Sign in to follow this  
Deeq A.

Taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ‘oo diiday inay u hogaansamaan’ baaqiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Machadka cilmi baarista siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa markii u horeysay si weyn ugu dhaliilay taageerayaasha madaxweynihii hore inay dagaal ku bilaaban dowladda cusub ee madaxweyne Xasan.

Waxa uu sheegay in taageerayaasha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan u hogaansamin baaqiisi, taasi badalkeedna ay doorteen inay qaadan dacaayado iyo weeraro ka dhan ah dowladda cusub.

“Markii isbaddal doonku ay dalka la wareegeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay jeexeen waddo odaynimo oo ah horay halloo socdo, Ra’iisul wasaaruhuna waddadii ayuu raacay sida booqashadiiss laga arkayo. Tallaabooyinkaasina waa kuwo dowladnimada u fiican,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

“Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku socda weerar iyo been abuur oo ay wadaan kooxo NN ah oo taageera Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxay ahayd in ay baaqa hoggaamiyahooda (madaxweynihii hore) ay maqlaan ee dowladdaan 2-da bilood aan gaarin ay qunjuraafka ka daayaan.”

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Kooxahaas baal marsan baaqa madaxweynayaasha ee doonaya inay curdanka ku naafeeyaan dowladnimada loo soo halgamey, waa in la xasuusiyo in hoggaanka laga fara-maroojiyey rag awood iyo xoolo haystey aysanna #RATS (remnants of authoritarian & terminated system) hor istaagi kari.”

“Waxay ahayd inay kala dhuuntaan waayo iyaga fashilay guri muraayad ahna ku jira. Kuwa wada dagaalka beenta ku salaysan waxay keenaysaa in sidii gabyaagii Carbeed ee Jariir lagu yiraahdo فَغُضَّ الطَرفَ إِنَّكَ مِن نُمَيرٍ.”

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa ayada oo markii doorashada lagaga guuleystay Farmaajo iyo intii ka dambeysay uu dhowr jeer ku baaqay in lala shaqeeyo dowladda cusub, islamarkaana fursad la siiyo, taasi oo ka hor-imaneysa tallaabada ay qaadeen taageerayaashiisu.

The post Taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ‘oo diiday inay u hogaansamaan’ baaqiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this