo ku dari doonaa horumarka qeybaha maaliyadda Soomaaliya, kana qeyb qaadan karaan kobaca dhaqaalaha dalka.

Ziraat Katilim (Turkey) iyo Banque Misr (Masar) ayaa noqon doona labadii Banki ee ugu horreeyey ee caalami ah ee ka howlgali doonaan Soomaaliya, taasi oo astaan u ah guulaha isbeddellada qeybta maaliyadda Soomaaliya, sid auu sheegay Bankiga Dhexe.

Madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisii ayaa dhowr jeer hoos isaga dhigay arrintaan, ayada oo sababta ugu weyn ay aheyd Bankiga Masar, sababo la xiriira xiisadda Qaahira iyo Addis-Ababa.

Sidoo kale ganacsatada bankiyada ee Soomaaliya ayaa dhankooda taageersanaa diidmadaas, iyagoo ka cabsi qabay inuu tartan culus ka dhasho, taasi oo saameyn ku yeelan karta ganacsiyadooda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad ugu dhawaa dowladda Itoobiya taasoo diidan in dalalka saaxiibka la ah inay dhinaca kale soo dhaweystaan dowladda Masar oo ay xurguf xooggan kala dhaxeyso.

Waxaa jirta kala aragti duwanaan la xiriirta in Bankiyo iyo shirkado caalami ah dalka ka howl billaabaan. Ganacsatada dareynsan inay imaan karaan shirkado ka xoolo iyo farsamo aad uguma riyaaqsana bilaabashadaan, laakiin dhinaca kale waxaa jira shacab aaminsan in loo baahan yahay inay dalka soo galaan shirkado caalami ah oo ay taasi mar abuureyso tartan xiiso leh marna ay fasiraad ka bixineyso inuu dalku soo hagaagayo amni ahaan.

Press-Release-Bank-Licenses-No-507-1.jpg

The post DF Soomaaliya oo shatiyo siisay laba Banki oo caalami ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this