Sign in to follow this  
Deeq A.

Goddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka oo Gaartay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiye ku-xigeenka 1-Aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Marwo Sadia Yaasin Samatar ayaa Maanta gaartay Magaalada Garoowe ee xarunta  Dawlad Gobaleedka Puntland.
Waxaa Garoonka Magalada Garoowe ku Soo Dhaweyey Qaybaha kala duwan ee Maamulka gobalka Nugaal, wasiir Ku Xigeenka Gargaarka Puntland,Xildhibaano Ka Tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Iyo Masuliyiin Kale.
Gudomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha shacabka Marwo Sadia Yaasin Samatar ayaa Deeq Gargaara Gaarsiisay Maamul gobaleedka Puntland si Abaarta Daran Ee Gobolladda Puntalnd Ka Jirta Gurmad Loogu Fidiyo.
Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Shacabka BJFS ayaa Sheegtay Inaysan ahayn Deeqdii Ugu Danbeysay aysan Ahayn Balse Si Dadka Liita Loogu Gurmado Ay Deeqdan U Soo Hormariyeen Shacabka Puntland.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this