Sign in to follow this  
Kamaavi

Miyeynaan duulli Karin

Recommended Posts

Kamaavi   

Jiiftadani waxay ku wajahan tahay dadka aan halganka sida toos ka ah ugu jirin sabab kastaa ha kaliftee, gaar ahaan dadka aan itoobiya si dhab ah ula coloobin ee ama niyada ka jecel ama aaminsan in lala noolaan karo iyo kuwa dantooda gaarka ah is kaga foofay ee sugaya in dalka la xoreeyo isaga oon wax dhib ahi ka soo gaadhin. Mida kale waxay ku wajahan tahay kuwa aaminsan inaan itoobiya lala dagaalami karin oo ama ay inaga badan tahay ama inaga xoog badan tahay. Waxaanse qolodan ugu dambeysaa xusuusnayn in xabaddu qofkasta disho.

 

Dadkaygow dood yaroo

Maankayga ka daahdayoo

Dubaaqaygu goconayoo

Haddii aan soo dalaco

 

Miyeynaan duulli Karin?

Miyeynaan dagaali karin?

Woyaanaha dooxi Karin?

Qoryahan daran doorigee

Docdeena ku tiirsan iyo

Dabkeenu miyaanu dhicin?

Miyeynaan dareen lahayn?

Duligan ka xoroobi Karin?

Dulmigan laynagu hayiyo

Xaqeenan la duudsiyiyo

Dhiigeenan la daadiyey

Miyeynaan ka doodi Karin?

 

 

Hadeynaan diyaaradiyo

Gantaalaha duula iyo

Dabaabadda heli karayn

Sabanka wax dalooliyiyo

Gamuunka wax daadiya

Miyeynaan doonan Karin?

 

 

Inaan gaalo doorbidnoo

waxay danbi laga galeen

Indhaha ka d'aboolaniyo

Maxaa duliga ina baday?

 

Adduunyadan durugtayee

Daruuraha dhaaftayee

Dayaxa ku cashaynaysa

Halkii laga digo rogtiyo

Inaan docda yuururaa

Daciifnimo sow maha?

 

Dabuub hore baa ahayd

Doofaarbaa ficil la’aan

Cadaab daran loo gashaa

 

 

Iney shalay damac dabaan

Maantana doxaan guhaad

Doraatana ay xuseen

Dariiqa intey dhigeen

Ma duugi kartaan dheheen

Barina ay doonayaan

 

duqeena iney dilaan

Inana aan dagalka iyo

Dacayda laalaadinaa

Damiir xumo sow maha?

 

War duulooyin maxaydin heley?

Siddii adhi roob ku da’ay

Maxaad dagalka u rogteen?

Doqoni qiiq kama kacdee

Daankay meermeerisaa

Dugeedi miyaad tihiin?

 

Xanuunka markuu danqaday

Dameerkii haamihiyo

Rarkuu waday daadiyee

Intuu ooda sii dardaray

Dursuriyee hawdka xuley

Miyaan ka damiir xunahay?

 

 

Hadii aan taa dabroo

Anoon sheekada dulmarin

Murtida dildilaaciyoo

Doc kale maansada ka furo

 

 

Hablihii dahabka u ekaa

Dayuusku markuu watee

Dirqiga ku kaxaysto ee

Duleedkiina lagu kufsado

Dunjigu sow kama naxdaan?

 

 

 

Duqeydan habsowdayee

Gaajada la dayowdeyee

Daryeel li’ida u dhamaan

Kuwaa dhabarka u duwee

dhagaha ka d'abooshayow

Qalbigu sow idinma dido?

 

 

 

Marwadan doorsoontayee

Digsiga u ekeetey ee

Diiftiyo baahida qabtee

Dhadhaab dawarsiga u timid

Kuwii ay dihatayee

Danbeedkeeda dhaadhyayow

Markaad dhab u daawataan

Ma doorsoontaan miyaa?

 

 

Hadii aan taa dabroo

Anoon sheekada dulmarin

Murtida dildilaaciyoo

Doc kale maansada ka furo

 

 

Inaan dibaddaha tagniyo

Dagaaga maxayna baray?

Degaankii aan lahayn

Dalkeenii wanaagsanaa

Kumaa kaga miyid dalxiis?

Miyaan danab ciil qaboo

Xumaanta ka diiro oo

Dadkiisa u hiiliyoo

Ducaysani inaga dhalan?

 

 

Ableyda ninkii ku daray

Ninkii doobada ku jaray

 

mindida daabka kuugu dhiggay

Inaad darib iyo lag iyo

Baruur ku durduurisaa

Dabaalimo sow maha?

 

 

Dambiba isagoo an galin

Ninkii abahaa daldalay

Inaad docda ugu jirtoo

Daafiga la walaaqataa

Miyey dow noqon kartaa?

 

 

Dadkaygow duunyo yari

Miyaan deeq uga hadhnaa?

Miyaanse dhahnaa dad yari

Dagaal waajib nooma aha?

 

Haddii aan taa dabroo

Doc kale maansada ka furo

Dabuub hore sow ma odhan

Dufulo jeex jeexan iyo

Dirayskoo kaa madhiyo

Aradku waa dow jiriyo

Dan aan laga boodi Karin

Usgagse waa dacati iyo

Dadnimo xumo aad u ba’an.

 

 

Hadalka dulucdiisa iyo

Doorbiinku halkuu hayee

Ujeedadu daaran tahay

Diricna waa garanayaa

Doqonna waa yeel kaddii

 

 

Midkaa dabaqoodhigee

Balaayaddu duufsatee

Gumeysigu soo dirsadey

Miyeynaan dabiibi karin?

Duruus loo dhigi karey?

Digriga loo badin karey?

Miyaan dabacsani dhabiyo

Dulqaad loo muujin karin?

 

 

Haddii aan taa dabroo

Doc kale maansada ka furo

Diin kaliyaan wada qabnaa

Dalkeenuna waa mid qudha

Dunbaa laga wada farcamay

waxa ina dhalay duq qudha

 

Dankaliyaan wada rabnaa

Doon baan wada saaranahay

Dabaylo laxaad leh iyo

Dufaan baa lagu socdaa

Dowgana cadow baa ku jira

 

 

Hadaan isku duubnidiyo

Dadkeenoo wada jiriyo

Dugaashiga aan la badin

Xoogeena laysku darin

Darbaalka hadaan la xidhin

Halkuu ka daroorimoyo

Dilaaca hadaan la tolin

Dakhalku inuu inala jabi

Saxiimadu inala degi

Dabeed xuudku ina daldalan

Amase siddii duulashii

Illaahay dooriyee

Daanyeerada uu ka dhigay

Dirkeenu inuu rogmani

Dabkeenuna uu bakhtiyi

Daliilkeeda iigu imo.

 

Ali yare

 

Dammam, Saudi Arabia.

 

Alyare2002@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this