Sign in to follow this  
Zaylici

series of papers 5

Recommended Posts

Zaylici   

Haille, Samatalis

Qaybo ka mid ah Taariikhda Somalida

Taariikhdu waa u kuurkalidda waxyabihii tagey, taas loo adeeksankaro in lagu fahmo xaaldaha dhabta ah ee taagan maanta iyo kuwa soo socda oo aanu waajihidoono mustaqbalka. Sidaa awgeed waa muhiim inaan dib ujeleecno wixii tagay si aan u macneeno waxyaalaha maanta kadhacaya dhulka Somalida islamarkaana aan awood ugi helno anaan saadaalino mustaqbalka. Anigoo taa ka duulaya taariikhdii hore, ubucda qormadani waxay noqon doontaa jeexjeexida iyo qaadaa dhiga xaaldahii iyo durufuhii kala kadisnaa ee uu soo maray deegaanka Somalida. waxaan ku tuuntuunsan doonaa guud ahaan gadgadoonkii taarikhda Geeska Africa.

Soomaalida waxaa la yiraahdaa isir ahaan waa dhashii Xam bin Nuux nabadi hakor fuushee, waxayna qaraabo layihiin Ormada, Barberka waqooyiga Afrika, Masaaridii hore, arintan waxaa la ogaaday ka dib markii la kuurgalay habdhismeedka afka Soomaaliga oo aad ugu dhow afafka ay ku hadlaan dadyowga ku abtirsada dhashii Xaam, Xaam waxaa ilmihiisa ka mid ahaa Nimruud oo ahaa mid ka amid ah boqoradii bari xukumay aduunka oo dhan, waxaana la aaminasanyahay in reer xaam inay ahaayeen dadkii dhagax dhigay ilbaxnimooyinkii Aseeriya, Babilooniya, Bowrotooyadii faracinidii Masar. Culamda cusub ee sida gaarka ah u daraaseeya luqadaha kala duwan ee dunida looga hadlo waxay ku tiriyaan Somaligu inuu qaraabo layahay afkii hore ee faraaciinda masar, Nuubiyiinta waqooyiga Sudan iyo barbarka Woqooyiga Africa, iyo cafarta iyo Oromada geeska Africa. Waxaa kaleeto si cad oo cilmi ku dhisan loo ogaaday inuu ka mid yahy luqdaha ilmihii Xaam, Xaam waa mid ka mid ah owladii nabiyulahi Nuux calayhi salaam, Haddaba taasi waxay noo iftiiminaysaa xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya Somalida iyo dhulka diimaha oo maanta loogu yeero Bariga Dhexe.

Sida ku qoran qoraalka ugu da’da wayn ay faraaciinadii masar ay ka takeen waa dhagaxa layirahdo baleermo, waxaa ku qoran in uu jiray xiriir ganacsi oo balaareen oo dhaxeeyay Soomaalidii hore iyo faraacinadii masar. Soomaaldi hore waxay masar u dhoofin jireen sida ku cad Mowlaca Xashabuut ee Dar bexayr ee ku yaal magaalda Lagsar, bartamaha masar, fooxa qaybiisa kala duwan oo ilaa hadda Soomaaliya ka baxa, haddaba nin Soomaaliyeed oo arimahan u kuur galay moddo dheer oo layiraahdo Dr Cabdiraxaman Xirsi oo marna ka ahaan jiray gudoomiha Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxa kuu sheegay buug uu qoray oo la yiraahdo (Arab factor in Somali History) isirka Carbeed ee Taariikhda Soomaaida in xirirka Soomaalidii hore iyo masaarida uu ahaa mid aad u qoto dheer oo aanan ku ekayn ganacsiga oo kaliye oo uu ahaa mid dhaqan iyo mid diineed, waxaa xusud mudan ilaahayda ay masaardii hore caabudi jireen waxaa ka mid ahaa Qoraxda iyo Mukulaasha ama Bisadda, labuduna faraaciinada waxay u yaqaaneen Qoraxa, Iyo Bissad, arintan oo sarbeebaysa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeyay Soomaalida iyo masaaridii hore. Waxaa kaleeto oo xusad koonfurta carabta mar laga caabudi jiray qoraxada, oo Qoraanka waxaa ku xusan in markii shimbirkii Hudhud Yamen u yimid uu yiri sida ku xusan Cutubka Qoraanshada (namli)( waxaan u tagay ayada( Balqiisa) iyo qoledeeda oo u madaxdhigaya Eebe wax ka sokeeya)

Qoraalo hadda aan gacanta ku haya ayaa jira oo kuu saabsan Taariikhdii Soomaalida Diinta ka hor ee fadlan u fiijignow.

Xili aan ka fogayn dhalashiidii Ciise nabadii ha du fuushee, ayaa geeska Afrika waxaa soo booqday nin shiraacato ah ninka oo ka soo shiraacda ayaa waxaa oo ka soo tagay Masar, waxuuna Badda cas u soo qaaday dhanka Koonfureed, waxuu uuna soo maray Xeebeaha Ereteriya waxa ka soo dusay wadda dhuuban ee loo yahoono Bab-almandab( ama albaabkii tiiraanyada, waxaana loogu bixiyay aa layiri waxaa ka dhaca duufaamo, harar iyo dabaylo waalan)waxuuna maray dhamaan magaalooyinka saaran Badda cas iyo kuwa Badwaynta Hindiya, waxuu ninkan ku sheegay Buug uu katagay oo la yiraahdo ( the peripilus od the Eretherian sea) in dhulka Soomaalida barigaa ay kajireen Magaalooyinka waawayn oo tiro badan waxaa ka mid ah Zaylac, Berbera, Ras Hafuun, Muqdisho,Marka, waxuu ninkan sheegay Soomaalidii hore in ay dhoofin jireen waxii ay dhuufin jireen Masar, kumanaan sano ka hor, oo ah Fooxa qatbihiisa kala gadisan, waxaa xusid mudan xilgan in Soomaalidu soo dhoofsan jirtay waxyaabi ay ka mid yihiin Khamriga oo aad looga cabi jiray.

Haddaba agow ilbaxnimo balaaran ayaa ka jirtay dhulka Soomaalida ka hor Diinta. Waa been aan sal lahayn in Carabta iyo Faarisiyiinta ay amaamudeen ama dhagaxdhigeen magaalooyinka Soomaalida.

Waa suaal furan una baahan cilmi baaris dheer nolashii Soomaalidii hore ka hor iyo kadib ba Diinta, qoraalo laga helay dad Soomaaliyeed iyo ku Mislimiin ahba waxy sheegayaan in dhulka Soomalida aad u camirnaa waxbarasho aad dhumuc wayna ka jirtay.

Ibnu Batuuta oo ahaa Dalmareen Muslim ah, oo booqday inta badan Gurigii Muslimiinta ( Dar Al Islaam)ayaa waxaa ka soo dagay magaalaga Zaylac sanadaka marka uu ahaa 1313, oo hadda laga joogo 700 oo sanno, ayaa waxaa uu soo maray dhulka ilaa magaalda Moqdisho, waxaan uu sheegay in dhulka in magaalada Moqdisho dadka degan ay ahayeen dad aad u barwaaqaysan oo aad u cayilan, waxaa kaleeto uu sheegay in Suldaanka Magaalada Moqdisho uu ahaa Berber ku hadla af aanan ahayn afcarbeed, balse afcarbeedka wuu yaqiinay ayuu yiri, waxuu kaleeto oo uu inoo sheegay in Magaalada ay lahayd jaamacaad ay degan yihiin ardayda oo wax lagu barto.

Waxaa xusad mudan in uu Ibnu Batuuta inoo sheegay in Suldaanku uu lahaa nin qora sirta( kaatib al sir). Waa been aan sal lahayn in la yiraahdo Soomaalidu wax maqori jirin.

Gobalka Awdal gaar ahaana magaala madaxdiisa Zaylac waxa ay ayadu lahay jaamacado waawayn oo wax lagu barto, waxaa xusid mudan in ragii ka liibaanay Jaamcadahan ay ka mid ahaayeen Imaam zaylici oo qoray kutub la yiraahdo Nisbu-raayah, oo ah kutubta ugu waawayn ee Madhabka Xanafiyada, kutubkiisa waxaa lagu daabacay Hindiya 1935. kutub fara badan ayay qoreen culumadaasi sida ku qoran buuggga Cumar xaaji safaxaat min taariikh Alsuumaal, aqalka kutubta Masar waxaa uu leeyahay waax dhan oo lagu aruriyay kutubkii ay qoreen culamadii Zaylac. Qaar kutubtaa ka mid ah waxay yaalaan jaamacadda anaga aan wax ka barto ee Minisota, ee dalka Maraykanala, Labareeriga waxaa la yiraahdaa Wilson.

 

 

Waxaa kaleeto xiriirkaa si wayn u xoojiyay Diinta Islaamka oo la aaminsanyahay inay Soomaliya ay soo gaartay ka hor Hijradii nabawiga ahayd ee loogu hayaamay Madinatu Almunarah, Taassi waxaa cadaynaya daahfurid xagga Arkeyolejida ah oo lagu ogaaday qabri ka mid ah qabriyadii hore ee qadiimka laga helay magalada Moqdisha oo ay ku qorantahay haweenay lagu magacaabay Fatima Cabdisamad yacquub oo ku geeriyootay 22 jamadul- uulaa 101 ee taarikhda hijriyada, Qabrigan iyo kuwa kaleeto oo isla meeshaa laga helay waxay cadeenayaaan in Fatuma abaheed iyo awoowgeedba ay dhasheen taarikhda hijriyada ka hor, aadna ay suurtagaluthay inay islaameen ka hor bilowgii tirsiga hijriga, haddaba arintaa iyo arimo kaleba waxaa lagala soo dhexbixi karaa in Islamku oo soo gaaray Soomaaliya ka hor in tuu uusan gaarin dhul fara badan oo ka tirsan gacanka carabta.

. markii diinteena timi Waxaa saldhigatay Ilbaxnimo ku salaysan Diinta, waxaa sidoo kale halkaa xididada loogu siibay mugdigii iyo jaahilnimadii ku xididaystatay gayiga Soomaalida. Magaalooyinkaa aan kur ku soo sheegnay waxaa u soorta gashay in lagu daraaseeyo culuumta Diinta Islaamka iyo culuumtii barigaa loo aqoonjiray Faarisiga oo ka koobnayd Xisaabta iyo Culuumta saynska, waxaa kalooto mudnaan wayn leh in lasheego Ikhtiraacistii qorista afka Somaliga, Waa barigii ugu horeesay ee si cilmi ah loo daraaseeyo qaabka ugu haboon ee loo qori karo afka Somaliga, waxaa si wayn arrintaa wax uga qoray islamarkaan dajiyay habki loo qori lahaa sheekh yusuf alkawnayn oo waqooyiga Soomaaalida looga yaqaano Aw Barkhadle. Sheekhani waa ninkii soo alifay higaadda caanka ah ee Alif lakordhabay Alif lahoosdhaby Alif laagoday.

Waxaa Xusid mudan in farta lagu fiiqo in miisaankii xagga siyaasdda ee geeska Africa inuu is badalay, maxaa yeelay taariikhyahanadu waxay aaminsanyihiin diimuhu inay ahaayeen halbowlayaasha ilbaxnimada aadanaha, haddaba ilbaxnimadii Xabashida oo ku salaysnayd diinta masiixiyadda ayaa dareentay isbadalka miisaanka Geeska Africa.

In badan ayay Soomaalidu iyo xabashida is barbarnoolayeen si ay ku dheehantahy darisnimo wanaag, hadda waxaa xusid mudan in Gacanka Soomaolidu ay ka dhasheen dalal ama saldanado xoog badan oo leh talis dhaxe, kuna baahsanaa dhulka maanta loo yaqaano Woqooyiga Soomaalia, iyo Gacanka Tojara ama Jibuti, iyo Dhulka maanta ay Xabshidu haysato sida galbeedka Soomaalida, Showaa, Dawaara, Harar. Haddaba sababahii ugu waawaynaa ee dhaliyay dagaalka aanan soo afjarmin ee u dhaxeeyay Soomaalida iyo Xabshida waxaa loo aaneeyaa isbadalkii taliskii xabashida,oo xukanka kula wareegeen qoskii sulaymaaniyda oo loo yaqiinay “Solomonic dynsty” ambaba qoys ku abtrisanayay Sulaymaan bin da’ud nabadi ha kor fuushe, waxayna kala wareegeen xukunka qoyskii agawiyada, oo ahaa jinsiydo isku tagay oo aanan marnaba kusoo gardaroon dhulka somalida, waxaana afka qalaad loogu yaqiinay “Zegwe dynsty”.

Sida ku qoran Buuga layiraahdo “Safaxaat min taariikh Al somal” ee uu qoray Cumar Xaaji, boogiisa 14, waxaa heshiis dhexmaray Cumar walsame oo ahaa mid ka mid ah Amiiradii ugu awood badnaa dhuka Somalida xuruntiisuna ahayd magaalda Zaylac ayaa waxa uu heshiis lagalay boqorkii xabashidaa ee barigaa ee la oranjiray Iknook malak, waa ninkan ninkii ugu horeeyay weerar qaawan ku qaada dhulka Somalida, ninkan ayaa rabay in uu baad ka qaado dadka aanan la isir ahayn, kuwii diidana uu qasab uga qaado.

Muddo gaaban ka dib tariikhdu marka ay ahayd (1314- 1344) ayaa xukunka xabashida waxaa lawareegay Camad Siimoon, wuxuuna sii waday halgankii uu bilaabay saaxiibkii, wuxuuna weerar ku qaaday Cifat oo ahayd mid ka mid ah kuwii ugu waawaynaa talisyadii muslimiinta, waxaase si buuxda ula dagaalamay taliyihii Cifat oo lo ar anjiray Khayrudiin sida ku qoran buuga cumar Xaaji bogiisa 15, inkastoo oo uu dagaalka ku geeriyooday boqorkii Cifat, haddana waxaa xukunka la wareegay Sabrudiin axmad xafiid oo ku qaaday xabashida weeraro aad u balaaran ilaa uu gacantiisa ku dilay boqorkii xabashida ee lo arnjiray Camad simon.

Haddba dagaaladii ay Somalidu iyo ummudaha Muslimiinta ee ku dhaqan geeska Africa ay gaashaanka ugu daruurayeen weeraradii xabashida halkaa ayay ka sii socdayn. marar badan ayaa xabashida loo sheegay inaysan dan ugu jirin inay nagu soo gardarooto, hadiise ay lama horaan noqoto, soomaalidu waxay lawadaagayan miraha ka dhasha gardardas.

 

Haddaba saaxiibow waxaa mudan inaan hoosta ka xariiqno isbadalkii ugu waynaa ee siyaasadda xabashida ku dhacay, taariikhdu marka ay ahayd (1414-1429) ayaa waxaa lawareegay xukunka xabashida boqor Isxaaq Kowaad, ninkan ayaa waxaa qabsaday jab wayn waayo waxaa laga barkiciyay dhamman dhulkii Somalida iyo guud ahaan dhulkii ummudaha muslimiinta ee geeska Afrika. Ninkan ayaa ikhtiraacay in Xabashida aysan jiri karin hadii aanan la kaashan bahwaynta masiixiyadda, asagoo arintan ka duulaya ayuu waxuu diray wafdi uu hogaaminayo waddaad masiixi ah oo loranjiray Sarra Yacquub, waxaana loo diray shirkii midaynta kaniisadahii bariga iyi galbeedka( madhabka Orthodex ee xabashidu waxaa uu ka tirsanyahay kaniisadaha bariga) oo lagu qabtay Foloransaa taariikdu marka ay dhaxaysay (1442-1439) haddaba is la waqtigan xilli aan ka fogayn ayaa boqaradii xabashida waxa kaladireen waddaad misiixi ah oo burtaqiis ah oo la oranjiray birmodar iyo Matew oo armiiniyaan ahaa ayaa waxaa ay lakala kulmeem labo boqor oo burtaqiis oo lakala oranjiray Conamel iyo Joonkii 3aad waxayna adeegayaashii garsiiyeen burtaqiiska iyo dinida masiixiyiinta guud ahaan sida xabashidu ugu baahantahay, waxaan shaki ku jirn tani inay noqatay saldhiga siyaasadda xabashida, waxaana daliil u ah sida maamuladii xabashida ay u caburiyeen halganadii daacadda ahaa ee ummudaha dulmani ay ku doonayeen inay ku xuroobaan, ayadoo adeegsanayay awoodo shisheeye oo aanan tixgalinayn duruufaha kalifay dagaalka, loomana cudurdaari karo awoodahaa shisheeye oo ayagu caadaystay inay iska indhatiraan doonitaankaa ummudha dhulkaa ku dhaqan, haddaba waxaa xusid mudan Soomaaliduna in aysan gacmaha aysan laaban oo kaalmo ay ka heleyeen Bhawaynata Muslimiinta.

Si walba arrintu ha ahaatee biiritaankii Diinta ee dhulka Soomaalida ma hayn oo kaliye mid mid abuuray xariir ruuxi ah ee u dhexeeya Somalida iyo Abuurahooda, balse waxuu ahaa nidaam bulsho oo dhamaystiran oo si aan hagar lahayn ugu qaaraamay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshda. Gaar ahaana madaxmanaanida bulshda, Diintu waxay si buuxda u qayaxday inaan marnaba daacad loo noqon talisyada garab mara Mabaadii'da Diinta islaamka, waxay kaleeto oo Diinteenu u cudurdaaratay in tilaabo hubaysan laga qaato kuwa sida bareerka ah u garabmara ummuraha Assaasiga ah ee Diinta. Arrimahan oo dhan waxay si wayn u qaabayeen araa' cusub oo si wayn ugu xididaystatay maanka bulshda Soomaalida, arrimaham oo dhan waxay si wayn caqabad u noqdeen xoogag shisheeye oo doonayay inay is xaaraan ah u guursadaan madaxbanaanida dalka iyagoo fahansanaa muhiimadda uu leeyahay barta uu ku yaalo dhulka Soomaalida marka laga eego xagga istratiijayada amniga iyo ganacsiga adduunka.Si walaba ha ahaatee waxaa la inkiri karin muhiimadda dhulka Soomaalida, tusaale ahaan haddi aad si qotodheer u fiiriso juqraafiga waxaa ku soo baxaya in Soomaaliya ay tahay faras magaalha Aduunka. Maxaa yeelay Soomaaliya waxay isku xirtaa Afrika iyo Ashiya waxay kaleeto oo ay marin dhow u tahay Yurub iyo Ameerika marka aad joogto Bariga dhexe waayo waxaad mari kartaa Badda cas, babalmandab, iyo kanal siwuyska masar saacado gudeeheed ayaad ku gaari kartaa baddwaynta Hindiya.

Si walba arrintu ha ahatee xooggaga qaabeeyay fakirka, dhaqanka, iyo habnoleleedka Ummadda Somalida wax aanan lagu soo koobi karin maqaalkan, balse waxaa lo oran karaa deegaanka iyo Diintu waxay qayb ka ahaayeen xoogggii qaabeeyey habnoleleedka bulshada waxeheeda kala duwan, taa waxaan ugalla jeedaa iskaalmaynta xiliga dhibaatada,u dulqaadla,aanta gardarada Gumaysiga ,sooridda martida,iyo kuwo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin, kuwan waxay ahaayeen astaanta qaaliga ah ee Somalidii hore oo aan rumaysanahay in diinta iyo deegaankuba ay arrimahaas si wayn ugu qaraameen.

 

Haddaba noloshii noocaa ahayd oo barigaa Somalidu ku noolaanjirtay dunida inteeda badanna looga noolaa ayaa waxaa halis galiyey weeraro dhul doon ah oo leh oo huwan magac diimeed oo ay horkaceyo xabashidu ayaa bilawday qarnigii 13aad ee miiladiga oo ku aadan bartamihii qarniga 7aad ee hijriga. Waxaa gabagabooday iskudulqaadashadii xagga diimaha ee 500 boqol oo sano ka jirtay geeska Afrika. Gardaraas qaawan waxay taariikhyahandu aaminsanyihiin inay tahay bilawgii halkanka Somalida iyo kan Muslimiinta Geeska Afrika Guud ahaan, Halkankaas oo gaashaanka loogu darruurayay shisheeeyaha.

Si walba arrintu ha ahaate muslimiinta guud ahaan waxay ka midaysnaayeen inaan laga abaaldhicin Xabashida waayo waxay mar kaalmo siiyeen saaxiibadii suubanaheena nabadgakyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee. Hasa yeeshee taasi uma aysan cudurdaarin in loo dulqaato ulajeedooyinkooda Guracan. Weeraradan oo soo xoogaystay qarnigii 14 ee milaadiga ayaa si faahfaahsan wax looga qoray waxa uu ahaa kii uu hogaaminaayay Imaam Mudafar oo ahaa sheekh ku dhashay wax na ku bartay dagmda Zaylac xarunna u ahayd boqortooyadii Mulmiinta ee Adal. Sheekhu waxa uu wuxuu caabiyay weeraradii xabashida waxauuna shakhsiyan uga tahkulasay Boqor Nagus Yashaq. Sidoo kale waxa uu sheekhu astaan iyo dhiiri galin u noqday dhaqdhaqaaqyadii Muslimiinta ee Bale,Jimma iyo Shawaa oo ahaa dalal Muslimiin ah kuna yaalay dhulka maanta loo yaqaano koonfurta Itoobiya.Sida ku qoran buugga la yiraahdo Al- siraac Bayna Al-xabsha wasomal amba( lagdangii Somalida iyo xabashida) ee qoray Tuxfat zaman qarnigii 16aad bogagiisa 2-70 waxa uu si wayn uga faalooday Guulihii ay soo hoyiyeen mudafar iyo iyo Sheekh abuukar oo labaduba haa xiliyo kala gadisan Imaamadii Adal, waxa kaleeto uu buugani si wayn uga hadlay Boggisa 80-125 sida ay u saameeyeen tlyayashii Adal Axmad Ibrahim Gurey oo asaga naftiisu uu barigaa wax ku baranayay Zaylac. Xaalku si walba ha ahaade Axmed gurey wuxuu ku biiray halkankii barigaa ilaa uu ka noqday abaanduulihii ciidanka somalida iyo cafarta. Axmed Gurey waxaa si wayn loogu xasuustaa xureyntii dhamaan ummadihii dulmanaa ee geeska africa iyo caabintii Inbradooriyadii Bortaqiiska ee uu hogaaminaayay Bedro De Gama oo ahaa wiilkii Vasco Di gama oo asaga naftiisa ku geeriyooday Shimbirkurey oo ahayd goob dagaal oo caan ah. Haddaba waxaa xusitaan mudan in farta lagu fiiqo in duulaankii labaad ee Bortaqiiska ee Imam Ahmed uu ku geeriyooday inuusan hakin halkangiisii. Sidoo kale waxaan la inkiri karin in geeridii Imaamka ay dhintay dhumucdii halganka. si walba ha ahaate waxaan shaki ku jirin in la caabiyey weeraradii Bortaqiiska oo aakhiritaankiina lajabiyay. Taasi waxay Somalida dhaxalsiisay madaxbanaani iyo barwaaqo loo aayay oo laga dareemay dhamaan Gacanka Somalida, Taasina waxay ahayd ilaahay mahadiis.

Haddaba labo qarni kadib oo ku aadan qarnigii 18aad ee miilaadiga bartamihiisa ayay markale shisheeyuhu damceen madaxbanaanida Somalida inay xayuubsadaan.Waxaa mudan in farta lagu fiiqo xiligan inay ahayd Bilawgii xilligii dahabiga ee gumystaayashhii reer Yurub oo ayagu doonayay inay dhiigmiirtaan umadaha aan la isirka ahayn.haddaba xilligan waxaa lagu tilmaami karaa bilowgii taarikhda mugdiga ahayd Somalida, maxaa yeelay danaha somalida, ayaahooda,Xuduudahooda,cidda ay lanoolanayaan, meesha ay ku noolanayaan, waxaa ka xaajoonayay,amba jeexjeexayay heshiisna ka gaarayay dadna aan Somali ahayn. Sida uu qoray buug lamacbaxay the "betreyal of the Somalis" Amba Dabamaryayntii somalida oo u qoray Louis Fitzbbon oo ah qoraa Faransiis ah,( oo ku caan baxay u halgamidda xuquudda umadaha dulman, qoraagan Waxaa lagu dilay magaalada Paris ee cariga Frangiga) oo si wayn uga faalooday hagardaamadii iyo naxariisla'aantii Gumaystaha. Sidaa Buugaa ku qoran taariikhdu marka ahayd 1886 ayaa xaaladda geeska Afrika sii Xumaatay, waxaa ku soo biiray faransiiska iyo talyaaniga oo kala qabsaday Koonfurta, gacanga Tojora oo loo yaqaano maanta dhulka Jabuuti. Sidoo kale Ingiriisku wuxuu heshiis kusheeg la galay shakhsiyaad somaliyeed oo aanan matalin dadkooda oo dhan islamarkaana aanan fahansanayn raadreebka iyo natiijada ay foolankarto go'aanadooda, Ragaas Somaliyeed oo sheeganayay inay matalaan beelaha Waqooyiga iyo galbeedka somalida ayaa saxiixay inay hoostagaan waynaanta Ibaratooriyadii Engriiska mudda aan la cayimin, Engiriiskuna u balanqaaday inuu ka difaaco awoodaha kale waa sida uu heshiisku qoreyee, lagana dhadhansankaro macnnaha " Protoctrate" oo ah " Gaashaamid". Hasayeshee, waxaa cadaatay heshiiskaas inuu ahaa xeelad lagu doonayay in si xaaraan lugu mahersado madaxbanaanida Somlida waxaana daliil u ah sanadkii 1889 markii boqorkii Shuwaa Minilik uu qabsaday Magalaada Harar, dooxooyinka iyo haraha ku heeraarsan, soona dul dagay dhul balaaran oo ay degaan dadka ku hadla afka Somaliga, hadaba iska daa in Engiriisku uu difaaco oo ah sida waafaqsan xeerarkii heshiiskee waxaa u diiday in Somalidu hub ay isku difaacdo ay lasoo dagto, taasi waxay kaliftay abaanduulihii uu Minilik u Magacaabay aaga Hararge oo loranjiray Rass Makanon( waa ninkii dhalay Xayle salaase) oo asagu gaystay xasuuqyo isdaba joogg ah oo aad u foolxun oo taarikhda geeska Africa aan horey uga dhicin, taana waxaa daliil u ah warbaxino fara badan oo ay qoreen musaafiriin shesheeye ah oo dhulkaa booqday, oo ka mid yihiin kuwa Maraykan ah oo diiwan galiyay, xitaa waxaa xusid mudan in xiligan lagubay qoraalo taarikhi ah oo yiilay masjidkii iyo goobihii barakaysnaa ee Sheekh Cabdirahman Saylici oo ahaa qoraa wax diwaan galiya, kuna noolaa waqooyiga Somalida. Waxaa kaleeto xabashidu gubeen tuulooyin fara badan waxayna soo rogeen doonfur.

Sida ku qoran buuga layiraahdo the patreyal of the Somalis oo uu qoray lous fitzbbon, taarikhdu marka ay ahyd 27 june 1885 nin caan ah oo faransiis ah oo ka bayacmushtara hubka oo laoranjiray Saviyor asagoo matalaya dowlda fransiiska ayaa Itoobiya waxa uu keenay 30,000 00 kartiij 600,0000 00 rasaas ah 3,000 qori garbeed ah ama Muskets iyo 24 madfac. Isla sanadkaas Rashiya waxay Minilik ay siisay 50,000 Refel iyo 50,0000 carabin 5,000 oo refoolferis amba Baastoolda ah, 40 madfac, iyo 5,000 oo warmo casriya ah oo mariidaysan. Sidoo kale 21 janaayo 1886 nin faransiis oo layiraahdo Lebatut ayaa u keenay Minilik hub intii aan soo sheegnay in ka badan, asagoo ku shukaansanaya in Minilik uu gargaaro hadii Somalida ama muslimiinta kale ee ku dhaqan dhulka hoose ay falaagoobaan.

 

 

Haddaba intaa waxaa ka sii daran in gumaystaashu ay soo saareen xeer lamacbaxay "Brussles general act" oo si heer dowladeed ah loogu ogalaaday inay Xabashidu si xorah u soo dhoofsato hub intii ay doonto. Haddaba, intaa wax barbar socday in laga xayiray Somalida inay soo dhoofsadan wax ay isku difaacaan. Waxaa amar lagu siiyay ciidamada ilaaliyayaasha Embaraadooriydda badaha iyo bariga in sharcigaa ay hoowlgaliyaan, sidaa awgeed ayaa waxaa la dajiyaya doonyo fara badan oo hub sida oo laga keenay dhul kala duwan si la isugu difaaco. Waxaa sidoo kale mudan in xiligan xabashidu ay galeen danbiyo ka baxsan baniiadnimada ayagoo isticmaalaya hubkaa faraha badan ay gacanta ku dhigeen (faah faahin arimahan ku saabsan iyo dhacdooyin waxaan ku soo qori doonaa buug aan dhowaan daabici doono)

 

Xiligan Ayay ahayd waqtigii uu bilawday wax iska celintii Somalida, Wax iska celintaa oo uu horkacayay Halyaygii, sheekhii, wadanigii Imaamkii Imaamyada somaliyeed Sayid Maxamed Cabdalla Xassan nur, waxay taarikhdu cadaynaysaa in sayidka halgankiisu uu ku aadanaa gardadaradii xabashida iyo falalkoodii foosha xumaa ay barigaa ku kacayeen, waxaa kaleeto xusid mudan in Sayidku u si sare uga dharagsanaa sheekooyinka ku saabsan falalkii Xabashida, sido kale waxaa buugaagta taarikhda ku cad in gumaystayaashii reer yurub ay si bareer ah ula safteen cadawgii somalida, intaa kaliye kuma hakane ee waxay cadawad ku dhex abuureen beelihii somaliyeed si ay umarahabaabiyaan halkankankii bulshda islamarkaana Gacanka Somalida ay si buuxda u guumaystaan, halgamayaashii somalida oo si sere u fahmay farsamooyinkii cadowga ayaa inka badan 20sano ladagaalamay oo u diiday in si xaaraan ah loogu harsado dhulka somalida, waxaa lo qoray in Engiriiska, Xabashida, Talyaaniga iyo intii lasafatay ay qaxar iyo salfadhi la'aan ay ku dabaalanayeen. Si walba ha ahaatee gabagabadii 1920kii ayaa rasulwazaarihii Ingiriiska amar ku bixiyay in cirka dhulka iyo badda laga weerara xaruntii sayidka ee taleex, inkastoo ay ku guulaysteen inay soo afjaraan halkankii Daraawishta, haddana kuma aysan guulaysan inay ciribtiraan dareenkii wadaninimo ee somalida. Guud ahaan waxaa la orankaraa waxay ahayd maalin madaw oo soo martay taarikhda Somalida, maxaa yeelay waa markii kowaad oo si buuxda cowdowgu uu gacanta ugu dhigo dhulka Somalida, waxyaalihii foosha xumaa ee gumaystuhu barigaa ku kacay waxaa kamid ahaa balanqaadkii xabashida laga balanqaaday deegaano aad u muhiim marka laeego xagga nolosha reer guuraaga Soomaalida, runta ahaantii way yaraayeen dadka fahmayay ujeedooyinka cadawga uu ku doonayay inay ku qaybsadaan dhulka Somalida, tusaale xiligan ayay ahayd markii Ingiriiska u ogaladay in xabashidu ay katiliso deegaano Somaliyeed oo kala ah Diredhabe, aaga keydka Amba( Reserve Area) iyo Ogeden iyo Dooxada Harar iyo jigjiga. Dhulakan oo ku fadhiya Massaxad ama eeriya Juqraafi ahaan la eg 200,000 oo KM oo jibaaran ayay markii ugu

 

 

Horeysay taarikhda xabashidu soo dagtay, waxaa kaleeto oo xiligan laga dhabeeyay heshiisyadii dhexmaray cadowga ee lagu qaybsaday dhulka somalida, arintan waxaa lagu tilmaami karaa guuldaradii ugu waynayd ee ebedkeed soo marta ummadda Somalida maxaa yeelay waa maalinta lago, aansady barta kala qaybinaysa Somalia iyo ummadaha dariska la ah,sidoo kale waa maalintii lo,go'aansaday umuuro farabadan oo ku dabran dadbadan oo Somali ah maanta ku dhaqan geeska africa.

Si walba arintu ha ahaatee halkankii jowhariga haa ee somalida lagu doonayay in lagu soo gabagabeeyo gardarada shisheeyaha gabi ahaanba ma uu san dhiman, balse waji cusub ayuu qataay, wajigan oo ahaa waji siyaasadeed waxaa horumuud u noqday dhalinyaro naftood horeyaal ah oo sameeyay urur loogu magacdaray SYC(Somali youth club)sanadkii 1943 amba naadiga dhalinyarada Somalida oo markii danbe isku badaly SYL ama Jaamacdda dhalinyarada Somliyeed sanadka markii uu ahaa 1947, ururkani waxuu si wayn uga dharagsanaa baahida iyo himilooyinka dadka Somalida, waxaa kaleeto uu si dhamaystiran uu daahfuray ulejeedooyinka guracan ee gumaysiga, Tusaale ahaan ururkani waxuu xarumo kala gadisan ka samaystay dhamman dhulka ay dagto Somalida sida Harar, Jigjiga, Garissa, Jibuuti, Hargaysa, Moqdisho, waxay taa kuu cadaynaysaa halka uu wacyigooda gaarsiisnaa, haddaba kamadanbayntii raggani waxay ku guulaysteen any xureeyan labo gobol oo katirsan shantii gobol ee Somalida ilaahay janadii haka abaalamriyee waxay baal dahab kagaleen taarikhda Ummadda somalida halkankoodi lagu doonayay gobonimo, barwaaqo ay ku naaloodan dadka ku hadla afka somaliga ku hadla amba ku dhaqan gayiga Somalida dagto ee geeska Africa.

Waxay iila muuqatay arin aad u qiimabadan inaan xuso magacyadooda, anigoo uga danleh inaan karaameeyo islamrkaana noo noqdaan tusaale aan ku dayano, gaarahaana anogoo doonaya inaan ku baraarujiyo dhalinyarada Somliada meelwalba oo ay joogaan aduunka in xiligoodii maanta lajoogo lagana doonayo inay gunta giisha isaga dhigaan oo ay ummadooda u adeegaan kana soo baxaan xeryhaha cadowgu uu u maleegay ( Xeryahu waa kuwa qabyaaladda iyo kuwa kale oo daahsoon). Haddaba magacyadoodii waa sidatan:

1 Cqaadir sakhawadiin (Madaxwayne)

2 Maxamed Nur xirsi

3 Yassin Cusman cali (Xoghaye)

4 Max’med Xusen Xamud (Xoghayaha Maliyyadda)

5 Cusman Gedi Rage

6 Maxamed Cali nuur

7 Diiriye Xaji Diiriye

8 Max’med Farax Hilowle (Farnajo)

9 Cali Xussen Max’med

10 Khalif hudde

11 Max’med Cusman Barbe

12 Max’med clahi Xayaysi

13 Dahir cusman Cali

 

Haddba saaxiibow guulihii ay ragaa ay gaareen waxaa sida caadada ahayd ba waxaa hagardaamiyay cadowgii markii horeba gantaalaha kula dagaalamay, cadawgaas oo taarikhdu markhaati ka tahay inuu marnaba uusan raali ka noqon in somalida xuquuqdooda ay dib u soo dhacsato.

 

Sidoo kale waxaaa la ogsoonyahay 1954 in Ingiriisku inuu si bareer ah uu xabashida ugu wareejiyay Galbeedka somalia ayadoo uu indhaha ka laabtay diidmadii qayaxnayd ee kasoo yeeraysay dadyowgii ku dhaqanaa dhulkaa, waxaa mudan in laxuso raggii ugu hereeyay ee diiday gardardaas qaawan oo marka galbeedka somalia la fiiriyo ay ugu waawaynaayeen Assaaasayashii ururka nasrulahi oo kashidaalqadanayay wadaadkii halgamaaga ahaa xaji yassiin xandulleh. Ururkani waxuu ahaa kii ugu hereeyay xiligaas oo aan si gabasho lahyn uga hortagay gardaradii cadowga. Waxaana sidoo kale la iloobi Karin dowrkii firfirconaa ay ciyareen ragii kala ahaa

1 Dr ibrahim xashi

2 Maxamed Diireye Urdox

3 Abdinasir sheikh Adam

4 Maqtal garad dahir

5 Max’med max’mud farax Malinguur

6 yusuf Ahmed Gas

 

Sidoo kale waxaa Ingiriisku sanadkii 1963dii dhagaha ka furaystay qayladii dadka Somalida ahaa ee ku dhaqnaa konfor galbeed Somalia amba dhulka loo bixiyay NFD (Nothern District Frentier) dadkaas oo si xaqdara ah loo raaciyay dalka Kenya ayaga oo ka biyo diidsan arintaa ay bilabeen halkan hubaysan oo oo lagu diidayo tixgalin la, aanta bulshada, kacdoonkan xaqudirirka ah oo uu horkacayeen jabhdda xoreybta Somalida kenya ragii ugu waawaynaa waxay aheeyeen sidatan.

 

Deqow Malim Istanbuul (Madaxwaynaha Jabhadda)

Godane waaqow waariyow (madaxwayne ku xigeen)

Haji cabdul qadir sheikh xussen (Madaxwayne ku xigeen 2abaad)

Waqow haybe taarow (Lataliyaha xagga siyaasdda)

Axmed sheikh max’mud badawi (Xoghayaha arimaha dibdda)

Gaduud garaad Calasow (xoghayhaha Diffaca)

Dahir Max’med ibraahim (xoghayaha tacliinta)

Sayid Ahmed xaji cabdi (warfaafinta iyo hanuuninta)

Iyo xayn kale oo fara badan oo aanan soo koobi Karin halkan, ilaahay janadii haka abaalmariyo.

 

Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ee ka jiray dhulka somalida waxay lahaayeen dhumuc wayn, uu gumatstuhuu lama kaagay, halgan gobonimodoon ah ayaa ka jiray dhulka ay Somalidu iyo cafartu ay dagaan ee gacanka Tojora, raggan oo ku jiray halgan la mid ah kan walaalahood oo si sare u kifaaxay, waxay si cad u yiraahdeen maya ulojeedooyinkii faransiiska, ragii ugu waawaynaa ee arintan ka dhiidhiya, mudana sharaf iyo haydba waxay kala ahaayeen sidatan,

Xassan Guuleed abtidoon

Guraa Xamaduu

Adam Roble Cawaale Hoghayaha guu ee ururka gobonimodoonka

Cabdulahi wabiri Xoghayaha maliyadda iyo ummurha fanka

Xassan Roble Cadaawe Xoghayaha difaaca

Cabdi xassan Liibaan

Max’mud xarbi

Iyo rag farabadan oo aanan soo koobikarin ilaahay janadii haka waraabiyee

 

 

Guuldardaas soo gaartay dadkaas Somalida ah waxay na noqotay mid aan sinaba loo aqbali karin taas oo kaliftay dawladahii Somalida naf iyo maalba inay galiyaan sidii loo xoreyn lahaa ummudha dulman islamarkaana loo sugi lahaa amaanka Jamhuuriyadda, maxaa yeelay nabadgalyo kama dhicikarto jamhuuriyadda xorta ah inta xabashidu ay awood u leedahay inay kala go, aynkarto waqooyiga iyo koonfurta dalka, islamrkaana ay si fudud u gaari karto magaalooyinka waawayn ee dalka, sidaa awgeed halgankii ugu waynaa ee lagalay xabashidu waxaa uu ahaa kii 77dii oo loogu doonayay in dib oo loo qabsado dhulkaa Somaliyeed oo sida gardarada ah xabashidu ku haysatay, haddaba isku daygaasu waxa uu noqday mid lagu hongoobay, waxaana kalifaay in labadii awoodood oo barigaa jiray ay la saftaan xabshida ayagoo ugu deeqay ciidan lugta ah oo gaaraya ilaa 20,000 oo Kuubaan ah 3000 oo saraakiil Ruush ah, Waxaa arintan si buuxda wax uga qoray John Markakis boogiisa (National and Class conflict in the horn of Africa) Amba dagaalka dabaqadaha iyo Qaranka Geeska Africa oo ku sheegay bogga 231,sida ciidanka Kuubaanka iyo Ruushka ay isaga kaashadeen burburintii Ciidamadii Somalida. Sidoo kale qoraagan reer galbeedka ah waxaa uu si cad uu sheegay Maraykanku uu diiday in uu lasafto Somalida asagoo oo daliil ka dhigtay in xabashidu ay tahay saxiib maguuraan ah qiimana ay sansamaynin dowladda markaa ka jirta.

Waxaa kaleeto Xusid Mudan wax iska caabintii halgamayashii Biimaalka oo si geesinimo ku jirto gaashanka ugu daruuray Faashistayaashii Talyaaniga, ee horka cayay Sheik Max'med Mumin.

Sidoo kale waxaan la iloobi Karin wax iska caabintii Galidiga iyo tii Beelaha Hawiyaha ee Banaadir iyo agagaarkiisa. Arintan faahfaahinteeda gadaal baan ka soo sheegi doonaa. Haddaba Guuldaradii Somalida halka ka soo gaartay weeye sida ay aniga ilatahay inay aabo iyo hooyo u tahay dhibaatada maanta ka jirta Somalia, Waayo haddad u kuurgasho Ururada maanta ka jira Somalia waxaa kuu soo baxaysa in badankood laga soo assaasay Itoobiya, sidoo kale waxay ka midaysanyihiin labo arimood oo aan anigu u arko inay yihiin arimo si xirfadleh loo soo agaasimay looguna talagalay in si buuxda loogu wiiqo midnimada Somalida, tan koowad

1- Dhamman jabhadihii ladiriray Nidaamkii siyaad Barre malahayn nidaam habaysan oo isku xira ciidamadooda, taliyayashooda iyo hogaankooda dhexe,

2- sidoo kale malahayn ulajeedooyin wadaniyadeed oo lagu doonayay in lagu saxo khaldaadkii jiray,

Labadaas qodob waxay si wayn noogu cadaynayaan in ururadaasi si toos ah amba si dadban ay ugu adeegayeen ahdaaftii foosha xumayd ee shisheeyaha, sidoo kale waxa aan amaan mudnayn nidaamkii barigaa jiray oo ku guuldaraystay in umuuraha Qaranka uu taladoodu dadka wax garadka ah kala tashado, iyo inuu tanasulaad u sameeyo dadka, oo uu mar walba tixgaliyo rabitaanka Bulshada. Arimahaan oo dhan ayaa u qaaramay jabkii ka dhacay Somalia, waxaa kaloo arintan lagu tilmaami karaa jabkii ugu wanyaa ee Somalida soo gaaray xuriyadii ka dib.

Guud ahaan labadii qarni ee lasoo dhaafay waxaa dhacay isbadalo waawayn oo inta badan ka dhan ahaa Tolwaynaha afka Soomaaliga ku hadla, haddana waxaa lo orankaraa dowr aad u qiimo badan ayay Somalidu taarikhda ka galeen, maxaa yeelay durufihii kala gadisnaa oo ay soo mareen marnaba ma aysan u hogaansamin xeerarkii iyo rabitaankii cadawga, inkastoo lagu hungoobay riyooyinkii iyo himilooyinkii qaranka, haddana wali baabka rajadu waa furan yahay, haddaba waxaan jeclahay inaan halkan ku baraarujiyo waxgaradka iyo dhalinyarada Somaliyeed halista uu ku jiro Isirka somaliga ah iyo dhulkiisaba iyo marxalada uu marayo halgankii soo jireenka ahaa oo dhalinyaradu ay laf dhabarka u ahayd. Sidaa awgeed waxaan leeyahay waqtigii dhamaa nin walbow aday ku jirtaa sidii aad ugu qaaraami lahayd dalkaaga, dadkaaga maanta gorgortanka ku jira iyo dhulkaaga qashinqubka iyo goobaha lagu tartamo noqday, taarikhda ayaa macalin ah ayada ayaana ku diiwaan galinaysa, gaarahaana dhalinyaradiina haysata fursadaha qaaliga ee ku nool Dunida Galbeedka. Waxaan ku soo gabagabaynayaa ayaayadii uu ilaahay ku soo gabagabeeyay suuratulbaqara oo macnaheedu yahay ilahow nooga gargaar qolada gaalada ah.

 

 

FG Qoraagu waxuu dhexdhexaad ka yahay muranka beelaha Somalida inta awoodiisa ah, waxaana uu u arkaa in colaadaha jira asal ahaan la xalinkaro hadii ay jirto daacadnimo, madaxbanaani, iyo xilkasnimo.

Waxaan u arkaa ragga maanta isku sheega "madaxda Beelaha hubaysan" in la tuhmi karo dhaqdhaaqyadooda siyaasadeed, laakiin aan meesha laga saarikarin awoodooda sidaa awgeed waxay jirtaa wax garadka somalida iyo bulshawayntu inay go’aansato sidii laga yeeli lahaa, islamarkaana loo ikhtiraaci lahaa qaabab cilmi ku salaysan sidii loo la heshiinlahaa si uusan dhiig danbe u daadan , islamarkaana loo niyad jabinlhaa cadowga shisheeyah, waxaan ku dardaarmaya in aan laga farxin hadii ay ahaanlahayd dowladda kumeelgaarka ah amba kuwa ka soo horeeda, waa in DKG ay howlgashaa sidii ay u xalinlahayd amaanka Moqdisho iyo arimaha Jubada hoose, gaar ahaan in si dag dag ah jubada hoose in si cilmi iyo dulqaad kuu jiro ay xaliso kana shaqayso sidii loo baabin laha ismaandhaafka siyaasaded, waan ogahay waa arin aad u dhibadan laakiin waa in loohowlglaa.

Sidoo kale arimaha Shabeelooyinka loola mucaamalooda si ay ku jiro xirfad, aqoon iyo cadaalad.

Qoraagu waxaa uu ku hawlanyahay qoraalo talo jeedin ah oo ka qaawan danaysiga xaaraanta ah, una adeegaya danta guud ee ummadaha ku hadla afka Somaliga, qoraaladaas oo ku wajahan qaabka loo furdaaminkaro umuuraha murgan ee Soomaalia, qoraagu kama uusan quusan in isbadel siyaasadeed uu dhaco, balse wuxuu aaminsanyahay ummuraha noocaan ah inay jiitamaan, loona baahanyhay bisayl xagga maskaxda ah si loola tacaalo.

Posts: 4 | From: Minneapolis Minisota | Registered: Feb 2003 | IP: Logged

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zaylici   

Marka aad fiirisid taariikhda Halgankii Soomaalida waxaa kuu soobaxaysa dadkii horkacayay halkankaa( Gobonimadoonkii) inay ahaayeen dhalinyaro aaanan dhamaysan tacliinta dugsiga sare iskadaa tan Jaamaacadeed. Taariikhda waxay markhaati ka tahay in halgankoodi 13 sano kadib oo ku abaaran 1960 uu mira dhalay, mirahaas ay noqdeen xorayntii gumaysiga laga xoreeyay dhulka Soomaalida iyo isku keenidii qaybo ka mid ah dhulkii Soomaalida ee markaas gumaysiga ku jiray.. Sidaa awgeed waxay noola muuqataa in anogoo joogna Minisoota in aan wax badali karno. Anagoo ku shaqaynayna dareenkan waxay nala tahay in aan samaynkarno arimahan soo socda.

1- In daraasado qoto dheer lagu sameeyo dhamaan nolasha Soomaaliga iyo waxyaalah la xiriira. Tusaale.

a- Sida ay waxbarashada tahay Soomaalida dhigata dugsiyada Hoose/dhexe iyo saraba ee Gobalkan Minisoota iyo in labaadi goobo sida aansi wayn wax uga badali lahayn waxyaabah hortaagan hormarka ardayda. Si loo helo arday fara badan oo soo aada Jaamacadaha iyo Kuliyadaha. Tan oo wax ka badalaysa nolasha Soomaalida qurbaha oo suurta galinkarta in aanan la mid noqono dhanka Nolasha Sida Yuhuudda, Hindida iyo Qawmiyadaha ee kale ee hormaray. Iyo waxay kaleeto tan saamayn ku yeelaynaysaa Soomaaliya maxaa yeelay waxaa soo baxay dadyaw fara badan oo xirfad leh.

b- Iyo in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo si cilmi ku jiro kana maran eex waxyaabaha hortaagan in shirarka Soomaalida in ay mira dhalaan. Islamarkaana waa in aan daabacnaa waxyaabaha aan u aragno in ay yihiin caqabad guul ka gaarista shirarka Soomaalida .

c- In aanan laga aamusin falalka baniiaadnimada ka baxsan ee lagula kaco dadka rayidka ah ee aanan hubaysnayn. Xusuuso Nabageena Naxariis dushiisa ha ahaatee waxaa uu na faray in falalka xun xun in gacan lagu joojiyo haddii laakiin aadan awoodi karin aad ka hadashid ama niyadda aad ka nacdid. Waxay noola muuqataa in aan maanta awood u leenahay in aan ka hadalno falalka bahalnimada ah ee lagu haayo shacabka Soomaaliyeed meelwalba ha joogaane. Si haddaba hadalkeenu uu saamayn ugu yeesho gudaha dhulka Soomaalida degto iyo dabadiisaba waa lama huraan in aan dhalno fikrado inoo sahli kara in codkeena noqdo mid saamayn leh oo waxka ka badala haba yaraadeene xaaladda murugsan ee ka taagan dhulka Soomaalida.

2- Dhamaan qoraalada la samayn doono waa laga doodi doonaa, oo la falanqayndoonaa inta aanan la daabicin laakiin waa lama huraan ka qaygalaha gudigan in laga helo arimahan soo socda

a- waa in uu rabaa inuu ka qaybqaato arintan islmarkaana uu galinayo waqti.

b- Si aan u hibino in aan diiwaan iyo wax qoran uga tagno jiilalka soo socda ee imaan doona Jaamacadda qof walba markii uu ka soo qaybgalayo shirarka gudigan waxaa lam huraan ah in uu keeno wax qoran si loo kaydiyo islamarkaana xilliga aan wada joogno inuu noqdo xilli aan aqoon kala kororsano. Qoraalku waa faaiido badanyahay oo waxaa uu ka hortagayaa in shirka uu noqdo meelaha shaaho lagu cabo ee kale.

Faaiidooyinka iyo lama huraanimada Qoraalka

Ugi dambayntii haddii aad jeceshay in si cilmi ku salysan loo wareero dhibka Soomaalida meel walba ha joogee tan waa fursadaadii ka soo qaybgal lama imow fikradao iyo araa wax tara.

Qore Samatalis Husseen Xayle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this