Sign in to follow this  
Dabxire

Somali Lyrics...well...My favorites

Recommended Posts

Dabxire   

~~Qalanjo~~ By Samatar

Qoraxdoo aroortii

Qaybisay falaadhaa aa

Ama qaanso roobaad

Daruur midab ku qarisay

 

Qaymaheedii leeyeey

Qof mid lama amaanoo

Qalad looma heesee

Qurayshtii haweenkaay

 

Naftaad qancisaybaa

Kuu qushuucdayoo

Wanaag kuu qiraysee

 

Qabrigaa hortii qaradee

Bariin aad u qaboobiyo

Qaadirkay ha ku geeyo

 

Qofaalada jacaylkoo

U qabiray naftaydaa

Ilamaad qalaynino

Waad ila qorshaysee

 

Iga saartay qoolkii

Qamandacada dushaydiyo

Qamuunyadii i saarnayd

Ilamaad qaxootiyin

 

Naftaad qancisaybaa

Kuu qushuucdayoo

Wanaag kuu qiraysee

 

Qabrigaa hortii qaradee

Bariin aad u qaboobiyo

Qaadirkay ha ku geeyo

 

Haddaan qiro runtaydoo

bowbaa Laabtayda qaadee

Naftaad qancisaybaa

Kuu qushuucdayoo

Wanaag kuu qiraysee

 

Qabrigaa hortii qaradee

Bariin aad u qaboobiyo

Qaadirkay ha ku geeyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

My favourite lines are from Xalima Khaliif Magool(A.N.), from her song "Allahayow Dad Ma' Aqaan". She says

 

I am like the early afternoon

that has darkened;

I am someone who is tired

and taken away by love

I am someone who has been killed

then covered by love;

Oo God, I know no country;

Oo God, I know no people;

I am like a stick carried away by the flood waters;

Oo God, don't let me fall and hang from unpleasant holes;

 

waxaan ahay duhurkii

gabal damow yahay oo

waxaan ahay mid daaloo

duufsaday jaceylku yee

waxaan ahay mid uu dilay

uu daday jacaylku yee

allahayow dal ma' aqaan

allahayow dad ma' aqaan

qori daad wadaan ahayee

dawya hayga raaridin

 

I am someone who has suffered

the ocean's fury in a boat alone

I am someone, who is tired

with no strength even to walk;

I am someone who has been killed

then covered by love;

Oo God, I know no country;

Oo God, I know no people;

I am like a stick carried away by the flood waters;

Oo God, don't let me fall and hang from unpleasant holes;

 

 

waxaan ahay mid dooni

badwayn ku la dakaantoo

waxaan ahay mid daashoo

dirgan weydey socodku yee

waxaan ahay mid uu dilay

uu daday jacaylku yee

allahayow dal ma' aqaan

allahayow dad ma' aqaan

qori daad wadaan ahayee

dawya hayga raaridin

Share this post


Link to post
Share on other sites

I love the lyrics of this song....

 

, Salaad Darbi

 

Ima ogide waxan ahay

Axdi kuma ciyaaro

Ima ogide waxan ahay

Ilaahay usamiroo

 

Waxan uur habreed galey

Awliyo tilmaaniyo

Afagaale iyo dirir

Agnamaarku wacanyahey

 

Ifkana waxaan usoo baxay

Aroor samadu furantoo

Imaankiyo kalgacalkuna

Iskuna keen Amaaneen

 

Sida ayro geelbaan

Kuu olalayaayo

Sida Ubad aan dhalaybaan

Kugu uur fayooboo

Sida olol la shidaybaan

Il dheer kaa arkaayo

Sida ubax labeerey

Indhu kugu farxaano

Sida Aayad diinaan

Afka kugu hayaaye

Adiguna aqoonsoo

ili dhehoo

docdaada ogoow

 

 

Ima ogide waxan ahay

In xun lama tusaanoo

Ima ogide waxan ahay

Samaa ruux loo uumoo

 

Waxan uur habreed galey

Afar iyo tobnaadiyo

Urur dayax la xero galey

Afku rooble iyo nabad

 

Aduunyada waxaan imi

Maalintii Islaamkoo

Lagu Iidey Xaramkoo

Ibliisku Uu xidh xidhanyey

 

Sida sheekh asluub laan

Kuu Amaanayaayoo

Sida uduga doogaan

Kuu iimaansadaayo

Sida oogadaydaan

kuu ilaaliyaayoo

Sidii nabi Ayuubaan

Adi kuu samraayoo

Sidii Abaa Hurayraan

Kuu Aaaminayaayoo

Adiga iyo Naftaydaan

Ifka ugu Jeclaayee

Adigu aqoonsoo

Ili dhehoo

Docdaada ogoow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deeqo Axmed

 

Sidaad ii ogeyd baan

Adiga mooyee ragba ilaaway

Sidaad ii ogeyd baan

Ubax la moodyoow kuu amaanaa

Sidaad ii ogeyd baan

Axdigeenii u adkeeyaa

....

 

Sidaad ii ogeyd buu

Afku hadalkii iiga xadayaa

Sidaad ii ogeyd baan

Ereyadaadii ugu heesaa

Sidaad ii ogeyd baan

Adiga awgaa aan u ooyaa

....

 

Sidaad ii ogeyd baan

Alla ku aawey kuu iraahdaa

Sidaad ogeyd baan

Oon aan kuu qabo

Kuu ildaranahay

Sidaad ii ogeyd baan

Aragtidaadii ku istareexaa [XaaaaaX. :D ]

....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

Heestii Calanka Somaliweyn

 

Qolabaa Calankeedu Duul waa ceynoo,

Anagaa keenu waa cirkoo kala,

Aan caadna laheyn een caashaqayee.

Xiddig yahay cadi waad na ciidamisee,

Carradaan kaligaa aad u curatee,

Cadceedda sideeda caan noqo ee..... Aamiin

 

Erayadan waxaa tiriyay isla markaana ku luqeyn jiray Allaha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Qarshe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

Qurux Badanidaayeey (*_*)

 

Qurux badanidaayee

Qiimo weeynidaayee

Qalbiguna ku jecelaa

 

Qawlkaadu waa dahab

Aan la quurikarinee

Ala qaalisanidaa

 

Kaa doortay Qayrkaa

Laabteeydaan kugu qoray

Ila qaybso noloshoo

Kalgaceeylka ila qaad

* * * *

Ala qumanidaayee

Qaayo weeynidaayee

Ma qof kula midaa jira

 

Niyadeeyda qaadoo

Qancisay nafteeydee

ma qof kula midaa jira

 

Kaa doortay Qayrkaa

Laabteeydaan kugu qoray

Ila qaybso noloshoo

Kalgaceeylka ila qabo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

**Dhoof**

 

Jacaylkan I dhaawacey

Jaceylkan idhalan rogey

Jacaylkan idhaansadey

 

Jaceylkii dhabta ahaa

Soo dhawaatey halistii

Markaad iga dhaqaaqdee

 

Bal inaan ku dhiirado

Dhexdaan xidhanayaa

Malmal baan dhiteeysanee

 

Dhoof nooli kulantee

Ha dhalantaalin caashaqa

Dhakso iigu soo noqo.

* * * * *

Dhaqaaq toobiyaha qaad

Dhulku taago taago

Dharaartuna dalaalimo

 

Malaa igao ku dhawroo

Wax ku dhiba ilaahey

Kuuma soo dhaweeyee

 

Gaadiidkana mid aan dhicin

Dheeliyeen usii raac

Dhakhso meel walba u taga

 

Dhoof nooli kulantee

Ha dhantaalin caashaqa

Dhakhso iigusoo noqo.

By The Legend Kuluc

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

**Tiriig**

 

(2)sida Tuunyo iyo hawd

Todobkii ku hooroo

Gugii uu ku taagsadey

 

(2)Tigaada isku fila iyo

Maadhuba tis qaadeen

ayaan kugu taamaa

 

(2)tii kali aheeydee

qurux lagu tilmaamaay

 

(2)igu taran kalgacaloo

ka talaabsan waayoo

tahli waayey socodkee

 

(2)Waanse kaaga tudhi laa

Hadii uu ku taabee

(2)iga tiiri caashaqa

aawadaa tasoobee

 

(2)Tiriig baxay la moodyeey

xubna toosanaantiyooo

xaragadaad la tiicdaa

 

(2)tashi igu abuurtoo

talaaboo daradaaaa

ku caweeyey taahee

 

tusaaladi jannada iyo

tusmadii amaantaay

 

(2)tabaalada daraadaa

tiiraanyo ooyoo

tagayoo ma joogee

 

(2)waanse kaaga tudhi laa

hadii uu ku taabee

 

iga tiiri caashaqa

aawada tasoobee

By Hassan Adan Samatar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Walee Xalay***

 

walee xalay xogtaan helay

xam xamta iyo sheekada

waxaan xiiso kuu qabay

 

ku xaraamay jiifkii

xajin waayey gogoshii

markaan soo xasuustaba

sidaad ii xumaysee

 

xaakim waa ilaahay

xagiisaan xigsanayaa

adna goysay xadhigii

ileen dumar xis malahee

* * * * *

ilaa xaawo idinkaa

xaasid noo ahaayo

noo bixiyey xagashee

 

xaqa lama afduubee

xagaad u xaglanaysee

aad u xeebanaysaa

armuu kugu xumaadaa

 

xaakin waa ilaahay

xagiisaan xigsanayaa

adna goysay xadhigii

ileen dumar xis malahee

By Shey Mire Dacar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

****Wax Dhintaad Ka samirtaa***

 

(2)wax dhintaad ka samirtaa

rajo waa la dhawraa

 

(2)wixii dhumeyna doon doon

ayaad is dhiiri galisaa

 

(2)dhaban ceel tegeyn baan

geel ku dheel miyaayoo

dhalan dhool haraad baan

naf kadhiganayaaye

 

(2)dhici weydey sidaan rabay

dhaawaciiba dilaacyo

waa dhababoobey jacaylkaan

dheel dheelsenaayee

*** ***

(2)dhagax dhuunta kama dego

dhaayahaad ku aragtaa

 

(2)dhulka meesha dooga leh

carabku maa dhadhamashee

 

ana dhabanahaysiyo

dhibtu wey igu badantoo

dhidid iyo kuleel baa

dhabanada ka da'ayee

 

dhici weydey sidaan rabay

dhaawaciina dilaacyo

waa dhababoobey jacaylkaan

dheel dheelsenaayee.

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Xabiibi***

Xurmo iyo Sharaf

Xilkas iyo Aqoon

Xishood iyo midii

Xayada u Dhalataay

 

Anoon Xoolo hayn

Xubi taan wadaagnee

Caydh ila Xarootee

Xaaskeygii Noqotaay

 

Sidii baan Xabiibi

Weli kuu Xaq dhawraa

Sidii baan Xabiibi

Xumaan kaa ilaashaa

Sidii baad Xabiibi

Xile iigu tahayoo

Wali kuu Xushmeeyaa

*** *** ***

Xuural cayntii

Xiisaha kalgacal

iyadoon Xumayn

Tii ila Xambaartaay

 

Xulashadii Haweenkaay

Xaqiiqdii waxaad tahay

Xog~Ogaalka Noloshiyo

Xaragadii Nafteydee

 

Sidii baan Xabiibi

Weli kuu Xaq dhawraa

Sidii baan Xabiibi

Xumaan kaa ilaashaa

Sidii baad Xabiibi

Xile iigu tahayoo

Wali kuu Xushmeeyaa

*** *** ***

Xidigyahay adaa

Xarago iyo Qurux

Xasil iyo wanaag

Xaakim kuugu Deeqoo

 

Xaraga jidhkaagiyo

Xubnahaaga Yaab kaleh

Markaan soo Xasuustaan

Nafta xiiso galisaa

 

sidii baan Xabiibi

weli kuu xaq Dhawraa

sidii baan Xabiibi

xumaan kaa ilaashaa

sidii baad Xabiibi

xile iigu tahayoo

wali kuu Xushmeeyaa

 

^^Lafoole^^

**END**

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Waaashey gacalisooy***

 

(2)Walaashay Gacalisoy,

Aakhiro wehel lama ahoo,

Wakiil laysuma noqdoo,

Wacaal laysuma hayee,

Walaashey Gacalisooooooooooy

 

(2)Intay wada nool yihiin,

Hadday labo waajib iyo,

Xaq weyn isku leedahoo,

Waxuun ifka la isku taro,

Waax iyo jiidh wada dhashoo,

Wadaagga naftaan nahee,

Walaashey Gacalisooooooooooy

 

(2)Anigu waagii beryaaba,

Wanaagaagaan jeclahay

Wadeecaan ku la nebcahay,

In cadow kugu wiirsadoo,

Marnaba aad wiiqantiiyoo,

War iyo ceeb ku lama rabo Walaashey Gacalisooy

 

(2)Walaalnimadeenna iyoo,

Jacayl wadankaa lahoo,

Wadnahu wadar kaama dhexeeyee,

Waheey waheey waheey isla garasho wacan.

*** *** *** *** ***

(2)Walaashay Gacalisoy,

Waddada khayr toobaddiyo

Wacane dhaqankiyo hiddaha,

Ilaah hayna waafajee Walaashey Gacalisoooy

 

(2)Wiil iyo caanoba noqee waxbaan kuu sheegayaa

Adduunyadu waa wilwilad)

Hijradu waa kala wareeg,

Wacdaro baaxaa deggiyo

Waleyl baa lagu jiraa walaashey Gacalisoooy

 

Anigu waagii beryaba,

Wanaagaagaan jeclahay,

Wadeecaan ku la nebcahay,

In cadow kugu wiirsadoo,

Marnaba aad wiiqantoo,

War iyo ceeb ku lama rabo,

 

Walaalnimadeenna iyo,

Jacayl wadankaa lahoo,

Wadnahu wadar kaama dhexeeyee,

Wahey waheey waheey isla garansho wacan.

 

The Legend Ahmed Ali Egal

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Samiiraay***

 

(2)Timo seynta gerigiyo

sida geenya moodaa

saatir kugu abuuroo

waad suuro wacanteee

 

(2)Markad socoto laafyaha

sixun uma dhaqaaqdidee

dhulka kama sanqadhisidee

Allow saxay Tallaabadayeeee

 

(2)Abidkey Samiiraaaay

Kuma sahashanaayoo

Wadnahaabad sudhantooo

Saldhig aad kuleedahayeee

*** *** *** ***

(2)Midabaan saluugiyo

Midna saxar xumaaniyo

aan sakati gelinbaad

macaaney udhalatee

 

(2)sina aynigaagiyooo

soomaali idilkeed

midaan adiga kula simooo

maan saarin Indhaheee

 

(2)Abidkey Samiiraaaay

Kuma sahashanaayoo

Wadnahaabad sudhantooo

Saldhig aad kuleedahayeee

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Tusmo***

 

(2)kuma koobi karo tiree

hadaan taabto quruxdaada

 

(2)todobkoo darooroo

arlada tiixu wada gaadhey

geeduhu taraareen

nimcadu tog waliba buuxdo

tafiirtii suleekhaan

marwooy kugu tilmaamaa

 

(2)wuu taaba galayaa

kalgacal loo shin tiriyaaye

(2)tusmo ila wadaag aaminaay

waan ku tabayaayee

*** *** *** ***

(2)asluub loogu taliyey

hadaan taxo amaantaada

 

(2)tagsaniyo waxad tahay

hablaha heer la tiigsado

 

(2)caqli taamahoo qaba

xishood lagu tidcaad tahey

tayadii suleekhoo

wakhtigan taagan baa tahaye

jaceyl daacad tiirsadey

ayaan abid tasoobine

tusmo ila wadaag aaminaay

waan ku tabayaaye

 

By Awaale

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Wadartii Haweenkaay***

 

(2)Wadartii Haweenkaad

Gabaryahay waxdheertoo

waxyahaagan simaniyo

wajigaagan quruxda leh

haaaaaaa

wanaagaad udhalatayeee

 

(2)Xiska weerargelisayee

waxa nool adduunyada

Adaan kugu werwerayaa

warna iima hayside

adaan kugu werwerayaa

warna iima haysidee

 

(2)Waanadeydan maqaloo

haddii weyne nagu simo

Jacayl aan wadaagnee

aaa adna hay wax yeeleyn

 

*** *** *** ****

(2)Jaceylbaa iwada oo

iwatee anigee

iwalwaalanaayoo

Kolna waaban maayee

haaa

wacadkii xasuusnow

 

(2)Wehelkii Nafteydaay

weedhaad tiraahdaa

Wehelkii Nafteydaay

weedhaad tiraahdaa

Wadnahay kutaalaa

warna iima hayside

wadnahay kutaalaa

warna iima hayside

 

(2)Waanadeydan maqaloo

haddii weyne nagu simo

Jacayl aan wadaagnee

aaa adna hay wax yeeleyn

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this